Soomaaliya:

Dal lacagtiisa dabar go’day

Warbixin Keydmedia Online

Dowlad la’aanta 30-ka sano waxay dalku dhaxal-siisay aafooyin kala duwan, oo ay kamid yihiin amni xumo, nidaam darro iyo dabar go’ ku dhacay lacagtii Shilin Soomaaliga, oo hadda kunka shilin ka nool.

Dal lacagtiisa dabar go’day

Bangiga dhexe ee dalka si sax ah uma shaqeyn tan iyo 1991. Lacagtii dalka ayaa baaba'day, waxaana lagu beddelay doolarka Mareykanka iyo lacag electronic ah [Mobile money, oo aan la isku halleyn karin.

Lacagta kaliya ee weli la isticmaalo ayaa ah Kunka Shillin, oo aan lagu iibsan Karin hal koob oo shaah ah ama baakad xanjo ah, taasoo kuu muujinaysa qiimo dhaca ku yimid lacagta wadanka midkii ka hartay.

Maxaa ka hor-taagan inay dowladda lacag cusub soo daabacdo?

October 2017, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa u sheegay shacabka hadal farxad heliyay, oo ahaa inay dowladda soo daabacayso lacag cusub oo shalinka birta iyo warqad isagu jirta.

Wuxuu sidoo kale Beyle usoo bandhigay dadweynaha naqshadda lacagta, oo ugu yar yahay kunka shalin, uguna wayn laabatan kun oo isku dhegan, isagoo ku sheegay lacagta lasoo daabacayo cadadkeeda dhowr bilyan oo Shilin Soomaaali ah.

Qorshuhu wuxuu ahaa sida Beyle sheegay in dhamaadka 2017 ama billowga 2018 in lacagtaas dalka soo gaarto, islamarkaana dowladda ay dhaqan-geliso isticmaalkeeda, balse riyadda dowladda run ma noqon.

Su’llaaha ugu badan shacabku is waydiinayeen ayaa ah maxaa kahor istaagay dowladda soo daabicida lacagta cusub?.

Beileh wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay 100 milyan oo doollar, oo kala bar ay si toos ah ugu bixinayso qarashka daabacaadda lacagta, qaybta kalena ay ku ilaalinayso qiimaha lacagta.

Hay’adda Lacagta Adduunka [IM]F ayaa ka taageeraysay dowladda fulinta qorshahan, iyadoo u balan-qaadey lacagta lagu soo daabacayo Shilin Soomaaliya, waxaana muuqata inaysan fulin balantaasi ama la musuq-maasuqay dhaqaalaha loogu tala-galay mashruuca, oo meelo kale loo weeciyay.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa ah hirgelinta habka lagu beddelayo lacagtii hore iyo waxa laga yeelayo lacagta been abuurka ah ee suuqyada ku jirtay sannado badan.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arinta farxadda leh ay tahay in lacagta been abuurka ah ee wareegaysa suuqyadda dalka aysan ahayn wax badan, maadaama Kunka shilin isticaamlkiisa uu yaraadey.

“Ma ahan wax badan markaad fiiriso dhaqaalaha oo dhan, waxaan u maleynayaa inay ku dhowdahay inay noqon karto 10 boqolkiiba ama 20 boqolkiiba wadarta lacagta wareegaya,” ayuu yiri Wasiirka.

Halkee ku dambeysay lacagtii Sudan lagu daabacay?

Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe C/salaan Cumar Hadliye oo Wareysi siiyay Ayaanle Xuseen, ayaa sheegay in lacag cusub oo dowladdii KMG ee Soomaaliya ay ku daabacday dalka Sudan 2013 aan wali dalka la keenay, islamarkaana ay ku baaba'iday Bakhaarkii ay ku jirtay.

Waxaa dowladda ka caawiyay qarashka daabacaada oo $49 milyan oo dollar gaaraya Shirkad Jarmalka laga leeyahay. Hadliye wuxuu sheegay in lacagta ay ahayd mid aad u wanaagsan oo aan la copy-gareyn karin, oo 7 security ku xiran yahay, sida ay isaga IMF u sheegtay.

Daabacaadda lacagtan waxaa dalbatay dowladdii Sheekh Shariif oo Wasiirka Maaliyadda xiligaasi u ahaa Shariif Xasan.

Isagoo wareysi siinayay Hanoolaato Youtube Channel, Hadliye ayaa caddeeyay in sababta lacagta lagu daabacay Sudan loo keeni waayay ay tahay in laga baqay isticmaalkeeda in caqabad lagala kulmo, maadaama maamul Goboleedyada hadda jira aan laga talo-gelin xilligaas, looma dhama ayay u khasaartay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in 98% lacagta Soomaaliya hadda taalla ay faalso tahay, iyadoo mida asalka ah ee la daabacay 1991 ay suuqa ka baxday.

Maxaa laga dhaxlay lacagta dalka ee dabar go’day?

Waxaa laga dhaxlay sabooltinimo baahsan, sicir-barar iyo sare u kac qiimaha maciishadda, taasoo sababta in 10% shacabka Soomaaliya oo lagu qiyaaso illaa 15 milyan ay noqdaan barakacayaal maalintii ku nool wax ka yar hal dollar.

Goobta kasta, sida xafiisyada dowladda, hay’adaha, ganacsiga mushaarka waxaa lagu bixiyaa sidoo kalena wax lagu iibsadaa waa doollarka Mareykaka, oo dad badan aan awoodin inay helaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.