Dhismaha Dekadda Hobyo iyo Mashruucii Faanoole

Dhismaha Dekadda Hobyo iyo Mashruucii loogu magac daray Faanoole aad ayey isugu eg yihiin, waxayna u muuqdaan laba isku waddo ku sii socota, waa Warbixinta S/N ee Keydmedia Online. 
 

Warbixin Keydmedia Online
Dhismaha Dekadda Hobyo iyo Mashruucii Faanoole

HOBYO, Soomaaliya - Maamulka Galmudug oo dhul ahaan dhaca bartamaha Soomaaliya malahan il dhaqaale oo si rasmi ah u shaqeysa xilligan aaynu joogno, wuxuu lamid yahay Maamuladda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo aan iyagu ka faa’iideysan isha dhaqaalaha ay haystaan ee ah dhul beereed -yada ay ku fadhiyaan.

Saddexdaas maamulba waxay mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha riyadkaba ka sugaan DF iyo Bangiga adduunka oo dhaqaalaha usoo marsiiya Dowladda dhexe, halka labada maamul ee kale iyo Somaliland ay haystaan ilo dhaqaale oo u gaara.

Madaxda Galmudug dhowr jeer oo hore ayey isku dayeen in ay ka madax bannaanaadaan DF iyo dhaqaalaha loo soo marinayo, waxayna isku dayeen tiro dhowr jeer ah in ay helaan il dhaqaale oo ay ku daboolaan baahidooda gaarka ah, tan ciidanka iyo tan shaqaalahaba, waxaa tiro aan yareen la dhagax dhigay Dekadda Hobyo, sidoo kale waxaa heshiisyo lala saxiixday shirkado ajaanib ah oo laga leeyahay waddamada Ciraaq iyo Shiinaha, hayeeshee midkoona ma mira-dhalin.

Dowladda Qatar oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaad usameysay Maamulka Galmudug in ay u dhisi doonaan Dekadda Hobyo, balse warkaasi wuxuu noqday Bar-kuma taal.

Shir weyne looga hadlayay kar mira dhalinta dhismaha dekadda Hobyo ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Hobyo halkaasoo lagu aruuriyay lacag qaaraan ah oo loogu talagalay in lagu dhiso dekadda mar haddii ay badatay ballan-qaad yadii hore oo aan waxba ka naasa-caddaan. Lacag 90 Milyan ah ayaa lagu yaboohay hoolkii uu ka socday shirka kaasoo ay fadhiyeen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jirta oo goobta gaaray.

Horraantii bisha aynu ku jirno ee November waxa heshiis dhismaha dekedda Hobyo kala saxiixday Galmudug iyo Shirkadda Oriental Terminal oo ah Isbahaysi ka koooban Seddex Shirkadood oo ka soo kala jeeda Turki, Ingiiriis iyo Soomaali, sida ay Keydmedia Online usoo qortay. 

Shirkadan heshiiska lagula galay in ay dhisi doonto dekadda Hobyo ayaa saldhigeedu uu ku yaalaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxayna Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey uu kulamo kala duwan la qaatay wasiirka wasaaraddaasi shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda waaweyn ee horumarinta kaabaayaasha Dhaqaalaha, Islamarkaana waafaqsan shuruudaha maalgashiga Galmudug, ee uu fadhigoodu yahay dalalka Turkey, UK, Belgium iyo Netherland.

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha Saxiixa heshiiska Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badaha oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Dowlad-goboleedka Galmudug.

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta Dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & Bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka Wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.

Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo haddii uu hir galo uu abuuri doono fursado shaqo iyo ganacsi horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo Maamuladda la deriska ah.

Sidee Keydmedia Online hore usoo qortay, Dekedda Hobyo waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, oo ku dhaw gacan-biyoodka muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb Strait, oo Maraakiibta aad u isticmaasha, waxaana hadii la dhiso fududeyn doontaa ganacsiga Soomaaliya iyo Caalamka.

Dadka odorosa siyaasadda Soomaaliya waxay is weydiiyeen dhismaha Dekadda Hobyo iyo Mashruucii loogu magac daray Faanoole halka ay iska shabahaan, dad badani waxay leeyihiin dhismaha dekadda Hobyo wuxuu soo jiitamayay ama la rajeynayay wax ku dhaw 100 Sano! Mashruucii Faanoole isna wuxuu soo billowday tan iyo billowgii dowladdii Kacaanka, waxaana lagu sheegaa in uu ahaa mashruuc la cunay lacagtii loogu talagalay, sidoo kalena dig la siiyay lacago badan oo la sheegay in mashruuca oo dhaqaalo ku filan loo la’yahay lagu dhammeystiri doono!

Waa xaqiiq in dhismaha Dekadda Hobyo uu u ekaaday Mashruucii Faanoole ee markii dambe loogu yeeray “Faanoole Fari kama Qodna” taasoo halbeeg u noqotay shaqo kasta oo loo arko in aan horay loo wadin loogu yeero “Waa Faanoole Fari kama Qodna!”.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.