Da’yartii lagu laayay dagaalka Tigreegga iyo Baroorta Waalidiinta

Warbixin Keydmedia Online

Dowladda Farmaajo ayaa kumanaan dhalinyaro ah oo lagu qalday in loo wadayo dalka Qatar si qarsoodi ah ugu dirtay sanadkii tagey Eritrea, kadibna la geliyay xeryo tababar.

Da’yartii lagu laayay dagaalka Tigreegga iyo Baroorta Waalidiinta

Dhalinyaradan ayaa intooda badan laga soo qoray gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ay Madaxda saree e maamulka Galmudug ay ku lug lahaayeen qorshahan oo Fahad Yaasiin, taliyaha NISA uu watay.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa ka billowday November 2020 gobolka Tigreegga, waxaana colaadda ku biiray Ciidamo ka yimid Eritrea, kuwaasoo ay ku jireen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xubno katirsan Sirdoonka Itoobiya ayaa dusiyay xogta in dhalinyaro Soomaali ah oo la socday taliyeyaal u dhashay Eritrea kusoo gudbeen xuduuda dhanka dhulka kadibna ay ku biireen dagaalka G/Tigreegga.

Tiradooda waxaa lagu qiyaasay guuto iyo bar, 1,000 illaa 4,000 oo askari oo tababar uga socday Eritrea mudo billooyin ah, waxaana soo baxay warar sheegaya in wax yar ay ka badbaadeen dhalinyaradaas.

Waxay ka dhinac dagaalameen askarta Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo si wadajir ah ula dagaalamey Ururka Tigreedda ee TPLF, kaasoo looga adkaadey dagaalka, iyadoo laga saarey Caasimadda Mekelle Dec 2020.

Kuwa ku dhawaacmay dagaalka waxaa lagu daaweynayaa Isbitaallo ku yaalla magaaladda Mekelle, iyadoo meydadka dhalinayaradda lagu aasay Itoobiya. Lama oga tiradda rasmiga ah iyo magacyadooda.

Keydmedia Online ayaa heshay magacyadda iyo qabiiladda qaar kamid ah Dhalinyaradda, oo u badan kuwa kasoo jeeda Galmudug, waxayna da’doodu u dhaxaysaa 20 illaa 30 sano, oo Dugsiga Sare ku jiray.

“Ma jirto qiyaanno qaran oo midan ka weyn oo Farmaajo ka galay dalka, waana dembi aan looga hari doonin,” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ka hadlayay Wiilasha lagu dilay Itoobiya.

Waalidiin murugeysan, oo welwel ka muuqdo ayaa wadooyinka Gaalkacyo iyo magaalooyin kale oo Muqdisho kamid tahay ku bananabaxay maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo dalbanaya in Carruurtooda nolol iyo Geeri meel loogu sheego.

Waxay sheegeen hooyooyinka in iyagoo aan ka warqabin laga soo kaxaystay Wiilashooda oo wax u baranayay, iyagoo lagu qalday in Qatar loo wadayo, oo halkaasi ay shaqo lacag badan lagu qaadanayo ka helayaan.

Xubno katirsan TPLF ayaa horey u sheegay in Eritrea ay ka qeyb qaadatey dagaalka, iyadoo u adeegsatay askar Soomaali ah oo tababar dalkeeda u joogay, oo basas lagu geeyay gobolka Tigray bishii November.

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Afwerki ayaa 2019 kala saxiixday heshiis iskaashi amni gobolka Geeska Afrika, waxayna kaligii-taliyeyaashan ku ballameen in midkii colaad kusoo furanta in loo gurmado Ciidan ahaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidan Soomaali ah Farmaajo u diro inay kasoo dagaalamaan dal dibadda ah, wuxuu horey ugu diray Qatar, Libya Azerbaijan, oo Turkiga oo taageero.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.