Doorashada dadban waxay noqon kartaa “xor iyo xalaal”

Warbixin Mohamud M Uluso

Tartanka doorashada Kursiga GSh 060 wuxuu markhaati iyo caddeyn u yahay in “doorashada dadban” noqon karto “xor iyo xalaal” haddii la raaco habraaca wanaagsan ee loo dejiyay, ayna ka fiican tahay doorashada “halka qof iyo halka cod.”

Doorashada dadban waxay noqon kartaa “xor iyo xalaal”

GAALKACYO, Soomaaliya - Taarikhda waxay xuseysaa, diiwaan-gelineysa Tartanka iyo Natiijada Kursiga GSh 060 ee lagu qabtay Galkacyo 6da Maarso 2022 oo ay ku tartameen 5 dumar ah oo ay ku jirto Xildhibaanad Ubax Tahlil Warsame, kuna guuleysatay Qali Cali Shire oo ah Xildhibaanad cusub. Sababaha taarikhigi u tahay kursigaas waxaa ka mid ah:

1. Beelaha loo asteeyay kursiga oo diiday, ka dhidhiiyay in kursigaas loo xiro qof gaar ah, taaso aan meelo badan ka dhicin. Sharcidarrada, maamulxumada, iyo ku takrifakka awoodda dowladnimada ee kalsoonida iyo xushmadda ka qaaday doorashada Barlamaanka Federaalka 2021-2022, isla markaana soo dedejiyay in dowladda Mareykanka soo saarto go’aanka ay Dal ku galka ugu diideyso mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee loo aaneynayo musuqmaasuqa doorashada, caburinta Mucaaradka iyo Saxaafadda, iyo ku tumashada nidaamka dimoqradiga waxaa sabab u ah doorasho aan lagu tartamin, caan ku noqotay musharrax dooran iyo milxiis iyo ergo bug ah.

Fadeexooyinka lama iloobaanka ah ee dul hogaya Barlamaanka Federaalka 11 waxaa ka mid ah  doorashada kursiga GSh 086 ee lagu qabtay DG Hirshabelle, Magaalada Beledweyne ee ku soo baxay Fahad Yaasin Axmed. Kursigaas wuxuu Ummadda Soomaaliyeed ku dhirrigeliyay inaan laga xishoon, laga cabsan, lagu faano ku takrifalka awoodda dowladda, boobto doorashada haddii aad haysato.

Beelaha loo asteeyay kursiga GSh 060 ee Galmudug- Galkacyo waxay u istaageen difaaca xuquuqdooda, karaamadooda, iyo ilaalinta cadaaladda, waxayna mudan yihiin aammaan iyo ku dayasho. Musharrixin iyo beelo badan ayaa qaylinaya oo ka cabanaya ku tumashada xuquuqdooda ka qaybgalka siyaasadda iyo doorashada.

2. Madaxweynaha DG Galmudug iyo Guddiga doorashada oo garwaaqsaday inaysan ka hor imaan xaqa iyo rabitaanka beelaha loo asteeyay kursiga GSh 060 oo ah doorasho daahfuran oo xor iyo xalal ah. Waa dhici karta in Musharrixiinta bixiyeen laalush ama ay jirto caadifad jufo, haseyeeshe waxaan shaki ku jirin in doorashada kursiga GSh 060 ay aheyd xor iyo xalal, natiijada ka soo baxday ay raalli ka wada yihiin beelaha ay khuseysay iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

Tartanka doorashada Kursiga GSh 060 wuxuu markhaati iyo caddeyn u yahay in “doorashada dadban” noqon karto “xor iyo xalaal” haddii la raaco habraaca wanaagsan ee loo dejiyay, ayna ka fiican tahay doorashada “halka qof iyo halka cod.”

Ilaa maanta 9 kursi ee ka mid ah kuraasta Barlamaanka Federaalka 11 ayaa lagu tilmaami karaa inay ku soo baxeen habraac “xor iyo xalal ah.” Waxaa muhiim ah in bulshada ra’yidka ee mataleysa Ummadda Soomaaliyeed ay calaamad gaar ah u sameyso 9 Xildhibaan ee ka tirsan Barlamaanka Federaalka 11 si looga sooco kuwa ku soo baxay hab khilaafsan habraaca doorashada dadban.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu dalbanaya in looga jawaabo sababta 9 kursi keli ah ka dhigay xor iyo xalal, inta kalena loo boobay ama loo baalmaray habraaca doorashada dadban loo dejiyay.

Dr. Maxamud M. Culusow – KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.