Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta tacaddiyada ka dhanka ah suxufiyiinta

Warbixin Keydmedia Online

Maanta oo kale, 2 November, sanad kasta waxaa la xusaa maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Tacaddiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa Saxaafadda xorta ah ka dhigatay caddow.

Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta tacaddiyada ka dhanka ah suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya: Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay 2 November inay tahay 'Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Go'aanka Golaha A / RES / 68/163

Go'aanku wuxuu ku booriyay dowladaha xubnaha ka ah QM inay hirgeliyaan tallaabooyin qeexan oo looga hor-tagayo dhaqanka hadda jira ee xisaabtan la'aanta kuwa tacaddiyada ka dhigtay howl maalmeedkooda ugu horreeya.

Qaraarkan taariikhiga ah wuxuu cambaareynayaa dhammaan weerarada iyo rabshadaha ka dhanka ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, waxay sidoo kale ku boorineysaa dowladaha xubnaha ka ah QM inay ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa rabshadaha ka dhanka ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka, cadaaladdana loo horkeeno kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.

Sidoo kale, waxay kaloo ugu baaqeysaa dowladaha inay horumariyaan jawi nabdoon oo u suurta geliya saxafiyiinta inay shaqadooda u gutaan si madaxbanaan oo aan faragalin loogu sameyn howlahooda warbaahineed.

ILAALI SUXUFIYIINTA, RUNTA ILAALI.

Sanadihii udambeeyay (laga soo billaabo 2006 - 2020) inkabadan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa loo dilay warkii ay soo tabinayeen iyo inay bulshada u keeneen macluumaad, qaar ka mid ah kiisaskaasi weliba inta ugu badan gacan ku dhiiglayaashii falkaa geystay ciqaab lama marsiin.

La xisaabtan la'aanta waxay horseedaa dilal badan waxayna badanaa astaan ​​u tahay khilaaf sii xumaanaya iyo burburka sharciga iyo nidaamka garsoorka.

Marka la weeraro suxufiyiinta, waxaa la diraa farriin aad u xun oo ku saabsan tabinta dhacdadii uu kor taagnaa wariyuhu islamarkaana uu faraha kula jiray, si dambi loogu yeelo. Intaas waxaa sii dheer, in bulshada ay kalsoonida kala laabato, mar haddii dhibanihii la dilay qoorta loo suray fal dambiyeed uusan ka hadli karin soona bandhigi karin xaqiiqda.

Kuwa ku kaca dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ayaa sidaa ku dhiiranaya markay ogaadaan inay weerari karaan bartilmaameedyadooda iyagoon waligood cadaalad wajaheyn.

Soomaaliya & Dowladda Madaxweyne Farmaajo

Soomaaliya oo lagu tiriyo waddamada ugu horreeya ee ay ka dhacaan dhacdooyin joogta ah ee lagu haayo warbaahinta waxaa sanad walba la dilaa tiro wariye-yaal ah, sidoo kalena waxaa la xiraa kuwo kale, halka qaar kalena qalabkooda lagala wareego, mana ahan tacaddiyadan kuwo joogsi leh.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA waxaa madax ka ah Fahad Yaasin oo ahaa wariye kasoo shaqeeyay Taleefishinka ku hadla Afka Carabiga ee Al-Jazeera, magaciisa, Fahad, wuxuu aaminsan yahay in la iska aamusiyo warbaahinta si looga shaqeysto dalka.

Madaxweynaha JFS Farmaajo wuxuu ka qeyb galayay dood ay soo agaasintay hay’ad ka shaqeysa Cilmi baarista oo lagu magacaabo RAAS, madaxweynaha oo bulshada soo hor fariistay markiisii ugu horreysay tan iyo intii la doortay, wuxuu ka hadlayay Heshiiskii isaga iyo madaxya-weynta dowlad goboleedyada kaddib dalka halka uu usocdo.

Sidee Keydmedia Online maalintaas usoo qortay, wuxuu madaxweynuhu soo hadal qaaday wariyayaasha ka shaqeeya dalka qaar, asigoo eedeymo uusan caddeyn u haynin u jeediyay Wariyeyaasha Soomaaliyeed, ee dowladdiisa dilka, xariga iyo caburinta ku samaysay. Farmaajo ayaa sheegay in Suxufiiyinta Soomaaliyeed ay ku kuwa aan aqoon lahayn iyo kuwa argagaxisadda Al-Shabaab la shaqeeya.

Hadalka Madaxweynaha waxuu meel ka dhac ku yahay sumcadda iyo howsha ay hayaan suxufiyiinta, oo khatar u geliyay naftooda inay shacabka usoo gudbiyaan waxa ka dhacaya dalkooda.

Dhamaadkii bisha August Madaxweynaha ayaa saxiixay sharciga warbaahinta, waxaana ka mida sharcigan qodobo ka hor imaanaya saxaafadda madaxa bannaan ee ka hana-qaaday soomaaliya laga soo billaabo xilligii burburka oo ay xaalad adag kusoo shaqeenayeen.

Tacaddiyada ka dhanka ah Saxafiyiinta waa mid aan marnaba loo qorsheyn in wax laga qabto, madaxweynaha ayaana cadaw ka dhigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalka ka howl gala, kuwaasoo duruufo adag iyo xilliyo kala duwan kusoo shaqeeyay, waxa uuna madaxweynuhu neceb yahay Daba-galka iyo in dib loo milicsado ballan-qaad yadiisii aan midna ka fulin iyo hankiisa ku aadan in mar kale uu isku soo taago xilka madaxweynaha umadda Soomaaliyeed.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Cadow oo ka howl gala idaacada Kulmiye ayaa habeen madow gurigiisa loogu dhacay, iyadoo aan la ogeyn ciidanka albaabka soo jabiyay ayey kala baxeen gurigiisa, waxaana muddo toddobaad ku dhaw uu ku xirnaa halka loo yaqaan Godka Jilicow oo horay loo shaaciyay in la xiray, balse Fahad Yaasiin taliyaha NISA uu dib u howl galiyay.

Shirka Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 9-ka iyo 10-ka December 2020 waxaa soo qabanqaabiya UNESCO iyo Boqortooyada Netherlands waxaana si wadajir ah loogu xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda (3 May) iyo Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta (2 November).

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saxaafadda xorta ah ka dhigtay caddow, inta uu xilka hayayna bilaabay in uu caburiyo wariyaasha iyo saxaafadda, taasina waa astaamaha Rajiim ama dictatorship. 

Waxaa nasiib darro lagu tilmaamay in suxufiyiinta ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado iyadoo dalka u diyaar garoobeyso doorashada guud, islamarkaana saxaafad xor ah ay tahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.