Dib-u-dhac laga yaabo in ay ku timaaddo Doorashada

Warbixin Keydmedia Online

Waxaa laga yaabaa in uu dib-u-dhac ku yimaado nidaamkii lagu ballamay ee doorashada Soomaaliya sanadkan 2020 oo loo qorsheeyay in ay ka dhacdo guud ahaan dalka oo dhan.

Dib-u-dhac laga yaabo in ay ku timaaddo Doorashada

Shirkii Wada-tashiga doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiiskii Dhuusamareeb 1-3 ee dhex maray Madaxda dowladda Ssoomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Dhexe ee lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya (17 September) ee sanadkan waxaa la isku raacay qodobo dhowra kuwaasoo lagu ballamay in si wada jir ah loo filo, koox walibana qeybteeda ay ka qaadato dhaqan gelinta heshiiskaas mira-dhalay.

Waxaa haatan muuqata in uu heshiiskaasi ahaa afka labadiisa baar, koox kamida dhinacyadii heshiiskaas saxiixayna aysan ku jirin dhaqan galinta iyo ka gun gaaridda heshiiskaas, sida ay Keydmedia Online ogaatay.

Sida ku cad heshiiskaasi waxaa qorshuhu uu ahaa in 1-da November la aado doorasho, oo ay si rasmi ah uga billaabato deegaanada loo asteeyay in ay ka qabsoonto doorashada kuraasta labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka & Aqalka Sare). Xilligan oo ay ka harsan tahay waqti aad u yar weli lama soo dhammeystirin magacaabistii guddiyada doorashada iyo kan xallinta khilaafaadka ee lagu ballamay in si wada jir ah maamul goboleed kasta uu usoo magacaabo xubno ku matala doorashada.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka Gobolka Benaadir weli ma uusan soo magacaabin xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga doorasho ee heer fedraal iyo heer dowlad goboleed ee lagu ballamay in lasoo dhiso, wuxuuna daahani keeni karaa dib u dhac ku yimaada doorashada xildhibaanada iyo tan madaxtinimo ee Soomaaliya.

Horay waxaa la isku raacay in uusan jiri doonin wax muddo kororsi ah, Madaxweyne Farmaajo ayaana ballan qaaday inaysan jiri doonin wax muddo kororsi ah. Daaha xubnaha guddiyadii lagu ballamay in si dhaqso leh loo soo magacaabo ayaa bixinaya ifafaallo muujinaya rabitaanka iyo qorshaha Saamileyda siyaasadda Soomaaliya kuwa isku koobay ee Villa Soomaaliya ku heshiiyay.

Waxaa xaqiiqo ah in dhinacyada doorashada ka wada hadlay ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah uu khilaaf xoogani u dhaxeeyay, waxaan kaloo ka war qabnaa in madaxweynuhu sheegay in uu tanaasulay, ma cadda waxa uu ku baddashay oo uu ku aqbalay inta badan rabitaankiisiina isaga haray, shaki kuma jiro in si hoose loo heshiiyay, bulshada iyo warbaahintana laga qariyay, dano gaar-gaar ah ayaa jiray, waxaana kamida gorgortanka lagu galay dhismihii wasiirada, magacaabista safiirrada iyo diblumaasiyiinta safaaradaha dibadda iyo kuwa kale

Fulinta dano gaar loo leeyahay ayaa kow ka ah caqabadaha hor yaalla doorashada Soomaaliya, waxayna sabab u noqneysaa in uu dib u dhaco xilligii lagu ballamay.

Madaxweyne kasta ee dowlad goboleed dan isaga u gaara ayuu kala hadlay madaxweynaha JFS si isna loogu fuliyo dantiisa ah in waqtiga doorashada la daahiyo, mar haddii daah uu yimaadana waxaa sii shaqeynaya golayaasha hadda jooga ee fulinta iyo sharci dajinta, sidoo kale madaxweynaha ayaa shaqada sii wadaya inta doorashada laga galayo.

Waxyaabaha tuhunka dhaliyay waxaa kamida, in aysan jirin cid loo xil saaray kor-joogteynta arrimaha doorashooyinka la xiriira, sidoo kale cid si gaara uga cabaneysa ma jirto in waqtigii lagu heshiiyay uu u muuqdo in dib looga dhici rabo waayo koox waliba danta ay leedahay ayaa lagu xiray in aysan ka hadlin daah iyo doorasho midna.

Wasiirka arriamaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo kamid ahaa guddi ay Hirshabeelle usoo xushay ayaa isagoo ka hadlay dood loo qabtay ururrada bulshada rayidka iyo doorkooda ku aaddan doorashooyinka ayuu si cad u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku amray in guddigu aysan ka hadli karin wax la yiraahdo doorasho iyo muddo kororsi, shaqada loo igmadayna aysan ku jirin, taasi waxay caddeyn buuxda u tahay rabitaanka Madaxweynaha lasoo doortay ee Dictator -nimada jecel ee Farmaajo.

Keydmedia Online ayaa wada baaritaan la xiriira nuuca heshiisyada hoose ee la isku af-gartay 17 -kii September kuwaasoo laga qariyay bulshada iyo warbaahintaba, waxaa kale oo aan il gaara ku haynaa magacaabista Golaha wasiirada ee ku soo aaday xilliga kala guurka ah iyo danaha ugu jira madaxya-weynta dowlad goboleedyada oo lagu kala laaluushayo mid waliba, si uu isku arko in laga tala-geliyay, magacaabista taliyayaasha ciidamada iyo sidoo kale safiirrada lakala boobayo ee qancinta ku dheehantahay ayaan diiradda saari doonnaa Insha'allah. 

S/M

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.