Diiradda Amniga & Falalkii Argagixiso

Isku milanka laamaha Amniga & Kooxda Al-Shabaab

Warbixin Keydmedia Online

Iyadoo laga duulayo in dadweynaha Soomaaliyeed laga haqabtiro wararka, xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya ka jira ayaan si gaar ah ugu lafagurnaa barnaamijka diiradda amniga kuna soo bandhignaa barnaamijyo si qotodheer uga hadlaya dhacdooyin la xiriira amniga. 

Isku milanka laamaha Amniga & Kooxda Al-Shabaab

Haddaba qaybtan waxaan ku dul-istaagi doonnaa weerarkii taariikhdu markay ahayd 10ka bisha August 2020 ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ka duwanaa weerarradii aalaaba ka dhici jirey Soomaaliya maadaama uu kani ahaa mid ay qaadeen rag dagaallamayey oo awal gudaha xabsiga ku jirey.

Caadiyanba Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Xabsiga Dhexe ee Muqdishaba marna kama marnayn fadeexad, laaluush, dayac masuuliyadeed iyo eex intaba.  Sidoo kale waxaa caado noqotay inay Al-Shabaab isku dhex qariyaan, kuna milmaan iyagoo siyaabo kala duwan xilliyo kala duwan ugu guntamey.  Marar badan ayaa maxaabiis la sii daayey iyagoo laga qaatay lacag badan waxaana ka mid ahaa sannadihii 2009-2012 oo maxaabiis Al-Shabaab ah oo ay ku jiraan gacanyareyaashii ugu yaraan mid ka mid ah horjoogeyaashii Al-Shabaab Axmed Godane la sii daayey xilli lacag badan laga qaatay.

Dedaal ay samaysay xukuumaddii Xilligaas ee Madaxweyne Shariif Sh. Axmed hoggaaminayey waxay Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidammada Qalabka Sida ay xukuntay saraakiil sare oo uu ka mid ahaa Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Xilligaas Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil (Indhabuur) ka dib markii ay ku caddaatay inuu galay khiyaano qaran isagoo isticmaalaya mansabka iyo derejada uu dalka u hayey.  Janaraalka ayaa lagu eedeeyey inuu derejo iyo aqoonsiga Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed siiyey xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Janaraal Indhabuur ayay maxkamaddu ka mamnuucday inuu haba yaraatee xil dambe ka qabto dowlad Soomaaliyeed.  Taliyaha ayaa xilka hayey in ka yar hal sano markii xukunka lagu ridey iyadoo uu xilka qabtay bishii Febraayo 2012.  Taliyaha ayaa isagoo maqan la xukumay maadaama uu baxsaday kadib markii uu dareemay eedeymaha culus ee uu wajahayey, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in amase cimrigaagu ha ku furto. 

Nasiib wanaag 2013 ayay Laanta Baarista Dembiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed taliyahii baxsadka ahaa ee Asluubta ka soo qabteen isagoo ku dhuumaalaysanayey Degmada Wadajir halkaasoo xabsiga loo taxaabay xukunsanaha si uu u guto ciqaabtii xabsiyeed ee hore loogu xukumay. 

Ayaandarro muddo hal sano ah ka dib ayay ahayd ka dib markii isafgarad gaar ah uu dhexmaray xildhibaannada degaankiisa iyo Madaxweyne Xasan Shiikh in taliyaha xabsiga laga sii daayey ka dibna uu si sharaf ah ugu dhex noolaa shacabka, taasina waxay cimri-degdeg ku riddey caddaaladdii uu wajihi lahaa iyo in dembigiisii laga abaalmariyo arrintaan oo marar badan soo noqnoqotay oo ka mid ah gefafka ugu waaweyn ee ay madaxda dalka u sarraysaa galaan & dayaca masuuliyadeed ay caadeysteen taasoo si dadban iyo si toos ahba u saamaysa oo cuuryaamisana caddaaladda, ammaanka iyo siyaasadda dalkaba.

Warbixintaan ayaa muujineysa isku milanka laamaha amniga & Kooxda Al-Shabaab iyo fashilka Dowladda ee sugidda amniga caasimadda.

