Doorashada oo isbaaro loo dhigtay & Eeda Rooble

Warbixin Keydmedia Online

Farmaajo ayaa sameeyay waxkasta oo uu awoodo si uu u musuq-maasuqo doorashadda oo si dhab leh iyo qori caaradiisa lagu ogoleysiiya inuu qabto kadib markii uu dabcay inuu xukunka daba-dheeraysto, oo labo sano oo sharci darro ah ku darsado bishii April 2021.

Doorashada oo isbaaro loo dhigtay & Eeda Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Faragelinta xafiisyada sare ee dowladda, sida Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Mahdi Guuleed ayaa caqabad ku noqday doorashadda Soomaaliya inay ku qabsoonto waqtigeeda, si hufan oo wadar-ogol ah.

Tan iyo xilligaas, waxaa lagu guuleystay hirgalinta mid ka mid ah todobo qodob oo lagu heshiiyay, kaas oo ah tababarka iyo doorashada Guddoonka Guddiyada Doorashooyinka oo loo asteeyay (30 June – 05 July 2021).

Hayeeshee, jadwalka ayaa u muuqda in ay wax badan iska badali doonaan, maadaama 15 July loo madlanaa in ay bilaabato soo xulidda iyo diyaarinta ergada doorashada mana muuqato wax tallaabo ah oo ilaa hada la qaaday.

Inkastoo la xaliyay inta badan arrimaha la xariira guddoonka doorashooyinka, hadana guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada Soomaaliland, ayaa kala jabay, waxa ayna kala doorteen labo guddoomiye, tallaabadaas ayaana sida muuqata qeyb ka qaadatay dib u dhaca jadwalka doorashooyinka.

Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare oo ah siyaasiga ugu miisaanka culus kuwa kasoo jeeda Somaliland ayaa aad u dhaliilay sida uu Ra'iisul Wasaare Rooble u maareeyay hanaanka turxaan-bixinta gudiyadda doorashadda.

Qoraal uu soo saarey shalay, oo nuqul kamid ah Keydmedia Online lasoo gaarsiiyay ayuu ku sheegay Cabdi Xaashi in Rooble uu iska indha-tiray baaqyo uu u jeediyay iyo xiriiro toos ah uu uu la sameeyay, oo kaga dalbaday inuu xaliyo khilaafka ka taagan gudiga doorashadda Xildhibaanada gobollada Waqooyi.

Dhex-dhexaadnimada iyo madaxbanaanida FEIT

Tan kale, Su'aallo badan ayaa dul-saaran dhex-dhexaadnimada iyo madaxbanaanida Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal [FEIT], kaasoo ay ku jiraan xubno lagu eedeeyay inay xiriir dhaw la leeyihiin Farmaajo, oo ah Musharax xilka Madaxweynaha u tartamaya markii 2aad.

Keydmedia Online ayaa bishii June soo daabacday Warbixin baaritaan ah [Halkan ka akhri], oo ku saabsan magacyada shaqsiyaadka aan dhex-dhexaadka ahayn, ee katirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaasha Farmaajo, ee aan laga saarin Gudiyadda doorashadda.

FEIT ayaa ah halka ugu badan ay ku jiraan shaqsiyaadka kusoo baxay Warbixinta KON, waxaana kamid ah ninka Gudoomiyaha looga dhigay Maxamed Xasa Cirro, oo jagada markii labaad loo doortay, isagoo sidoo kale aan lagu soo darin liiska xubnihii laga saarey gudiyadda

Waa shaqsi la sheegay inuu Fahad Yaasiin ku xisaabtamayo, oo uu doonayo inuu kusoo saaro liis dheer oo Xildhibaanno ah, oo daacad u ah Villa Somalia, kuwaasoo la qorsheeyay inay u codeeyaan Musharax Farmaajo doorashadda October 10.

Farmaajo ayaa sameeyay waxkasta oo uu awoodo si uu u musuq-maasuqo doorashadda oo si dhab leh iyo qori caaradiisa lagu ogoleysiiya inuu qabto kadib markii uu dabcay inuu xukunka daba-dheeraysto, oo labo sano oo sharci darro ah ku darsado bishii April 2021.

Villa Somalia ayaa hadda sida ay Keydmedia Online ogaatay ka shaqeynaysa, qeyb kamid ahna ku guuleysatay kala-qeybinta Musharixiinta mucaaradka ah, kuwaasoo qaar la aamusiyay kadib markii xubno loogu daray gudiyadda, qaar kale oo CC Warsame kamid yahay weli tooshka ayay ku hayaan khiyaanooyinka iyo musuq-maasuqa Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.