Dowladda Qadar oo Soomaaliya iyo Eritrea ka dalbatay baaritaan

Sida ay qortay shabakadda Doha News, Dowladda Qadar ayaa ka dalbatay dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea baaritaan ku saabsan sababta ay ku dhacday arrintan.

Warbixin Keydmedia Online
Dowladda Qadar oo Soomaaliya iyo Eritrea ka dalbatay baaritaan

DOOXA, Qadar - Doha News oo ah warbaahin laga leeyahay waddanka Qadar islamarkaana kamida kuwa ugu afka dheer ayaa qortay warbixin ku saabsan dhallinyaro la askariyeeyay, Dowladda Qadar ayaa ka dalbatay dowladaha Soomaaliya iyo Eratariya baaritaan ku saabsan sababta ay ku dhacday in dhallinyaro la sheegay in loo qaaday tababar ciidani oo Eratariya ah, oo haddana la sheegay inay kudhinteen dagaalka Itoobiya ka socda in markii hore dhallinyaradaasi lagu khalday ballan-qaad been ah oo ahaa in shaqooyin lacag fiican leh laga siinayo dalka Qadar.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Qadar, ayaa lagu yiri: "Dowladda Qadar waxay ka soo horjeedaa dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorineysaa dhammaan dowladaha inay baaraan xadgudubyada noocaan ah."

"Dowladda Qadar waxay mar kale ku celinaysaa in wixii dalab shaqo bixin ah oo run ah ay marwalba ka imaaneyso dariiqyada rasmiga ah iyo wakaaladaha shaqaalaysiinta la ansixiyay ee dalka Qadar, ama Xarumaha Visa bixinta, Waxaan ka codsaneynaa dhammaan shaqsiyaadka shaqada u raadsanaya Qadar inay xaqiijiyaan inay ka heleen dhinacyo rasmi ah ama safaaradda Qadar, ka hor intaysan aqbalin,”ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Qadar.

Maqnaanshiyaha ragga dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed waxay kicisay mudaaharaadyo ka dhacay caasimada Muqdisho, iyo sidoo kale wadanka oo dhan. "Si qarsoodi ah ayaa loo qoray dhalinyaro Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri warbixinta waxaana arrintani ay kicisay buuq hareeyay waalidiin ku kala sugan gobollada dalka, iyadoo madaxweyne Farmaajo si toosa looga dalbaday inuu meel ku sheego dhallinyarada maqan nolol iyo geeri mid uun.

"Aabbe Soomaaliyeed ayaa sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Sadam Warsame, loo qortay shaqo la sheegay inuu Qadar ka qabanayo, taasoo ku saabsan xagga amniga sannadkii 2019-ka" ayaa lagu xusay warbixinta.

Qatar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis shaqaale sanadkii 1983 kaas oo markii dambe dib looga falceliyey sanadka 2019. Sida heshiiska ku xusan, xafiisyada xiriirka shaqaalaha waxaa dhisi lahaa labada Wasiir, Qatarna waxay mas'uul ka noqon lahayd Xafiiska Xiriirka Shaqaalaha Caalamiga.

Heshiiska waxaa loo sameeyay si kor loogu qaado iskaashiga labada dal iyo in fursado shaqo la siiyo Soomaalida Qadar. Dhammaan dalabyada shaqo iyo fiisooyinka dhabta ah waxaa lagu sameeyaa xafiisyo diiwaangashan waxayna la yimaadaan dukumiintiyo sharciyeysan, oo ka soo horjeedda dalabyada afka ah ee la siiyo ragga maqan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.