Jah-wareer ka taagan Madaxtooyadda iyo Farmaajo oo afduubay Hay’adaha dowladda [XOG]

Tan iyo markii xilka laga qaadey Kheyre todobaadkii hore, waxaa is-bar-bar yaac uu ka dhex-jiraa howlwadeenadda labada xafiis ee dalka ugu sareeya, midka Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha, taasoo keentay isku dhac gacanta la iskula tagey.

Warbixin Keydmedia Online
Jah-wareer ka taagan Madaxtooyadda iyo Farmaajo oo afduubay Hay’adaha dowladda [XOG]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa shalay ka dhacay gudaha xarunta Madaxtooyadda shil Ciidamo katirsan Ilaaladda amniga ay gacanta ula tageen darawalka Gaari uu leeyahay la-taliyihii Kheyre Yaxye Cali Hareeri, oo hadda shaqadii hayay waayay.

Dhacadan lama filaanka ah ayaa timid kadib markii Ciidamada ilaalada Villa Soomaaliya, oo amar laga soo siiyay Xafiiska Farmaajo ay xoog kula wareegeen gaari nooca Toyota Hilux oo xiligaas geeyay Madaxtooyadda Xog-hayihii hore ee Kheyre, oo lagu magacaabo Axmed Nuur Maxamed, oo 25-kii bishii lasoo dhaafay xilkii laga qaadey.

Illo ku sugan Villa Soomaaliya, ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidanka ay ku qaldeen Gaariga Yaxye Cali Hareeri mid kale oo uu wato Axmed Nuur Maxamed, oo lagu amray inay kasoo celiyaan maadaama xilkii laga qaadey, oo hadda wax shaqo ah u haynin xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Yaxye iyo Axmed Nuur midna lama socon xiliga askarta ay gacanta ula tagayeen Darawalka, oo la sheegay in si xun loo jirdilay, islamarkaana la gaarsiiyay dhaawacyo kadib markii qoriga baadkiisa lagu garaacay, sababtoo ah wuxuu diiday inuu furaha baabuurka ku wareejiyo.

Falkan dhacay ayaa banaanka soo dhigay jahwareerka ka taagan Villa Soomaaliya, iyadoo arintan ay keentay in Sii-hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] uu xilka ka qaado C/risaaq Xuseen Aadan, oo mudo 5 maalmood kahor uu xilkaasi u magacaabey.

"Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan," ayuu yiri Mahdi.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa maraya Xog-hayihii 2aad oo loo magacaabayo mudo Todobaad ah, waxaana la sheegay in Xafiiska Farmaajo uu isku dayayo inuu dusha ka maamulo xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, oo shaqooyinka ka socda dusha uga maarinaya.

Siyaasiyiin iyo Sharci-yaqaanno ayaa la yaaban sida uu Farmaajo ugu tumanayo sharciga dalka, islamarkaana uu u afduubay hay'adihii madax-banaanaa ee dowladda, kuwaasoo awoodohoodii isagu keeyay xafiiskiisa, oo hadda laga maamulo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.