Zoobe Massacre

Dowladda oo wali Cashar ka baran Qaladaadkii dhaliyay Qaraxii Zoobe

Warbixin Keydmedia Online

Saddex sanno ayaa kasoo wareegtay Qaraxii Isgoyska Zoobe, oo dhacay 14-kii October 2017, kaaso noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo abid ka dhaca wadanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay dad gaaraya 578 qof, halka 316 kale ay ku dhaawacmeen. 

Dowladda oo wali Cashar ka baran Qaladaadkii dhaliyay Qaraxii Zoobe

Keydmedia Online oo xasuusaneyso Qaraxii Zoobe

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa xamuulka qaada, ayaa ka yimid dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu soo diyaariyay degaan Al-Shabaab ay maamusho. Baabuurka wuxuu kasoo gudbay baro koontarool, oo ay joogaan Ciidamada dowladda.

Dadka aqoonta u leh arrimaha qaraxyada waxay sheegeen in qaraxaas laga hortagi karay, maadaama hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ay horey u bixiyeen digniino ku saabsan in gaari noocaas ah uu usoo socdo magaaladda Muqdisho.

Laakiin, digniinta ayaa la iska indha tiray. Waxay ahayd in khatartaas oo kale laga hortago, oo la baaro baabuur kasta oo noocaas ah, laga taxadaro, la baaro, laguna wargeliyo Ciidamada ee jooga cirifyadda Muqdisho laga soo galo dhamaantood.

Qaraxa kadib dowladdu waxay sheegtay inay sameysay baaritaan, waxayna warbaahinta ku iclaamisay inay xog hayso, illaa haddana ma jirto tallaabo intaasi dhaafsiisan oo laga qaadey ciddii gaariga kasoo gudbisay baraha koonatarool, islamarkaana soo damiinatay iyo halka uu bartilmaameedkiisu ahaa weerarka.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Ciidamada dawladdu ay weli baabuurta kusii daayaan damiin saddex sanno kadib, iyagoo og in qaraxii ka dhacay Zoobe, ee galaaftay muwaadiniin badan, oo waxba galabsan uu sabab u ahaa baabuur lagu soo geliyay Caasimadda damiin.

Wali waxaa sahlan in baabuurtu meelo kala duwan ay kasoo geli karaan magaalada, maadaama laamaha amnigu aysan haysan qalab si dhib yar u sawiri kara qaraxa ama walxaha halista ah ee saaran gawaarida kusoo jeeda Muqdisho.

Qaraxii Zoobe oo dad badan ku dhinteen

Dowladda way soo iibsan waysay qalabka casri ah ee lagu ogaado qaraxyada, iyadoo miisaaniyadda ugu badan qoondeeyay amniga, waxaana sidoo kaloo ka gabiyeen madaxda Villa Soomaaliya inay ka codsadaan dowladaha taageera inay ugu deeqaan.

Ciidamada loo xilsaaray mas’uuliyadda amniga Muqdisho, ee jooga baraha koontarool ayaa ku tiirsan 100%  gacantooda iyo ishooda waxay qabtaan marka ay baabuurta baarayaan, taasoo khubarada amniga ay rumeysan yihiin inay tahay qalad.

Sidoo kale, Ciidamada ma ogaan karaan meesha uu qaraxa uga jiro gaari kasoo gudbaya barta koontarool, maadaama aysan illaa hadda haysan qalabka la hoos-geliyo gaariga iyo eyda urisa qaraxyada.

Al-Shabaab ayaa marba marka ka dambeysa bedelaysa xeeladaha ay ku qarin karto qaraxa saaraan baabuurta, kuna gaarsiin karto halka uu yahay bartilmaameedka weerarkeeda, isagoo aan qarxin ama la qaban.

Kooxdan ayaa sido kale kordhisay awoodda qaraxyada ay farsameyso, taasoo laga arkay weeraradii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay Muqdisho sanadihihii lasoo dhaafay, iyadoo dowladda taaso aan wax cashar ah ka baran, iyadoo falalka argagaxiso ay wali dhacaaan.

KON ayaa heshay macluumaad sheegaya in inta badan qaraxyada Muqdisho lagu sameeyo dibedda magaalada, waxaana keena baabuur ay hagayaan shaqsiyaad gudaha ku sugan, oo hadii kuwa wada caqabad ka kulmaan baraha koonatarool soo gudbiya.

Dhanka kale, waxaa jira qaladaad ay wali samaynayaan Ciidamada amniga iyo taliyeyaashooda, oo ay kamid tahay inay wali kusii deynayaan baabuurta qaarkood afgarasho. Gaariigii ku qarxay Zoobe ayaa Siinka Dheer kusoo dhaafay damiin, iyadoo dadkii arintaas sameeyay aysan dowladda sii daysay.

Dhibka jira ayaa ah in dowladda aan lahayn qorshooyin degsan iyo siyaasad amni oo waxtar leh. Ciidamada ma ma lahan xirfad sareysa, mana u dhameystirna agabkooda, nooc kasta oo loogu talo galay sugida amniga, waxaana la siinin xuquuq ku filan.

Waxaa wali ka jira koonatarooladda Ciidanka ee laga ilaaliyo Caasimadda dhaqanka waji-garashada iyo laaluusha, oo noqday kuwa ka muhiimsan waajibaadka sharci iyo gudashadda mas’uuliyadda shaqada qaranka, oo ay u dhaarteen madaxda DFS.

Ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iimaan illahey haka siiyo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.