'Af-weyne'

Wuxuu ka shaqeynayaa dib usoo laabashadiisa

Warbixin Keydmedia Online

Madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017, muddo xileedkiisuna ahaa afarta sano ee soo socota, ayaa markii uu xilka kasii dhammaanayay wuxuu billaabay inuu ka shaqeeyo sidii uu kusoo laaban lahaa.

Wuxuu ka shaqeynayaa dib usoo laabashadiisa

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii uu xilka qabtay kaddib warbaahinta horteeda ka sheegay in aysan qorshihiisa ku jirin inuu ka fakaro doorasho afar sano oo kale, balse uu diiradda saari doono sidii uu wax uqaban lahaa afarta sano ee xilka loo dhiibay.

Hadalkaas madaxweynuhu uu sheegay waxaa buriyay ficilladii uugu horreeyay ee u uku dhaqaaqay, taasoo ahayd inuu marka horeba isbadal ku sameeyo hay’adda sharci dajinta (Golaha Shacabka BJFS) si ay meesha uga baxdo isla xisaabtan, wuxuuna meesha ka saaray Guddoomiye Jawaari oo ahaa khabiir dhanka Sharciyadda ah, kaasoo siddeed sano oo xiriir ah loo doortay inuu noqdo Afhayeenka Golaha Shacabka, balse ugu dambeyn lagu qasbay inuu xilka banneeyo.

Tallaabadii xigtay ee madaxweyne Farmaajo uu qaado ma noqon inuu wax qabto, balse wuxuu billaabay caburinta dadka ka aragtiyada duwan ee siyaasiyiinta ah, iyo sidoo kale inuu isku dayo inuu af qabto Saxaafadda xorta ah ee dalka ka hana-qaadday xilligii burburka, kuna soo shaqeeyay marxalado kala duwan oo aad u adag.

Muddo xileedkiisii markii uu sii dhammaanayo afartii sano ee loo dhiibay kursigana uusan wax cad qaban ayuu u hanqal taagay sidii uu kusoo laaban lahaa mar kale, wuxuuna indhaha ka qarsaday talo kasta iyo soo jeedin mug leh oo waxtari lahayd maamulkiisa taasoo kaga imaanaysa Aqoon yahanka, wax garadka iyo cid kasta oo aqoon lagu tuhmayo.

Waxa uu billaabay inuu boobo kuraastii Baarlamanka, si ay mar kale usoo doortaan Xildhibaanno uu hadda soo saarto ayuu sawirtay madaxweynaha isagoo dagaal ugalay sidii ay arrintaasi ugu hagaagi lahayd, waxa uuna ku tashanayaa xildhibaanada ka imaanaya saddexda maamul goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug kuwaasoo markii horeba uu isagu meesha geystay.

Wuxuu kaloo isku dayay inuu leexsado kuraastii ay ku lahaayeen matalaadda gobollada Waqooyi ee Somaliland kuwaasoo uu u wakiishay RW Rooble inuu si hoose usoo magacaabo xubnaha guddiga doorashada si ay ugu xadaan xildhibaanada uu doonayo madaxweyne Farmaajo, wuxuu kaloo ku darsaday qeyb kamida kuraastii Jubbaland kuwaasoo uu dhiig u daadiyay, Balad-xaawo ayuu doonayaa in 16 Kursi uu gacantiisa kusoo dhisto isagoo adeegsanaya ciidamadii loo soo tababaray in ay Al-Shabaab ka caabiyaan umadda.

Waxa uu hoos ka ansaxsaday isagoo dano siyaasadeed kaleh kuraastii matalaadda Gobolka Benaadir, waxa uuna meesha ka saaray Maqaamkii Muqdisho kahor inta uusan kuraas ku yeelan gobolka Benaadir Aqalka Saree e BJFS. Magacaabiddii mas’uuliyiinta Gobolka Benaadir ee uu ku dhaliili jiray madaxdii isaga ka horreysay ayuu meesheedii kasii waday, si aysan maqaam u yeelan Muqdisho ayuu ka shaqeeyay. 13 Kursi oo isaga soo doorata ayuu dadka reer Muqdisho ku qanciyay.

Wuxuu horay ugu dhawaaqay inuu qaban doono doorasho qabyo ah oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ay qaadaceen musharaxiintii la tartami lahayd isaga, hayeeshee Beesha Caalamka ayaa soo fara-galisay, waxayna ku baaqeen in aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, mid lagu garab wado iyo qalalaase. Carrabka ayeyna ku adkeeyeen oo dhowr mar ayey ku soo celceliyeen in aan saddexdaba la aqbali doonin. Waxayna ugu dambeyn ku qasbeen inuu isku keeno dhinacyada is haya ee kaga aragtida duwan arrimaha la xiriira doorashada.

Natiijada Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa aad looga deyrinayaa, wuxuuna ku billowday si cago-jiid ah iyadoo kala aragti duwanaashiyaha labada dhinacba uu u muuqdo mid aan waxba iska baddali doonin.

Shaki kuma jirto in Farmaajo uu ka shaqeynayo muddo kororsi iyo kusii fadhinta Kursiga. 

Xukun Jaceylka, beenta iyo khiyaanada Madaxweyne Farmaajo intuba waa wax aan qarsooneyn, isagoo la hadlayay ciidamo ku sugan Jiidda hore ee dagaalka Al-Shabaab lagula jiro ayuu ku yiri “Anigu afar sano oo dambe shaqadayda ma ahan, afartan sano ayaa xilka la ii dhiibtay iyada ayaana igu filan!” Maantana waxaa laga kari la’yahay kaalay doorasho xor iyo xalaal ah qabo.

Haddii aad guuleysato iyo haddii lagaa guuleystana waa isku mid, kursi aad shalay tartan ugashay oo aad ku guuleysatay in maanta lagaaga adkaado dhibaato kuma jirto.

Astaamaha lagu yaqaanoo kali-taliska waa inuu burburayaa hanaankii dimuqraadiyadda isagalagu soo doortay, awood-aruursi, sawaridiisa oo waddooyinka Muqdisho lagu dhejiyay, aasaaska xoogagga waddaniyiinta, meesha ka saaridda awooddii Barlamaanka, tii Aqalka Sare, iyo axsaabta siyaasadeed.

Waxay arrimahan uu la yimid Farmaajo markii uu kursiga ku fariistay u laabanayaan koritaankiisa iyo hanqaadkiisa siyaasadeed oo soo billowday xilligii dowladdii kacaanka.

Xukun Jeclaa ma Keligii-Taliyihii ay magac iyo ehel wadaagga ahaayeen ee Af-weyne lagu neynaasi jiray buu kaga daydaa maamulka iyo hoggaaminta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.