Gaboodfalka lagu sameyay Jeneral Indhaqarshe

Waajibka dowladda federaalka, Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyada doorashada wuxuu ahaa inay caddeeyaan kuraasta haweenka u tartamayaan inta aan la bilaabin doorashada si aan dhibaatooyin looga dhex abuurin bulshada Soomaaliyeed. Nasiib darro, ma dhicin arrintaas.

Warbixin Keydmedia Online
Gaboodfalka lagu sameyay Jeneral Indhaqarshe

GAALKACYO, Soomaaliya - Waxaan saakay oo taarikhdu tahay 1.03.2022 baraha bulshada ku arkay in kursigii uu muddada dheer u sharraxnaa Jeneral Dahir Adan Culmi Indhaqarshe HOP 020 ee Beesha Shiikhaal loo asteeyay shalay oo taarikhdu aheyd 28.02. 2022 inay u tartamayaan haween keli ah, taasoo dad badan u arkeen inay tahay gaboodfal lagu sameeyay Jeneraalka oo muddo labo sano ku dhow Musharrax u ahaa kursigaas.

Waxaan xog ogaal u ahay in Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qorqor si gaar ah loogu wargeliyay damaca iyo dadaalka muddada dheer Jeneraal Indhaqarshe ugu jiray u tartanka kursiga Beesha Shiikhal HOP 020, lagana codsaday inaan lagu xadgudbin xaqa Jeneraalka oo ka mid ah geesiyaasha Ummadda Soomaaliyeed. Nasiib darro, go’aanka kursiga loogu asteeyay waxaa iska leh Madaxweyne Qorqor.

Dooda ma ahan inaysan xaq aheyn in kursi loo asteeyo haweenka, waxaase xaqdarro ah in kursi rag ku qornaa inta aysan bilaaman doorashada socota 7 bilood, maalin ka hor doorashada kursiga HOP 020 loo asteeyo haween, isla markaana ay jiraan dhalliilo kursi asteyntaas ka muuqata.

Sidaan horey meelo badan uga sheegay doorashada dadban oo leh Xeer iyo habraac tartamayaasha iyo indheergaradka u arkeen mid aad ugu habboon marxaladda siyaasad, nabadgelyo, iyo dhismo dowladeed waxaa xumeeyay oo qalloociyay mas’uuliintii loo xilsaaray inay fuliyaan oo baalmaray dhammaan shuruudaha ilaalinta hufnaanta, daahfurnaanta, iyo ku kalsoonaanta natiijada doorashada taaso dhaawac weyn u geysaneysa dowladnimada Soomaaliya.

Waxyaabaha calool xumada ah waxaa ka mid ah fidnada loo isticmaalay qoondada haweenka oo noqotay aalad loo isticmaalo isku dirka iyo kala qaybinta bulshada iyo reeraha Soomaaliyeed iyo musuqmaasuqa doorashada. Danta guud waxay ku jirtay in haweenka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan in xuquuqdooda siyaasadeed loo isticmaalo fidnada bulshada Soomaaliyeed iyo is cambaareynta iyo kala eed sheegashada haweenka iyo ragga Soomaaliyeed.

Waxaa xaqdarro in hal maalin ka hor la ogaado in kursi qof dumar ah ama rag ah ku fadhiyo loo beddelo rag ama dumar.

Waajibka dowladda federaalka, Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyada doorashada wuxuu ahaa inay caddeeyaan kuraasta haweenka u tartamayaan inta aan la bilaabin doorashada si aan dhibaatooyin looga dhex abuurin bulshada Soomaaliyeed. Nasiib darro, ma dhicin arrintaas.

Waxaan aad uga xumahay gaboodfalka ku dhacay Jeneraal Dahir Adan Cilmi Indhaqarshe, waayo xaq ma aheyn hal maalin ka hor doorashada kursiga la beddelo astaanka kursiga HOP 020, waxaana rajeynaya in Beesha kursiga loo asteeyay ka tashan doonto maslaxaddeeda.

Waxaa ka cabsi qabaa in doorashada 2021-2022 ay keeni doonto qalalaase siyaasadeed oo ugu dambeyn keena burburka dowladnimada Soomaaliya labo sababood: 1. dhismaha barlamaan aad u liita oo aan ka soo bixi karin kaalinta laga rajeynayo; 2. Soo ifbixidda boqolal siyaasin ah oo ka ciilqaba boobka doorashooyinka dalka ka dhacay 2017-2022, kaddibna ay abuuraan xoogag ka soo horjeeda Xildhibannada loo boobay kuraasta si codkooda loogu noqdo Madaxweyne, dalkana loogu xukumo kooxnimo.

Dr. Maxamud M. Culusow- KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.