Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii lasoo dhaafay waxay Muqdisho gashi jawi cusub oo qalalaase iyo Kacdoonka shacab oo ka dhan ah Farmaajo, ee u xuub-siibtay kaligii-taliye burburinaya dimuqraadiyaddii lagu doortay, uga bogo macluumaad dheeraad ah warbixinta Keydmedia Online, ee dhacdooyinka Todobaadka

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

14 December 2020: Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa 5 qof oo shacab ah Isgoyska Fagax ee Waqooyiga Muqdisho kadib markii lala eegtay Qarax miino xili ay kusii jeedeen xerada Maslaxa.

15 December 2020: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin gaar ah oo ku saabsan in Taliyaha NISA Fahad Yaasin uu cabsi darteed uga orday Villa Somalia, isagoo gabaad ka dhigtay Garoonka diyaaradaha.

Dibadbaxyo loogu magac-daray Kacdoonka Shacabka Muqdisho ayaa ka dhacay Caasimadda, kuwaasoo looga soo horjeeday boobka uu Farmaajo ku hayo doorashooyinka dalka iyo xukunkiisa kaligii-taliska.

16 December 2020: Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay bishan usoo dirayso Muqdisho diyaarad sida hub casri ah, oo loogu tala-galay Ciidamada Haramcad, oo ah unug katirsan Booliska oo si gaar ah ugu adeegto Farmaajo.

"Midowga Musharixiinta waxay ogaadeen in diyaarad military oo Turkiga leeyahay oo lambarkeedu yahay TUAF767 ay 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabo oo rasaas usoo wado Muqdisho 16-ka illaa 18-ka bishan December," ayaa lagu yiri qoraalka, oo KON heshay.

17 December 2020: Farmaajo ayaa Ciidan dul-dhigay Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo degan nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho cabsi uu ka qabo in la qabto banaanbax isaga ka dhan ah.

18 December 2020: Saraakiil Ciidan ayaa ku dhintay Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay afaafka Garoonka Kubadda Cagta Koonfurta Gaalkacyo xili halkaas ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayay RW Rooble.

19 December 2020: Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay inay heshay xog ku saabsan inay Kenya Malleeshiyaad iyo Hub aad u badana y geysay Mandheera, si loogu weeraro Beled-Xaawo oo dhawaan la wareegay Ciidamo laga diray Muqdisho.

20 December 2020: Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa shir uga furmay Jabuuti, iyadoo ajandaha ugu wayn yahay Xiisadda u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ka qeybgalaya Farmaajo, iyadoo Uhuru ka maqan yahay madasha.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.