Maamulka Qoor-Qoor Sanad kadib

Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad Sugidda Fahad Yaasiin ay xoog ku saareen kursiga ugu sareeya ee Galmudug Axmed Qoor-qoor, muxuu kusoo kordhiyay Galmudug? Warbixintan ayaan ku eegi doonnaa.

Warbixin Keydmedia Online
Maamulka Qoor-Qoor Sanad kadib

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - 02/02/2020 Wax doorasho loo ekeysiiyay ayaa ka dhacay Dhuusamareeb, waxana ku tartamay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo Wasiiru-dowle ka ahaa xukuumaddii Khayre, ina adeerkii Sabriye iyo Axmed Shire Falagle oo malxiis unoqday Qoor-qoor kaddibna loogu abaal guday Wasiirka Warfaafinta Galmudug, waxaana wareegii ugu horreeyay ku guuleystay Axmed Qoor-qoor oo aaminsanaa muran la’aan inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug ee afarta sano ee soo socota.

Haddaba maxaa u qabsoomay halka sano ee uu xafiiska joogay?

  1. Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay qoraal ammaan ah oo halkii sano ee maanta u buuxsamay lagu sheegayo guulo uu gaaray.
  2. Saddexdii shir ee lagu qabtay Dhuusamareeb (oo ah wax qabadka ugu weyn sida ay aaminsan yihiin kooxda dacaayadda uqaabilsan Qoor-qoor)
  3. Socdaal dheer oo uu kusoo maray deegaanada Galmudug kaasoo loo bixiyay safarkii Nabadda.
  4. Xareynta Maleeshiyaadka hubeysan oo deegaano kamida Galmudug la ciidameeyay.
  5. Heshiiskii Madaxweyne xaaf loogu lacageeyay inuu wareejiyo xilka madaxweynaha Galmudug.
  6. Ka takhalusintii Ururkii ASWJ ee gobollada dhexe kula dagaallamay Al-Shabaab, kana guuleystay.
  7. Nidaamka hagaajinta maaliyadda, oo lagu tilmaamay in hab wanaagsan loo sameeyay halkii markii hore isbaaro la dhigan jiray meel kasta oo ay maleeshiyo joogaan!
  8. Dib u billaabashada mashaariicda oo markii horeba u xayirnaa dano siyaasadeed, maadaama uu xafiiska joogay Madaxweyne Xaafo oo ay Dowladdu diidaneed.

Hayeeshee maxaa u hagaagi waayay?

Amniga

  1. Waxaa hadda kasocdaa deegaano kamida Galmudug dagaal beeleedyo u dhaxeeya qabaa’ilka daggan Galmudug, (Kaxandhaale iyo Xananbuuro) dagaal faraha looga gubtay ayaa hadda kasoda.
  2. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadday markii ugu horreysay taariikhda inta la ogyahay deegaanka Bacaadweyn, waxaana muddada halka sano ee uu Qoor-qoor fadhiyo kursiga looga taliyo Galmudug lasoo weeraray tiro dhow jeer ah deegaanka Bacaadweyn oo hub iyo rasaasba ay ka qaateen kooxda Argagaxisada.
  3. Waxaa markii ugu horreysay lakala jaray waddada isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel oo cabsi awgeed hakad uu ku yimid isku socodka madaxda iyo mas’uuliyiinta ku sugan Galmudug.
  4. Waxaa weerar hoobiyayaal ah lagu garaacay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo, RW Rooble, Guudlaawe, iyo Laftagereen.
  5. Baqdin laga qabo Al-Shabaab awgeed waxay dowladdu ka qeyb gali weysay Aaskii qaran ee loo sameyn lahaa Major General Maxamed Nuur Galaal oo Guriceel lagu aasay.
  6. Waxa uu isku dayay inuu xabsiga dhigo qaar kamida wariya-yaasha ka howl gala deegaanada Galmudug isagoo ku eedeeyay in ay tabiyaan falalka ay geystaan Al-Shabaab kuwaasoo uu door biday in laga qariyo dhagaha shacabka.
  7. Dagaal beeleedyada ka dhaxeeya qabaa’illada Galmudug daga ayaa aad ubatay, intii uu xafiiska joogay waxaa la isku dagaalay Cabudwaaq iyo Cadaado inta udhaxaysa  (Furunta-foore), Galinsoor iyo Dhabad inta udhaxaysa (Kaxandhaale), Dhuusamareeb iyo Cadaado (Xanan-buuro) Baxdo gaabo.
  8. Waxaa cirka isku shareeyay dilalka qorsheysan ee la xiriira aanooyinka qabiilka, waxaana guriceel iyo Balambale inta udhaxaysa lagu dilay lix sarkaal oo ka tirsan ciidamda xoogga dalka Soomaaliya kuwaasoo tababar loogu soo xiray Guriceel, sidoo kalena dil kale oo loogu aarayay saraakiishaas ayaa Iyana ka dhacday meel u dhaw halkaasi oo toddobo ruux oo shacaba loogu aar-guday saraakiishii la laayay.
  9. Waxaa kordhay weerarada qaraxyada iyo ismiidaaminta ee ka dhici jiray Galmudug, waxaana goob qura lagu dilay saraakiil sar-sare oo ka tirsan CXDS Taliyihii taliyihii qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalkaGeneral Cabdicasiis Cabdulaahi  Qooje, taliyihii Danab qaybta Galmudug Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan ku xigeenkiisiii Dhamme MardhowGaashaanle Sare Baaraaf oo ka tirsanaa qaybta 21-aad & Duqii hore ee Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey. Waana dhacdadii ugu xanuunka badneed oo rag mas’uuliyiin Galmudug ka tirsan lagu laayo goob qura.

Muddada sanadka ah ee u buuxsantay kursiga uu ku fadhiyo Qoor-qoor waxay la kowsadeen dhibaato hor leh, oo haddii laga hortagi lahaa aan loo helin qofkii mudnaa ee wax qaban karay, dadka qaar ayaa aaminsan in Qoor-qoor uusan istaahilin in loo dhiibo xilka ugu sarreeya Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.