Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxay Soomaaliya ku xasuusatay qaraxii Zoobe, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 600 muwaadin, oo iyagoo aan waxba galabsan lagu xasuuqay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

12 October 2020: Warbixinta uu soo saarey Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku eedaysay Bangiga Salaam Somali Bank u keydiyo, u xawilo, islamarkaana ganacsiga guryaha ugu maalgeliyo Al-Shabaab lacagta baadda ah ee shacabka Soomaaliyeed sida qasabka ah looga qaado.

Al-Shabaab ayaa in ka badan 13 Milyan oo dollar xawilatay labo akoon oo Salaam Somali Banka uga furan laga soo bilaabo December sanadkii hore ilaa bishii August ee sanadkan, sida ku xusan warbixinta oo uu daabacay wargeyska New York Times.

13 October 2020: Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka bilaabay ololaha dib u doorashada Farmaajo oo 3 sano iyo bar waxba qaban, isagoo meel fagaaro ah ka sheegay in dib loo furay wadooyinkii xirnaa, kuwaasoo markii horeba isla dawladda haatan jirta ay xirtay.

14 October 2020: Shacabka Soomaaliyeed ayaa xasuus murugo leh u sameeyay kuwii ay jeclaayeen ee uga dhintay qaraxii Zoobe, oo bishan oo kale Saddex sano kahor dhacay, kaasoo dad badan ku dhinteen.

15 October 2020: Waalidiinta ku nool Muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay cabsi iyo walwal aad u xooggan kadib markii magaaladda ay soo galeen dad xada caruurta kadibna sii iibsada, iyadoo la sheegay in xubnaha jirkooda laga ganacsado.

16 October 2020: Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka DF ee Gedo, kuwaasoo kala ah, Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & , Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

17 October 2020: Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa xirtay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, kadib markii wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ku taageeray Al-Shabaab iyo dilka Ciidanka AMISOM.

18 October 2020: Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayay NISA xirtay kadib markii Ciidanka ay gurigiis aku weerareen xili habeen ah, kadib laba maalin markii kasoo wareegatay wareysi uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

19 October 2020: Adeegga Internet-ka oo maalintii 3aad ka maqan Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo waxbarashadda. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.