Mar quus marna dhiiranaan – Rooble waa hadlay

Macnaha rasmiga ah ee hadal jeedintii RW Rooble

Wuxuu muujiyay in lagu jiro xilli iyo mar-xalad, farriimo hanjabaad ah loo dirayo Ra’iisul Wasaaraha dalka, loogu goodinayo in dad la dilayo, isagana la iska dhicinayo, haddii uu diido in qaar ka mid ah kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Warbixin Keydmedia Online
Macnaha rasmiga ah ee hadal jeedintii RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay si qoto dheer oo dareen xambaarsan u muujiyay xaaladda dhabta ah ee uu dalka marayo oo quus iyo rajo beel ah, haddii aan loo istaagin.

Khudbada uu Ra’iisul Wasaare Rooble, ka jeediyay kulanka loogu duceynayay AUN, Aamino Maxamed Cabdi, waxa ay ka duwan tahay, khudbooyinka siyaasiyiinta, si weynna uga fog tahay luuqadda munaafaqadda iyo mujaamalada.

Dareenka wajigiisa saarnaa, tiiraanyada iyo murugdaa ka muuqatay, ereyada uu ku hadlay iyo ilmada uu isku celin waayay, waxa ay ka turjumayaan ciilka iyo garab la’aanta heysa, waxayna dirayaan farriin xooggan oo argagax leh.

Runta uu abaaray, sida laabta xaaran ee uu hadlay iyo bini’aadannimada ka muuqtay, waxay tilmaamayaan inuu yahay diir-naxe iyo daryeele ay dadkiisa duullaan ku yihiin, kuwa dugaag ah oo dil mooyee aan diir-naxa la hayn.

Wuxuu muujiyay in uusan jirin amni la isku hallayn karo, oo qof kasta ay halis ugu jirto in ay marto jidka ay mareen AUN, Aamino iyo Ikraan, wuxuuna tilmaamay jiritaanka khatar xooggan oo waddankan iyo dadkiisaba ku soo fool leh.

Wuxuu muujiyay in lagu jiro xilli iyo mar-xalad, farriimo hanjabaad ah loo dirayo Ra’iisul Wasaaraha dalka, loogu goodinayo in dad la dilayo, isagana la iska dhicinayo, haddii uu diido in qaar ka mid ah kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Hadalkiisa ah, “Ma nooli oo hore ayaan u dhintay” waxa ay caddeynayaan inuu ka badbaaday isku dayo badan, oo isaga lagu khaarijin lahaa, sida dhacdadii 27-kii December, sanadkii hore, iyo isku dayo kale oo jid-gooyo ka mid ahayd.

Wuxuu iftiimiyay in Madaxtooyadu seefo isku sidato oo kii is-daga la dilayo iyo halka uu gaarsiisan yahay nacayba ka dhex jira xaafiisyada ugu sarreeya dalka, halkaasoo ciid lagu kala xiray dhamaadkii sanadkii hore, si ay dhinacyadu u kala badbaadaan.

Hadalka Rooble ee ah, in Farmaajo siyaasadeeyay Kiiska Ikraan, dalkana uu khatar galiyay, si uu u difaaco danbiilayaasha, uu Fahad Yaasiin ugu horreeyo, waxay muujineysaa in Madaxwrynihii hore, kaliya shaqadiidu ahayd, qalid iyo qarin.

Uur-hadalka Rooble ee dhaarta, ballanta iyo hanjabaadda isugu jiray, waxaa laga dheehan karaa, inuu u diyaar garoobay dagaalkii ugu danbeeyay oo uu doonayo inuu waddanka ku dhaafiyo ma naxayaasha arxanka daran ee Madaxtooyada deggan.

Ruux kasta oo daawaday khudbada RW Rooble, ee mar ahayd “quus iyo rajo-xumo “ marana ahayd dhiiranaan, wuxuu fahmi karaa, in ay soo wahan yiyiin maalmo adag, oo qof kasta ammaanka naftiisa masuuliyad gaar ah ka saaran tahay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.