Sanad guurada 10-aad

Danaha istiraatiijiyadeed ee Turkiga

Warbixin Keydmedia Online

Turkiga oo doonaya inuu xaqiijiyo danaha istiraatiijiyadeed ee uu ka leeyahay Soomaaliya, ayaa dhidibada u taagay dugsiga tacliinta milatariga ee TURKSOM kaas oo ku yaalla duleedka Muqdisho, loguna tababaro ciidamada Soomaaliya.

Danaha istiraatiijiyadeed ee Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Toban sano ka hor, markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo markaas ahaa Ra’iisul wasaaraha dalkaas, uu cagaha soo dhigay Muqdisho, booqashadii ugu sarraysay ee hoggaamiye aan Afrikaan ahayn uu ku yimaado Soomaaliya, ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay dhibaatadii bani’aadamnimo ee ka jirtay dalka.

Ahmiyadda ugu horreysa ee Turkiga, waxay ahayd inuu gargaar bani’aadamnimo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, oo ah abaartii ugu xumayd ee ka dhaca Bariga Afrika muddo 60 sano ah. Si loo gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo dadka wax yeelladu gaartay, waxaa la hirgaliyay mashaariic wax ku ool ah, waxaana la furay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Ururrada dawliga ah iyo Ururada bulshada ee Turkigu, waxay bixinayeen gargaar bani'aadamnimo iyo mid horumarineed, waxay dhiseen dugsiyo, waxayna siinayeen deeq waxbarasho ardayda Soomaaliyeed si ay wax ugu bartaan gudaha Turkiga. Muddo yar ka dib ayaa la aasaasay safaarado kale oo shisheeye, Caasimadduna waxa ay noqotay mid soo jiidasho leh, taas oo sababtay in qurba –joogtu dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo.

Waxaa la furay albaabadii ganacsiga labada dal. Shirkadaha Turkiga waxay bilaabeen inay maalgashadaan Soomaaliya, waxayna qaarkood ku guuleysteen heshiisyo qaali ah oo lagu maareynayo dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhanka kale, ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa tan iyo xilligaas ganacsiyo ka furtay Turkiga, boqollaal kalena waxay Turkiga ka dhigteen halka ay doorbidaan inay u tagaan waxbarashada sare, dalxiiska iyo caafimaadka.

Waddanka Geeska Afrika wuxuu noqday albaabka Turkiga ee Bariga Afrika iyo guud ahaan Afrikada ka hooseeya Saxaraha. Aug 19, 2021, oo shalay ku asteysneyd waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 10-aad ee dib-u-soo-celinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Horumarro isdaba-joog ah oo heer caalami, heer gobol iyo heer degmo ah, oo Turkigu masuul ka ahaa, ayaa ku dhiirri-geliyey labada dal inay ballaariyaan xiriirkooda lanaa dhaafsiiyo kaliya xiriirka bani’aadamnimada.

Ka dib afgambigii dhicisoobay ee July 15, 2016 ka dhacay dalka Turkiga oo ay soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa FETO, Turkigu wuxuu ku adkeystay inuu sii joogo Bariga Dhexe iyo Afrika, halkaas oo caqabado xooggan ka heysteen.

Turkiga oo doonaya inuu xaqiijiyo danaha istiraatiijiyadeed ee uu ka leeyahay Soomaaliya, ayaa dhidibada u taagay dugsiga tacliinta milatariga ee TURKSOM kaas oo ku yaalla duleedka Muqdisho, loguna tababaro ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya, sugidda amniga iyo ka xoreynta dalka ee kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab iyo sidoo kale ilaalinta xuduudaha ayaa mudnaan sare u lahaa dowladihii kala dambeeyay. Si taas loo gaaro, kumanaan askari oo Soomaali ah ayaa tababar ku qaatay TURKSOM, Turkiguna wuxuu si deeqsinimo leh ugu deeqay Soomaaliya qalab ciidan oo muhiim ah.

Illaa iyo hadda, ciidammo uu Turkigu tababaray ayaa safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo qayb ka ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) waxayna awood u yeesheen inay xoreeyaan magaalooyin cusub oo istiraatiiji ah sida Jannaale oo ku taal koonfur-bari gobolka Shabeellada Hoose.

Go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee ahaa in ku dhawaad ​​800 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore ayaa sidoo kale ka dhigan in doorka Turkiga ee dib-u-dhiska SNA uu yahay mid lagama maarmaan ah.

Ka bixitaanka Mareykanka ee Afgaanistaan ​​iyo qabsashadii Daalibaan waxay markhaati u tahay in Soomaaliya, aysan ku sii tiirsanaaan karin, taageerada AMISOM ama Mareykanka. Sidaa darteed, diyaargarowga Turkiga ee ah inuu tababarro xirfadeed iyo qalab siiyo askarta Soomaaliyeed waa nooca taageerada Soomaaliya u baahan tahay oo hoggaamiyayaashu aqbaleen.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.