Isku soobixii Mucaaradka waa la micno tiray

Warbixin Keydmedia Online

Sidaan la socono, gole ay ku mideysan yihiin mucaaradka Madaxweynaha xilkiisa dhamaday ee Farmaajo kula loolamaya kursiga madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa waxay ku dhawaaqeen Isku soobax ay kaga soo horjeedaan taliska Farmaajo, hadaba, isku soobaxa labaad ee la iclaamiyay markaan wuxuu u sameystay qorshe kale oo ah in la micna tiro.

Isku soobixii Mucaaradka waa la micno tiray

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa horay waxay u iclaamiyeen isku soobax looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxaana isku daygii koowaad ee lagu qaban lahaa isku soobaxaas uu ahaa 19 Febaraayo, hayeeshee dowladda ayaa diidday qabashada isku soobaxaas iyadoo cudud ciidan u adeegsatay baajintiisa.

Mar kale ayey goluhu ku dhawaaqeen isku soo bax kale, waxaana toddobaad kaddib markii rasaas lagu kala eryay bannaanbaxayaasha haddana la iclaamiyay isku soo bax kale, hayeeshee dowladda ayaa qorshe dabacsan la timid sidii ay ubaajin lahaydna ergo udirtay xubnaha midowga musharaxiinta madaxweynaha, iyadoo wada-hadal loogu baaqay, halkaasina waxaa lagu baajiyay isku soobixii dhici lahaa 26 Febaraayo, qodobo muhiim ahna waa lala galay golaha midowga musharaxiinta oo ku qancay in ay baajiyaan si loogu fuliyo qodobada oo ay u arkayeen in ay kaga muhiimsan yihiin bannaanbaxa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa geed dheer iyo mid gaabanba wuxuu u fuulay inuu micna tiro Isku soobaxa mucaaradku ku dhawaaqeen, kaasoo uu uarkayay in uu culeys ku yahay, mar haddii dowladdiisa lagu eedeeyay in ay xoriyadda hadalka iyo xuquuqda madaxbannaanida ka hortimid ficillidii lagu rasaaseeyay laba madaxweyne oo dalka soo maamulay iyo guddoomiye baarlaman.

RW Rooble oo daqiiqad-daqiiqad taleefanka kula hadlayay madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu shir la galay golaha midowga musharaxiinta, go’aanada la isla meel dhigay oo dhan mid uusan raalli ka noqon madaxweyne Farmaajo kuma jirin, kaliya qorshihiisu wuxuu ahaa sidii uu ku macno tiri lahaa Isku soobaxaas ay mucaaradku iclaamiyeen, wuxuuna qaaday tallaabooyinkan:

  1. Maalinta ugu habboon isku soobaxa oo ahayd Jimco ayuu ka baddalay waxa uuna ka dhigay maalin shaqo (Sabti) taasoo ay adagtahay in la helo dad badan oo ka qeyb gala isku soobaxaas!
  2. Waxaa qeyb ka ah guddiga bannaanbaxa laba qof oo uu u arko in ay muhiim yihiin, waxna ka baddali kara, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir.
  3. Waxa uu kasoo hor mariyay shirkii wada tashiga arrimaha doorashooyinka looga hadlayay kaasoo ay codsadeen golaha midowga musharaxiinta in ay qeyb ka noqdaan, waxayna u muuqataa iyadoo aan is-af-garad laga gaarin in uu guda galay shirkii dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, inkastoo isna qabashadiisa ay shaki ku jirto maadaama dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeyb galka shirkaasi.

Saddexdaas qodob waxay macno tireen miisaankii uu lahaa isku soobaxa ay mucaaradku iclaamiyeen kaasoo looga soo horjeedo ciil-qabaha waqtigiisu dhammaaday ee ina Farmaajo!

Wuxuu u faruuryo-qaniinsanayaa sidii uu kaga takhalusin lahaa kuwa kula loolamaya kursiga ugu sarreeya dalka ee Villa Somalia, waxa uuna niyadda ku hayaa weli fikirkii uu aaminsanaa adeerkii Siyaad Barre ee ahaa in dadka Soomaaliyeed awood uun lagu xakumo, ayna baryo wax ku laheen.

Horay wuxuu usoo ahaa mucaarad inta uusan xilka qaban, dadkana wuxuu ku guubaabin jiray in ay isku soo baxaan, oo ay meel walba ka mudaaharaadaan ilaa dowladda waqtigaas jirto ay meesha uga baxdo, markii uu talada dalka la wareegay waxa uu billaabay caburin, weerarro iyo cuna-qabateyn dadka siyaasiyiinta ah ee isaga kasoo horjeeda.

Farmaajo wuxuu weeraray Hoyga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, waxa uu go’doomiyay madaxweynihii Koonfur Galbeed, isagoo ku qasbay inuu iska casilo xilka, islamarkaana uusan isa soo sharraxiin, wuxuu awood usheegtay Jawaari, wuxuu amray in la weerarro guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale, wuxuu cirib tiray ururkii ASWJ ee Shabaab kula diriray gobollada dhexe, wuxuu amray in la xayiro socdaal ay diyaarado ugu raaci lahaayeen Kismaayo iyo Baladweyne madaxweynayaashii xilka uga horreeyay, wuxuu weerar cad ku qaaday Hotel ay dagganaayeen, wuxuu hor istaagay isku soobax haddii la qabto uu aaminsanaa in ay wax-yeello soo gaari doonto sharaftiisa, wuxuuna adeegsaday rasaas nool-nool!

Isku soobaxa labaad ee la iclaamiyay markaan wuxuu u sameystay qorshe kale oo ah in la micna tiro, halkii uu markii hore ka adeegsaday awood ciidan!

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.