Diiradda Howlgalka Mareykanka ee la dagaalanka Al-Shabaab

Kadib weerarkii Al-Shabaab ee Saldhiga Ciidanka Mareykanka Camp Simba ee ku yaalla dalka Kenya January 5, 2020, waxaa isbedel lagu sameeyay istaraajiiyada howlgalka la dagaalanka argagaxisada.

Warbixin Keydmedia Online
Diiradda Howlgalka Mareykanka ee la dagaalanka Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa ku dishay weerarka oo ka dhacay xili subax ah Manda Bay 3 nin oo Amerikan ah, labo qandaraasliyaal ah iyo hal askari oo Ciidanka gaarka katirsanaa.

Lix diyaaradood ayay Al-Shabaab ku gubtay saldhigga, oo ah midka laga qorsheeyay duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca gobolka Jubada Dhexe ee dalka Soomaaliya,

Saldhigan oo mudo 10 sano ah shaqeynaya ayaa 2019 loo bedelay mid howlgallada laga qorsheeyay, iyadoo la geeyay diyaarado kuwa dagaalka iyo Ciidan dheeraad ah.

Militariga Mareykanka ayaa shaqaaleysiiyay qandaraaslayaasha rayidka ah door muhiim ah ka ciyaara uruurinta xogta bartilmaameedka, la doonayo in la weeraro.

Kadib weerarkii Xerada Manda Bay, taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa fuliyay 42 duqeyn gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Guud ahaan 2019, waxuu Mareykanka ka geystay dalka 63 weerar.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah meesha ay ka dhacayaan duqeymaha ugu badan, waxana cabsi darteeda degaanadooda kasoo barakacay qoysas hadda duleedka Muqdisho barakacayaal ku noqday.

Dad badan oo shacab ah ayaa naftooda ku waayay duqeymaha socda, waxaana inta badan AFRICOM sheegtaa inaysan khasaaro rayid ka dhalan howlgalladooda, balse taasi beenowday kadib markii ay hadleen ehelada dhibaniyaasha.

Mareykanka ayaa diiradda saaray Kenya, oo xuduud la leh Soomaaliya kadib qaraxii 1998 ee Safaaradiisa Nairobi ay ku qaadey Al Qaacida, kaasoo ku dhimatay 213 qof.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.