Muxuu Salka ku hayaa

Khilaafka Hogaanka Al-Shabaab?

Warbixin Keydmedia Online

Al-Shabaab waa koox argagaxiso, oo xiriir la leh Al-Qaacida tan iyo 2012-kii, iyadoo soo ifbaxday markii la wiiqay awooddii Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo mudo lix bilood ah ka taliyay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga soo billaabo June 2006 illaa December 2006.

Khilaafka Hogaanka Al-Shabaab?

Kooxda Al-Shabaab

Kooxdan oo haysata dagaalyahano lagu qiyaasay 7,000 illaa 9,000, ayaa dagaal kula jirta 10 sano in ka badan dowladda iyo AMISOM, iyadoo lumisay magaalooyin badan, sida Muqdisho oo laga saarey 2011.

Horjoogiyaal dhowr ah, oo ay kamid yihiin aas-aasiyaasheedii Aadan Xaashi iyo Axmed Godane ayaa lagu dilay duqeymo Mareyknaka Soomaaliya ka fuliyay, iyadoo dilalka xubnahan bedelay awooddii Kooxda.

Tan iyo markaas, waxaa jiray Khilaafaad u dhaxeeya hogaamiyeyaasha sare, oo in muddo ah soo jiitamayay, taasoo keentay in dhowr horjoogiyaal ay isaga baxaan, kuwaasoo uu kamid yahay Mukhtaar Robow iyo Xasan Daahir, oo hadda DF xabsi ugu jira.

February 3, 2020, NISA ayaa shaacisay in horjoogaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu ka saaray  ku xigeenkiisii Mahad Karataay iyo Bashir Qorgaab golaha fulinta, kana xayuubiyay dhamaan xilalka.

Arintan ayaa timid, sida NISA ay xustay kadib markii ay labada horjooge ka dalbadeen Axmed Diiriye in la joojiyo qaraxyada joogtada ah ee  lagu beegsado shacabka Muqdisho, taasoo keentay khilaaf xooggan.

Madaxii Amniyat-ka Gobolka Banaadir ee Al-Shabaab, Muuse Macalin (Mucaawiye) oo 39  jir ah, islamarkaana aad ugu dhaw Mahad Karataay ayaa is-casilay, iyadoo kadib lagu dilay magaaladda Saakow 10-kii Maarso 2020.

Sidoo kale, waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyat-ka Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed, kadib amar kasoo baxay horjooge Axmed Diiriye, oo hadda beegsi ku haya xubnaha isaga fekerkiisa xagjirka ah kahor imaanaya.

Khilaafka oo wali taagan waxuu horseeday in Al-Shabaab lagu jebiyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, oo laga saarey degaanno dhowr ah, oo ay kamid yihiin Awdheegle iyo Janaale.

Waa kuma Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab?

Mahad Karataay, waa maskaxda dejisay howlgallada garabka Sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaano [Amniyat], waxaana sidoo kale hayay xilka ku xigeenka Amiirka Kooxda tan iyo mudadii Axmed Godane.

Mareykanka ayaa dhowr sano kahor dul-dhigay Mahad $5 milyan oo dollar, waxaana lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Garissa April 2015, oo lagu dilay in ka badan 150 arday u badan.

Si lamid ah Mahad Karataay looma yaqaano Bashiir Qoorgaab, balse waa hogaamiye saameyn ku dhex leh Al-Shabaab, iyadoo uu kusoo jiray in ka badan 12 sano, isagoo soo qabtaya xilal ka duwan, sida inuu yahay madaxa garabka Jabhat ama “Jugta Ulus,” waxaana tababar gaar ah uu siiyaa dagaalyahanada.

Waxuu noqday Qoorgaab mid kamida xubnaha sida aadka ah uu u doon-qoonayo Mareykanka, islamarkaana la duldhigay $5 milyan oo dollar, maadaama uu abaabulay weeraro dad badan lagu dilay.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa war qoraal ah oo uu soo saarey Febuary 22, 2020 ku sheegay in Bashiir Qoorgaab iyo xaaskiisa ay ku dhinteen duqeyn diyaaradeed oo la dhacay nawaaxiga degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe.

AFRICOM waxay sheegtay in Goorgaab uu ahaa maskaxdii abaabushay weerar 3 askari oo Ameerikaan ah lagu dilay oo January 2020 lagu qaadey saldhi ay ku leeyihiin Manda Bay, oo kamid ah Lamu, Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.