Dacwadda Qarniga

Warbixin Keydmedia Online

Waxay Maxkamadda Maxkamada Cadaalada Caalamka ee ICJ guda-gashay dhageysiga Dacwadda Badda Shalay, March 15, iyadoo ay ka maqan tahay goobta dowladda Kenya oo maalin kahor qaadacday ka qeybgalka, sababo dhowr ah awgood. Hadaba, ICJ go'aan maka gaari kartaa dacwadda ayadoo Kenya maqan tahay, maxaase dhici kara go'aanka kadib? 

Dacwadda Qarniga

HAGUE - Shalay, March 15 waxay ICJ guda-gashay dhageysiga Dacwadda Badda, iyadoo ay ka maqan tahay goobta dowladda Kenya oo maalin kahor qaadacday ka qeybgalka, sababo dhowr ah awgood.

Kenya waxay dalbatay in dib loogu dhigo Kiiska Badda markii 4aad, waxay ku doodaysaa in COVID-19 uu saameyn ku yeeshay diyaar-garowgeeda iyo in Cabdiqawi laga saarey qareenadda go’aanka gaaraya.

Markii laga aqbali waayay dalabkeeda, Kenya waxay ku dhawaaqday inaysan tagaynin Maxkamadda.

Waxba saameyn kuma yeelan jadwalka ICJ u degsanaa, waxayna billowday dhageysiga, iyadoo dhageysatay qyebtii koowaad ee dooda dhanka Soomaaliya, oo ku matelayeen qareenno ajnabi ah.

Si habsami leh ayay kusoo idlaaday dhagaysiga qaybta koowaad ee dood afeedka kiiska dacwadda badda Shalay, waxaa dhiman dhageysi kale oo la sameynayo, iyadoo uu banana yahay kursiga dowladda Kenya.

ICJ waa unugga sharciga QM, waxaan go’aanadeeda dhaqan-galkooda qaataan mudo sanado ah, mana jiraan Maxkamado kale oo racfaan loo qaadan karo, sidaas darteeda Kenya waxay luminaysa doodeeda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ICJ qaado dacwad uu hal dhinac ka maqan yahay dhageysiga. Saddex sano kahor waxay go’aamisay kiis muran dhuleed ahaa oo u dhaxeeyay Venezuela iyo jaziiradda Guyana.

Maxkamadda Guyana ayay u xukmisay gobolka Essequibo, iyadoo Venezuela ay ka maqnayn goobta, sidaas ayuuna kiiskaas kusoo xirmay, waxaana taageeray go’aanka ICJ Gollaha Amaanka, oo laga daba-hadli karin.

Qareenada ajnabiga ee ku matelaya Soomaaliya ICJ

Wax badan iskama bedelin kooxdii horey uga qeybgashay fadhiyadii hore, waxaa kaliya ka maqan gabar lagu magacaabo Muna Sharmaan, oo dowladdu ay sheegtay inay shaqo ka heshay Bangiga Adduunka.

Waxaa howsha wada oo dowladda Soomaaliya u kireysan saddex abukaate, oo u kala dhashay Ingiriiska, Mareykanka iyo Faransiiska, kuwaasoo kala ah:

1 – Paul Riichler oo degan Washington, Mareykanka, waa abukaate heer calami ah.

2 - Philippe Sands, waa Ingiriiska, 58 jir degan London, kana baxay Harvard Law School.

3 – Prof Alain Pellet, oo Faransiis ah, waa 72 jir dhanka sharciga ku xeel-dheer.

Saddexdan qareen waxay ICJ usoo bandhigeen warbixinno cajiib ah oo banaanka soo dhigay inay Kenya meel cidlo ah ku dhegan tahay, gaar ahaan heshiiskii is-afgaradka [MoU] ee labada dhinac saxiixdeen 2009.

Marka la eego xeerarka Caalamiga, MoU, ama af-garad ah ma noqdo heshiis rasmi ah oo saxiixan, oo qof u uku dacweysan karo midka kale Maxkamad, waana midaas tan hadda Kenya haysata oo u garnaqsin waysay.

Maxaa dhici kara hadii Soomaaliya ku guuleysato dacwadda badda?

Sanadkii 2016, China ayaa diiday go'aan ay ICJ ugu xukmisay Philippines xuduud badeedka "Nine-dash line", waxayna sheegtay inaysay u hogaansami doonin qaraarka Maxkamadda.

Hadii Kenya sida China sameyso, oo u hogaansami wayso, maxay yihiin tallaabooyinka Soomaaliya ay qaadi karta? Waxaa lagama maarmaan noqon doonto adeegsiga awood military oo dal walba ay suurta-gal tahay inay Ciidamo geyso badda lagu muransan yahay.

Hadda Kenya Ciidan badeed kama joogo xuduud badeedka la isku khilaafsan yahay, sidoo kalena Soomaaliyana ma lahan Ciidan bad oo u dhisan xilligan, mana awoodi doonto sida cad inay ilaashato xuduudeeda badda marka iCJ u go'aamiso, oo kiiska lasoo afjaro.

Xuduud badeeda ee Kenya muranka galisay wuxuu dhirir ahaan gaareyaa 160,000 sq km, wuxuuna dhinac kasta u hanqal taagayaa meesha uu shidaalka ku jira, iyadoo la isku qabtay sida loo cabirayo.

Waa meel saddex-xagal ah, Soomaaliya waxay rabtaa in cabirka lagu saleeyo xuduuda dhulka, laakiin Kenya ma doonayso sidaasi, maadaama ay ku waynaysoo goobaha shidaalka u uku jiro, oo horey heshiis ula gashay Shirkad Talyaaniga laga leeyahay oo lagu magacaabo ENI.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.