Shacabka Muqdisho

‘Farmaajo fur waddooyinkii aad xiratay inta aadan bixin!’

Warbixin Keydmedia Online

Shacabka Caasimadda Dalka oo dhaq-dhaqaaq sameyn karin ayaa ka shaleysan taageeradii ay u muujiyeen Farmaajo, waa Warbixin uu Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho uu ka diyaariyay dhibaatada heysata dadweynaha Magaaladda. 

‘Farmaajo fur waddooyinkii aad xiratay inta aadan bixin!’

MUQDISHO, Soomaaliya - Shacabka Muqdisho ayaa weli dhibaato weyn ku qaba waddooyinkii ay dowladda Madaxweyne Farmaajo dhagxaanta waaweyn ku xiratay, waxaana kala go'doonsan magaalada oo idil.

5-tii Febraayo 2017, waxay ahayd maalintii uu Farmaajo isaga oo musharrax ah ka horsheegay BF in waddooyin kooban oo markaas xirnaa furi doono, welibana aanay dhici doonin in waddooyin dambe la xiri doono.

"Ma jiri doonto waddooyin la xiri doono, waxaan fureynaa kuwa xiran...haddii aan wax ka qaban waayo ammaanka waddo ma xirayee waxaan dhex-geli gaadiidka qafilan

Hadalkaasi ayaa u muuqday mid loogu laab qaboojinayo shacabkan kasoo daalay dowladahii tabarta yaraa, una baahnaa dowlad fahamta baahidooda. Mana ahan balanqaadkii ugu horeeyay oo uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, kadibna uusan fulin. 

Farmaajo oo hadda waqti kooban uga haray ka arriminta Villa Somalia, maadaama doorashooyin la galayo, ayaa markii uu xilkaasi ku guuleystay ka baxay dhammaan balamadii uu shacabka u qaaday.

Waxaa si aan weli loo arag uu u xiray dhammaan wadooyinkii magaalada Muqdisho, magaaladuna waxay u muuq ekaatay furin dagaal.

Hadda waqtiga dowladdii Farmaajo waa gebo-gebo, balse shacabka oo sanado ciriiri badan soo maray ayaa hadda doonaya in dib loogu furo dhammaan waddooyinka xiran.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo aanu noqon sidii la moodayey, sidaasi darteed kaliya ay hadda ka dalbanayaa inuu iska soo wareejiyo furaha qufulkii uu ku xirtay waddooyinka, inta aanu ka huleelin Villa Somalia.

"Kolley annaga shacab masaakiin ah oo dowladnimo raadinteeda ku jira ayaan nahay, qofkii aan u maleyno inuu wax noo qabanaa ayaan iska taageernaa, walow taageeradii Farmaajo ay ahayd qaladkii ugu weynaa ee aan galno" qof ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sidaasi u sheegay Keydmedia Online.

Madiino Axmed Gacal waxay ka mid tahay hooyooyinka Soomaaliyeed ee sida weyn u taageeri jiray Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay sheegtay in dhib walbo oo hadda dhaca ay shacabka mas'uul ka yihiin maadaama shaqsi u dhoola caddeeyey ay aamineen.

"Waxaan la yaabay sidaan ugu waalanay Farmaajo, hadana waxay naga taagan tahay yaa naga hor wada, sababtoo ah ammaankii uu ku faanaayay waxbo kama qaban, isagii ayaaba ku baxsan la madaxtooyada, waddooyinkii uu dhahaayay lama xirayana waaba aragtaan oo dadka caadiga ah ayaaba mararka qaar la' meel ay maraan - Waxaan oranayaa: Farmaajo fur waddooyinkii aad xiratay kahor inta aadan bixin!"

Nabadoon Xuseen Xasan Hadaafow oo isna la hadlay Keydmedia Online ayaa qaba aragtidan.

"Kolley Farmaajo si aan la arag ayuu inoo siray, laakiinse hadda waxaan leenahay maalmaha kuu dhiman waan dulqaadaneynaa ee haddii aad damiir leedahay musharrax aan ahay hana soo dhihin"

Dhanka kale, dadka ku xeel-dheer arrimaha siyaasadda ayaa qaba, in Madaxweyne Farmaajo laga yaabo in uu dib u furo waddooyinka muhiimka ah ee xiran, si uu mar kale olole ugu galo.

Mudadii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo waxaan waxbo laga qaban ammaanka guud ee dalka, haba ugu darnaato magaalada Muqdisho.

Saddexdii bilood ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerarro dhaliyey khasaarooyin badan. Dowladda ayaa mar walba ku doodda inay hagaajisey amniga, khaasatan Xukuumadda hadda jirta ayaa qaaday tallaabooyin ay ku sheegeen inay amniga ku wanaajiyeen oo uu ka mid yahay inay xireen waddooyin badan oo caasimaddda u ah halbowle iyagoo aakhirkii xayndaab ka samaystay Madaxtooyo iyo goobaha u dhaw keliyana ay dowladdu mari karto Waddada Maka Al Mukarama iyo Waddada Dekadda.

Keydmedia Online oo amniga Caasimadda warbixin dheer kasoo qortay bishii lasoo dhaafay, ayaa ogaatay in waddooyinka uu xiray Madaxweyne Farmaajo aysan waxba ka tarin amniga Muqdisho. 23dii bishii June ilaa 16dii August waxaa Caasimada ka dhacay 13 Weerar iyo Qarax, waa muddo ka yar labo billood. 

Sidoo kale, Farmaajo ayaa meesha ka saaray shaqooyin badan oo ay horey u qabteen dowladihii dalka soo maray ee isaga ka horreeyey.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.