Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Sideedii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa jiray dhacdooyin hadal-heyn badan abuuray oo ay kamid ahayd dhageysiga Dacwadda Badda ee Maxkamadda ICJ iyo qaadacadii Kenya inay ka qeybgasho.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

15 March 2021: Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ ayaa 15-kii bishan Maarso u fariisatay dhageysiga Dacwadda muranka Badda oo 2014 u gudbisay Soomaaliya, iyadoo Kenya qaadacday ka qeybgalka.

16 March 2021: Soomaaliya waxaa ka billowday talaalka COVID-19 ee AstraZeneca, iyadoo uu daah-furay Farmaajo oo sawir laga soo qaadey isagoo la tallaalayo lasoo dhigay baraha bulshadda ee Madaxtooyadda.

17 March 2021: Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu wada qorshe uu ku kala qeybinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ukala saaraya kuwa isaga daacadda u ah iyo kuwa shaki laga qabo. 

18 March 2021: Maxkamadda ICJ ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga kiiska Badda, kadib markii dhinac Soomaaliya qareenadii u dooday ay jeediyeen doodooda ay kusoo bandhigeen inaysan Kenya haysan wax caddeyn ah oo muujinaya inay leedahay badda ay ku doodayso.

19 March 2021: Waxaa Muqdisho looga dhawaaqay Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen Axmed Madoobe, Deni iyo Musharixiinta Mucaaradka, iyagoo kulmiyay codkooda iyo cududooda ay uga hortagayaan damaca Farmaajo inuu xukunka dalka xoog ku haysto.

20 March 2021: Farmaajo ayaa Ciidamo u diray gobolka Gedo, kuwaasoo diyaarado looga qaadey Muqdisho, lagana dejiyay degmada Doolow xili gobolka abaar ka jirto, waxaana tallaabadan ay sii xoojisay xiidadda colaadeed ee horey u jirtay.

21 March 2021: Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa u hanjabtay Madaxda Maamul Goboleedyadda, iyadoo ku amartay inaysan Muqdisho ka bixi karin inta heshiis laga gaarayo khilaafka doorashadda. Waxay dowladda Mareykanka sidoo kale u sheegtay in aan la aqbali doonin fashil iyo guul-darro wadahadallada la qabanayo.

22 March 2021: Waxaa dib u dhacay Shirkii ka furmi lahaa Maanta Afisyooni kadib markii ay qaadaceen Deni iyo Axmed Madoobe, iyadoo madasha ay soo xaadireen Madaxda daacadda u ah Farmaajo ee Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-Gareen.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.