Khayre oo lagu qancinayo inuu Is-casillo iyo cida badelaysa oo la diyaarinayo

Dowladda Qatar oo hadda galaangal siyaasadeed ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa Khayre inii uu ku sugnaa Doha usoo bandhigtay qorshaha uu xilka isaga casilayo

Khayre oo lagu qancinayo inuu Is-casillo iyo cida badelaysa oo la diyaarinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ergeyga QM James Swan kula kulmay xarunta Xalane ee Muqdisho, isagoo ku wargeliyay in Villa Soomaaliya ay wado qorshooyin ay mucaaradka ku qancinayso.

Qorshooyinka socda waxaa kamid ah in xilka Ra’iisul Wasaaraha ay siiyaan mucaaradka si hay’adaha dowladda ay mudo-kororsi laba sano ah u sameeystaan, taasoo hadda muran badan uu ka jira sidii loo fulin lahaa.

Wuxuu sidoo kale Fahad Yaasiin u sheegey James Swan in dowladda Qatar ay wada-xaajood kula jirto Khayre, oo ay ku cadaadinayso inuu tanaasulo oo iscasilo, islamarkaana ay bedelkiisa keenaan Ra’iisul Wasaare cusub oo ka imaanaya Mucaaradka ugu xoogan ee dowladda.

Fahad ayaa aaminsan inaysan suuragal ahayn in iyadoo aan laba qabiil midkood la helin aysan laba sano oo mudo kordhin ah la sameyn karo, waxaana labadaas qolo oo kala ah Habargidir iyo Abgaal aan la ogeyn sida ay ugu qancin doonaan xilka Ra’iisul Waaaare, oo diideen February 2017.

Waxaa aad loo hadal hayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa [Gabargidir], oo horey Wasiir usoo noqdey kana tirsan kooxda Damuljadiid ee haatan Xisbiga UPD ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh sameystay iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble [Abgaal], oo Madasha xisbiyada Qaran, katirsan ahna hogaamiyaha xisbiga Ileys.

Waxaa meesha ka baxay qorshe Farmaajo uu watay oo uu Dr Nuur Fuursade oo ah hadda Agaasimaha Madaxtooyada xilkaas loogu dhiibi lahaa, taasoo ay is hortaagey Fahad Yaasiin oo doonaya inuu qanciyay mucaaradka.

Khayre ayaa la sheegay inuu dalbadey lacag gaareysa 10 Milyan oo doolar haddii uu iscasilayo, sida Keydmedia Online ay ogaatay, islamarkaana uu doonayo in xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, oo ay saaxiibo iyo ganacsi wadaag yihiin, laakiin arrintaas ayaa waxaa diidan Qatar, Fahad, iyo Farmaajo oo u arka in ay siyaasaddooda khatar ku tahay in Khayre iyo saaxiibkiis Islow ay door ku lahaadaan xukuumadda cusub.

Xafiiska QM ee Muqdisho [UNSOM] ayaa wax jawaab ah siin Fahad Yaasiin kadib kulanka James Swan, waxayna u muuqatay in saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamku ay ka niyad jabtay dowladda oo haatan aysan kala jecleyn go’aanada ay gaarayso.

Waxaa muuqata in mugdi ku daboolan yahay halka loo dhaqaaqayo xilligan kala-guur, oo waqtiga dowladda uu dhamaanayo, iyadoo aan jirin ikhtiyaarro kale oo looga gaashaaman karo marnaasho dhanka awoodda.

Labo wado ayaa suurtagal ah in la qaado, kuwaasoo kale ah in mudo-kordhin dhamaan saamileyda siyaasadda wada-ogol yihiin loo sameeyo dowladda haatan jirta ama in la qabto doorasho dadban oo heshiis lagu yahay, maadaama Farmaajo ku fashilmay doorashadii uu balan-qaadey ee Qof iyo cod.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.