Halkay ku danbeeyeen xulufadii Geeska Afrika?

Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa bartamihii sanadkii 2018, ku dhawaaqay is-kaashi dhex maraya Saddexda waddan, kaas oo salka ku hayay arrimo siyaasadeed, hayeeshee, Jilaayaashu ku sheegeen, isku xirka xaaladda amni iyo kobaca dhaqaalaha dalalkan.

Halkay ku danbeeyeen xulufadii Geeska Afrika?

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhidibada u taagay wax ay ugu yeereen is-kaashi, aan baannanka la soo dhigin runtiisa, kaas oo ay hareynayeen arrimo badan oo mugdi  ku jiro.

Dadka u dhuun duleeyay heshiskaan Saddex geesoodka ah, ayaa hore u sheegay in uu hindisay Abiy Ahmed, oo si shaqsi ah u samayesanayay sumcad gooni ah, uuna ku raacay Isaias Afwerki, oo ka helayay faa’iidada ugu badan, halka ay Farmaajo u doorteen inuu ku soo dumaan Madaxda kale ee Kenya, Jabuuti iyo Suudan, oo is ka fogeeyay ka mid noqoshada xulufadaan.

Haddaba halkuu ku danbeeyay fikirkii is-kaashiga ee Gobolka Geeska Afrika,?

Itoobiya: Dalka Itoobiya wuxuu luga la galay dagaallo qaraar iyo colaado sokeeye oo ka dhashay murka dooraashooyinka oo dib u dhacay, isla markaana uu Abiy Ahmed, mudo xileedkiisii ku darsaday waqti dheri ah, waxaana hadda la dul saaray cunaqabateyn iyo xayiraado la xariira socdaalka, kadib danbiyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada DF ka geysteen gobolka Tigrayga.

Soomaaliya: Muddadii ha’adaha Dowladda ayaa dhamaaday, muran siyaasadeed ayaa taagan, muddo kordhin labo sano ah ayaa laga laabtay kadib gadood ciidan iyo dagaallo Caasimadda gilgilay, Farmaajo wuxuu bannaanka ka joogaa miiska maanta looga arrinsanyo xalka dalka laguna meyrayo wixii uu haleeyay afartii sano ee la soo dhaafay.

Eritrea: Waxa ay ku laabatay godkii ay ku jiratay, waxa ayna indhaha ka daawaneysaa waxa ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo sida muuqata Madaxduudu isku dayeen in ay qaataan talo uu soo siiyay Isaias Afwerki, oo ah in ay kuraasta xoog iyo xeeladba xajistaan.

Is-dhexgalka oo markii horaba magac qaladan waday, wuxuu u muuqdaa mid aan mira dhalin oo u jeedkii laga lahaa aan laga helin!.

 Muxuu ahaa u jeedka laga lahaa ee lagu hungoobay?

Sida saxda ah u jeedka is-kashigaan wuxuu ahaa, Sadeex arrin oo waaweyn kuwaas oo aan sida la saadaalinayo midka ka hir gali doonin.

  • In Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isku disho Is-dhexgalkaan, shucuubta Itoobiya, dalalka gobolka iyo adduunkana uu is ka gado, si uu mar kale u soo laabto, ‘Personalise not Institutionalised’.
  • In Eritrea, laga qaado cunaqabteynta hubka ee saaran, iyadoo loo marayo codsiyo uu adduunka u dirayo Farmaajo, oo Madaxweyne ka ah Soomaaliya oo sabab u ahayd in Eritrea la cunaqabateeyo.
  • In hoggaamiyayaasha Labadaan waddan Maxamed Cabdullahi Farmaajo kala shaqeeyaan inuu ku sii fadhiyo kursiga xoog iyo xeeladba, lagana saxiixdo heshiisyo uusan dadkiisa la wadaagi karin.

Sida cad Saddexdaan qodob midna ma hir-galin lagama yaabo, Soo laabashada Abiy Ahmed, wa mid rajadeedu aad u yartahay, kadib danbiyo dagaal uu ka geystay gobolka Tigrayga, oo Mareykanku tilmamay in Xasuuq loo geystay TPLF, Xayiraad billow ahna soo rogay.

Cunaqabateyn laga qaado Eritrea, waa calaaal timo ka soo baxeen, inta ay gacan siineyso Ururada Argagaxiso ee gobolka ka jira, dagaalkana kula jirto Jabuuti, sidoo kale In Farmaajo, kursiga ku soo laabto, waxaa ka sahlan in cirku soo dumo, maladii ahayd soo cilinta Farmaajo waa burburtay, oo riyo maalmeed iyo rajo la’aan ayay noqotay.

Burburka iyo kala haadka Saddexdaan hoggaamiye ayaa soo if-baxay billoowgii sanadkaan, markaas oo Farmaajo ay ku furmeen xiisado siyaasadeed oo uu maarayn kari waayay, taas oo ugu danbeyn sababtay in dhowr tallaabo ciidamo mucaaradka taabacsan u jirsadaan Xaafiskiisa, qarkana u fuulaan in soo qabtaan.

Sidoo kale, kala dhamaadka Farmaajo, Isaias Afwerki, iyo Abiy Ahmed, ayaa bannaanka yimid, kadib markii Farmaajo iyo Isaias Afwerki ka baaqsadeen caleema-saarka Odayga nabadeed ee Geeska Afrika ahna Madaxweynaha dalka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle, Is-kaashi ka jira geeska Afrika oo aan Geelle loogu hambalyeey karin ma jiri karo ee ugu yaraan magaca ka badala inta haraadigiinnu sii shaqeynayo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.