Guddiga doorashooyinka

Maba Lulaninee maxay Laacdaa?

Talo-xumada haysata kooxda uu abaan-duulaha u yahay Farmaajo, geed fadhigana u yahay Fahad Yaasiin waxaa caddeyn u ah tan ay ku kacayaan dhallinyarada laga buuxiyay Hotel Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde.

Warbixin Keydmedia Online
Maba Lulaninee maxay Laacdaa?

MUQDISHO, Soomaaliya – Koox loogu yeeray Guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo Guddiga xallinta khilaafaadka kuwaasoo laga soo kala xulay xafiisyada Villa Somalia, OPM Somalia, NISA iyo taageerayaasha dacaayadaha ku faafin jiray baraha bulshada, iyo kooxo magac u yaal ah oo laga soo kala xulay Dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxay ku magacaaban yihiin Guddigii doorashooyinka qaranka Soomaaliya.

17 -kii September waxaa heshiis lagu gaaray muqdisho, heshiiska oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waxa uu ka koobnaa qodobo dhowra, waxaa kamida ahaa in lasoo saary hab-raaca doorashooyinka dalka ee kuraasta labada gole ee baarlamanka iyo tan madaxtinimada Soomaaliya oo lagu asteeyay 08 February 2021.

Hab-raacaas hore wuxuu buray inta aan la howl galin guddigii doorashada ee uu Ra’iisul wasaare Rooble iska soo magacaabay, kuwaasoo ay ka dhimanaayeen dowlad goboleedyada ay maamulaan ragga ku haybta ah madaxweyne Farmaajo ee Jubbaland iyo Puntland, waxa ayna saluugsan yihiin nidaamka uu wax u wado iyagoo uga shakiyay in qabiilka uu ka dhashay oo kaliya uu wax la doonayo, iyo sidoo kale soo laabashadiisa oo uu umarayo waddo waba oo qardo-jeex ah!

Guddoomiyaha guddiga ayaa hadlay isagoo sheegay in hab-raacii hore ee ay dajiyeen madaxdii Soomaaliyeed uusan jirin, isla markaana wuxuu caddeeyay in ay iyaga shaqadooda tahay in ay sameeyaan hab-raaca doorashooyinka maadaama ay ka kooban yihiin guddigii doorashooyinka iyo kii xallinta khilaafaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Hab-raacii ay sameeyeen ayaa la gaaray durbadiiba, iyagoo ka cudur daartay, isla markaana soo gudbiyay xilli dambe in taariikh baddal lagu sameeyay hab-raacii hore, mid cusubna la soo saaray, iyadoo waqtigii hore muddo yar uun lagu kordhiyay, hayeeshee isla xilligii ayaa lagu sii siqayay iyadoo aysan muuqan wax hormar ah ama tallaabo ah oo horay loo qaaday.

Maanata ayuu buray hab-raacii labaad, mana muuqato been kale oo lagu sasabo bulshada Soomaaliyeed, waxayse isku dayayaan in ay dhowraan go’aanka kasoo baxa odayga Villada oo markiisii horeba dhoodhoobay guddi ku sheegga aan ka xishooneyn umadda ay matalaan, waxayna moog yihiin in rabitaanka hal qof kaligii aan dalkan oo kasoo kabsaday dagaallo sokeeye lagu dhaqi karin, keligii taliye haysta hub casri ah, iyo cudud ciidan oo 21 sano la diyaarinayay ayaa barqo cad laamiga lagu dareeriyay, isagoo isku haysta boqorka umadda Soomaaliyeed, maalina aan laga saari karin Qasriga Villa Soomaaliya ayaa mar qura la majo-xaabiyay!

Guddiga mar kiisii labaad beeniyay waraaqdii uu taariikh baddelka ku sameeyay waxa uu u xayd-xaydanayaa sidii uu mar saddexaad u soo saari lahaa hab-raac doorasho oo dhinac ka raran, iyadoo beesha caalamka iyo deeq bixiya-yaasha Soomaaliya kaalmeeyana ay kor ka eegayaan habka wax lagu wado, waxaa qaxiiq ah in guddiga loogu yeeray guddiga doorashooyinka ay yihiin guddi loo soo diro waraaqaha, iyadoo lagu soo diyaarinayo xafiiska Villa Somalia.

Jawaabta furaha u ah cinwaanka warbixintan waxay ku qotontaa Guddiga daalaa-dhacaya ee dhinaca ka rarnaa markiisii hore, oo haddana qolo kaliya u xaglinaya muxuu hab-raac usoo saaraa labadii toddobaadba mar iyagaba ansax ma ahane?, "Hal booi ah Nirig xalaala ma dhasho" ayey ku maah maahdaa Soomaalida. Guddi jiritaankiisa la isku haysto ayaa maalin walba hab-raac hor leh la wadagaya bulshada Soomaaliyeed iyadoo waddadii lagu xalaaleyn lahaana uu diiddan yahay Farmaajaha keligii taliyaha ah ee ku fadhiya kursiga Villa Somalia ee dalka oo dhan laga maamulo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.