Dhagarta Kooxda ‘Nabad & Nolol‘

Warbixin Keydmedia Online

Nabad iyo Nolol waa magac ay la baxday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, geed-fadhigeedana uu yahay Fahad Yaasiin oo ah shakhsi kusoo dhuuntay xirfadda Warbaahinta balse xiriir la leh kooxda Al-Shabaab!

Dhagarta Kooxda ‘Nabad & Nolol‘

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad oo aan ku baahinay taariikh nololeedkiisa bartan KEYDMEDIA ONLINE waa shakhsiga ugu tunka weyn kooxda, xitaa wuxuu ka amar iyo talo sarreeyaa Farmaajo oo ku magacaaban guddoomiyaha kooxda, Taleefishinka ku hadla Afka Carabiga ee Al-Jazira ayuu kasoo shaqeeyay, waxaana xarun u ahayd waddanka koowaad adduunka ee lagu eedeeyo in uu garab iyo gaashaanba u yahay ururka Argagaxisada ah ee Al-Qaacida.

Qormadan waxaan uga hadli doonnaa DHAGARTA KOOXDA NABAD IYO NOLOL LA BAXDAY! Warbaahinta KON waxay si bilaash ah ugu shaqeysaa bulshada soomaaliyeed, waxayna mar waliba u dhex jibaaxdaa meelaha qatarta ah sidii ay kusoo heli lahayd warbixinno dhammeystiran oo xaqiiqda ka tarjumaya, islamarkaana lagu saleeyay Anshaxa Saxaafadda madaxa bannaan.

Kooxdani waxay istimcaashaa Xeelado badan oo haddana kala duwan, waxaana kamida in Shakhsiyaad xilal iyo dhaqaale doon ah loo adeegsado dano gaara sida kicinta bulshada, magac dilidda shakhsiyaaska iyaga kasoo hor jeeda iwm. Halkan waxaan ku soo gudbin doonaa qaar kamida Dhagarta kooxda:

Adeegsiga shakhsiyadda qofka markii laga gun gaarana in bannaanka la isaga soo tuuro waa dhaqan ugaara kooxda Nabad iyo Nolol la baxday;

  1. Xasan Cali Khayre wuxuu ahaa Xamaaligii kooxda u xil saarnaa muddo 3 sano iyo bar kabadan inuu dushiisa ku qaado qof kasta oo ka tirsan kooxda!
  2. Wasiir Maareeye wuxuu ahaa mas’uul aan xishoon, oo caruurta iyo cid kasta ee uu canaananayo wuxuu ku dhihi jiray “Waxaad tahay Qaran – Dumis!”
  3. Fowsiya Xaaji Aadan waxay isugu yeeri jirtay warbaahinta markii ay hadlaan Madasha Xisbiyada Qaran, si ay dhadhanka uga disho cabashada Xisbiyada ka biya-diidsan siyaasadda Farmaajo!
  4. Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye waxay ahaayeen koox odayaal ah oo lagu soo mooday muddo sano sano kabadan, ugu dambeyntiina waxaa lagu soo baddalay koox kale oo cusub kuwaasoo uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo wareegto madaxweyne ku jooga Xafiiska Gobolka!

Middida waxay ku socotaa Cali Maxamed Geeddi oo u muuqda in laga dhammeystay Tamartii uu ku dhawaaqi jiray!, Salaad Cali Jeelle oo hanka qarashaadka lagu shaqeeyo kordhiyay, kuwa loogu yeero Culamaa'u Sulda ee hadli jiray markii Farmaajo la farmuuqa oo iyagana Tiiro dhigay,  

“Marin habaabin in lagu sameeyo bulshada qeybaheeda kala duwan waxay kamid tahay tiirarka Nabad iyo Nolol ay ku sii taagnaan karto” aragtidaas iyada ah waa mid kamida howl-gallada kooxda Fahad iyo Farmaajo!

Ma jirto qiyaano ka weyn in la marin habaabiyo bulshadii mas’uuliyaddooda dusha la saartay, ee xil uqabashadooda lagu loolamayay shalay markii loo han-qal taagayay siyaasadda Soomaaliya! Islamarkaana gacanta loo galiyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka looguna dhaartay!

Magacan been abuurka ah ee Nabadda & Nolosha aan jirin dadka loo hoos geynayo waxaa ka habboon in dadka loo sheego Fahad & Farmaajo hamiga ay ka leeyihiin danaha Soomaaliya ee ay u hoos geeyeen Dowladda aynaan waligeen cilaaqaad la yeelan dagaal mooyee ee Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.