Galmudug

Guul darrada Qoor-Qoor

Warbixin Keydmedia Online

Guul darroo xoog leh ayaa madaxweyne Qoor-Qoor kasoo gaartay tan iyo goortii Fahad Yaasiin uu u magacaabay hoggaamiyaha Galmudug, waa Warbixin ay Keydmedia Online ku eegeyso Amniga deegaanka. 

Guul darrada Qoor-Qoor

Madaxweynaha aan aqoonta iyo khibradda lagu xulan ee Galmudug la dul dhigay Qoor Qoor waxa uu ku guul darreystay hoggaaminta Galmudug dhinac kasta oo laga filanayay in uu natiijo uun ka keeni doono.

Amnigii deegaanada Galmudug faraha ayuu ka baxay, qoyska uu ka dhashay Axmed Qoor Qoor markii lagu wareejiyay xafiiskii Galmudug ee Dhuusamareeb waxay dagaal xoog leh ku qaadeen qoyska uu ka dhashay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid, dagaal aad u qaraar ayaa wuxuu ku dhex maray labada reer halka lagu magacaabo Furunta Foore oo u dhaxaysa Cadaado iyo Caabudwaaq, halkaas dad badan ayaa ku dhintay, tiro kalena wey ku hdaawacmeen, dadkii halkaa ku diriray qeyb ka mida waxay ku gubeen calankii Galmudug iyagoo u aaneenaya in reerka soo weeraray uu hoosta kala socdo ninka madaxweynaha ka ah Galmudug.

Mar kale wuxuu dagaal ka qarxay deegaan aan sidaa uga fogeen caasimadda Galmudug ee Qalaanqale, waxaa is farasaaray reer Dhuusamareeb iyo qoyska uu ka dhashay Madaxweyne Qoor Qoor, waxaa halkaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kale, isla deegaan aan sidaa uga fogeyn oo lagu magacaabo Xananbuuro waxaa ka qarxay dagaal kale oo salka ku haya kii Qalaanqale, waxaa ku geeriyooday nin ay ilma adeer dhaw yihiin Qoor Qoor oo lagu magacaabo Daahir Shidane, horay wuxuu usoo noqday Wasiir dowladdii uu hoggaaminayay Axmed Geelle Ducaale.

Laba toddobaad kahor waxaa Holdooyaale oo 20km jihada waqooyi kaga beegan deegaanka Xinlabi ka dhacay dagaal laba beelood u dhaxeeya kaasoo in kabadan 10 ruux ay ku naf waayeen, halka inkabadan 30 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa  beesha uu kasoo jeedo madaxweyne Qoor Qoor iyo beel kamida beelaha daga gobolka Mudug, waxaana dhibaatadaas qeyb ka ah ayaa la leeyahay madaxweyne Qoor Qoor.

Toddobaad ka hor waxaa deegaan lagu magacaabo Laasbuuro iyo Wanna kiir ayaa lagaga hor tagay isku dhac laba beel oo isku qalab qaadanayay kuwaasoo isku haystay deegaameyn dhul u dhaxeeya laba beelood oo mid kamida ay tahay beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne Qoor Qoor, waxaana mas'uuliyiin isaga kala yimid Gaalkacyo iyo Cadaado ay ku guuleysteen in ay burburiyaan baco loo ekeysiiyay Baraago kuwaasoo lagu sigtay in lagu kor dagaallamo.

Hadana waxaa dib usoo laabtay dagaalkii Xananbuuro, waxaana mas'uuliyiin kakala socota Cadaado iyo Dhuusamareeb ay kala qaadeen maleeshiyo beeleed yadii isku hor fadhiyay deegaanka Xananbuuro oo halis u gashay mar kale in uu ka qarxo dagaal beeleed.

Dhammaan dhacdooyinkan la xiriira amni darrida ee ku saabsan dagaal beeleedyada ayaa ku soo beegmaya wax ka yar 10 bilood oo uu madaxweyne ka yahay Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ah shakhsi ay gadaal ka riixayaan Fahad iyo Farmaajo, waxaana ujeedada ninkan markiisii horeba loo magacaabay ay ahayd in lagu boobo kuraasta Xildhibaanada Galmudug ee dhawaan laga billaabi doono doorashadooda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Axmed Kaariye waxa uu abuuray xaalad dagaal iyo dagaal beeleedyo sababi kara in ay Galmudug burburto, waxayna qarka u saarantahay Galmudug in wajahdo xaalad adag oo cabsi leh.

Sidee Keydmedia Online hore usoo qortay, Galmudugta hadda joogta oo la saadaalinayay in ay wax badan ka wanaagsanaan doonto kuwii hore ayaa u muuqata mid gadaal-gadaal u sii socota, Qowda maqashii waxna ha u qabanta Qoor Qooar waxay soo gaartay in uu qal qal amni ka jiro deegaanada markii horeba nabdoonaa ee ku jiray gacanta Galmudug.

Deegaanada ka maqan Galmudug ee ku jira gacanta Argagixisadda Al-Shabaab ayaa ka amni wanaagsan deegaanada ay maamulaan Galmudugta maanta ee gacan ku rimiska ah ee Qoor Qoor, mana jiro deegaanno hoos yimaada Galmudug oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyo oo aan ka ahayn tan ay maamulaan Qoor Qoor iyo kooxdiisa.

KEYDMEDIA ONLINE    




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.