Dhacdooyin & Falal Amni-darro ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe xilliyo kala duwan

Haddii aan warbixintaas hordhaca ah halkaas uga gudubno una durugno ujeeddada barnaamijkan oo ah weerarkii Xabsiga Dhexe, qaabkii uu u dhacay, khasaarihii uu geystey iyo ciddii ka dambeyseyba. Tani waa qeybtii koowaad ee Barnaamijka u gaar ah Keydmedia Online.

Xabsiga dhexe ma ahan mid ay ku cusb yihiin falalka argagixiso, weerarrada & qaraxyada Al-Shabaab waxaana dhacday inay dhawr jeer xabsiga gudahiisa ka dheceen dhacdooyin aan qaarkood la shaacin oo aysan dadweynuhu war ka hayn. 

Dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah in xabsiga dhexdiisa ay ka samaysanto maxkamad Al-Shabaab taasoo go’aamisa xukunno lagu qaadayo ciidanka ka shaqeeya xabsiga iyo maxaabiistaba.  Waxaa ka mid ah dhacdooyinkaas dil loo geystey askari ay qaraabo dhaw ahaayeen Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka tirsana ciidanka asluubta kaasoo ay xubno ka mid ahaa maxaabiista oo lagu soo eedeeyey inay inta xeer aan sharci ahayn ee ay samaysteen qaab qawleysatanimo ah ugu xukumeen ayna ugu dambayntii ceego ku dileen . 

Xukunsaneyaashaas Kooxda Al-Shabaab ka tirsanaan jirey oo awalna falal argagixisao lagu soo xiray kuna jirey xabsiga oo dhibbanaha dembiga u geystey ayaa tiradoody gaaraysey 13 ruux.  Dhibbanahaas ayay dhacdadaas foosha xumi ku dhacday isagoo fulinayey hawlmaalmeedkiisii iyo shaqadii loo igmaday. 

Dedaalladii lagu doonayey in dhibbanahaasi caddaalad helo ayaa fashil ku dhammaaday iyadoo ehelada eedeysaneyaashu ay ugu dambayntii xiriir la yeesheen ehelada dhibbanaha oo ay u ballan qaadeen inay diyo siiyaan si aysan maxaabiistaas xabsiga ku jirtey oo dembiga ku sii dhex gashay xabsigu aysan ciqaabtoodu u sii kordhin.  Tallaabada ay ehelada eedeysaneyaasha awalna u xukunnaa dembiyo ay geysteen ay ku dhaqaaqeen ayaa ka mid ah dhaqammada aan wanaagsanayn ee ay marar badan caadeysteen ehelada tuhmaneyaasha, eedeysaneyaasha iyo xukunsaneyaasha lagy soo oogo dembiyada la xiriira argagixisannimadu. 

Fal kale oo ka mid ahaa falalkii amnidarrada ahaa oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa ahaa qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe 08/11/2017 oo lala beegsaday taliyihii xilligaas ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Xuseen Xasan Cismaan.  Waxaa qaraxaas ku dhintay askari taliyaha ilaalinayey oo naftiihalligaha ka hor istaagey inuu taliyaha u soo dhawaado 2 qof oo kale oo goobta ka dhawaana waa ku dhaawacmeen. 

Naftiihalligaha ayaa ahaa wiil uu adeer u ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta waxaana soo tashkiiliyey walaalkiis oo isaguna Al-Shabaab ka tirsanaa oo la oran jirey Siidoow Shariif Cabdulle.  Aan dib ugu soo celino, wuxuu ahaa wiil uu adeer u ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, waxaana soo tashkiiliyey walaalkiis.

Siidoow ayaa ahaa horjoogihi weerarkii Hoteel Maka Al Mukarama, wuxuuna ahaa nin markiisii hore xashiishka isticmaali jirey kana yimid Deegaanka Ceelwaaq oo isticmaali jirey maandooriyaha, wuxuuna walaalkiis ku qanciyey inuu qaraxaas fuliyo. Xilli kooban ayuu u yimid intii uu adeerkii ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta kadibna Al-Shabaab ayuu ku noqday. Waxaa sidoo kale bilo ka hor ciidanka Asluubta ka goostay ina adeerkiis oo ka tiranaa ciidanka. 

Arrimahaan ayaa si hordhac ah u iftiiminaya sida ay Kooxda Al-Shabaab ugu milmeen Xabsiga iyo Ciidanka Asluubta. 

Kala soco Qeybta soo socota Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.