Zakariye Xaaji - khaarijiye qarsoon

Dilaaga drone-ka keensaday

Warbixin Keydmedia Online

Ku dhawaad 20 cisho ayaa ka soo wareegtay markii laamaha amniga ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde [Muqdisho] ay gacanta ku dhigeen, ugu yaraan lix diyaaradood oo ah nuca aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo uu dalka keenay Zakariye Xaaji Cabdi, oo muddo ka tirsanaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilaaga drone-ka keensaday

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Xildhibaan Zakariye, wuxuu si aan ka gambad lahayn u sheegtay in uu diyaaradaha ka keenay dalka Turkiga, isla-markaana ay leedahay shirkadda Hufan, looguna talo-galay buufinta cayayaanka beeraha, sahminta dhul beereedyada, lasocodka xaaladda dalagga iyo waraabinta beeraha.

Hayeeshee, Sawirro ay si hoose looga helay hay’adda NISA, ayaa muujinaya in diyaaradahaan ay yihiin kuwa ‘Mugan UAV 3600’, kuwaas oo ah nuuca loo yaqaan [Suicide Drones], oo aan shaqo ku lahayn waraabka iyo buufinta beeraha, isla-markaana la mid ah nuucayo ay hore Kooxaha Daacish iyo PKK u adeegsadeen dagaallada Syria iyo Iraq.

Shakiga iyo qeylo-dhaanta ka dhanka ah Drones-kan, ayaa cirka isku sharertay, kadib murkii uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi, ka badbaaday weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn [Drone], taas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Xilliga doorashada, wada-shaqeyntii Zakariye iyo Farmaajo ee afartii sano ee la soo dhaafay iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee labaduba caanka ku yihiin, ayaa qeyb lixaad leh ka qaadatay shakiga, waxaana qeyb ka mid ah siyaasiyiintu dalbadeen in baaritaanno madax-bannaan lagu sameeyo diyaaradaha.

Inta badan dadka u dhuunduleela arrinkaan, ayaa aaminsan in drones-kan la doonayay in lagu khaarijiyo siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwa kalana lagu cabsi galiyo si ay dalka uga baxsadan, taas oo Fahad iyo Farmaajo u suura-galin karta dib u doorasho sahlan.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan, oo si weyn ugu dhuun-duleela arrimaha sirdoonka Soomaaliya, ayaa dhawaan sheegay in diyaaradahan ayasan shaqo ku lahayn hormarin beero, isla-makaana uu hadda kiiskoodu gaaray hay’ado sir-doon oo ka socda dalal shisheeye.

Sidoo kale, Jeneraal Cabdalla Cabdalla, oo hore u soo qabtay xilka Taliye ku xigeynka NISA, ayaa muujiyay walaac ku aaddan in diyaaradahan ay Zakariye, Fahad iyo Farmaajo u waden Kooxda Al-Shabaab, si loogu dhibaateeyo siyaasiyiinta ay uga baqayaan doorashada Madaxweynaha.

Xogo hor leh, waxa ay sheegayaan in ay Muqdisho soo gaareen baarayaal ka socda Xukuumadda Ankara, isla-markaana Istaanbuul lagu xiray labo ruux oo la socday drones-ka, xilligii lagu qabanayay Adan Cadde, kuwaas oo NISA ay fasaxday, kadib makii uu damiinatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Soo if-baxa kiiskaan, iyo xogta diyaaradahaan oo bannaanka u soo baxaday, waxa ay horseedday in Kooxda Farmaajo, ay si guud kiiska u badelaan, Zakariye Xaaji, ayaa sheegay in diyaaradaha uu dalka keenay aysan ahayn nuuca ‘Mugan UAV 3600’ ee sawirradooda la baahiyay ee ay yihiin nuuca “DJI P4 Multispectral RTK Drone”. [Marin hababin].

Kiiska ayaa la dabooli doonaa, waxayna Hay’adda NISA, sheegi doontaa in baaritaan kadib la ogaaday in diyaaradahaan uusan Zakariye lahayn, isla-markaana ay ku soo qaldameen dalka, waxaana si qarsoodi ah loo soo dejin doonaa nuuca DJI P4 Multispectral, oo ku socda magaca NISA, si loogu wareejiyo Zakariye, loona daboolo kiiska ay shirkada ku yihiin Farmaajo, Fahad iyo Zakariye.

Haddaba wa kuma Zakariye Xaaji Cabdi?

Zakariye Xaaji, wuxuu ka mid ah yahay shaqsiyaadka ku dhawaad labaatankii sano ee la soo dhaafay macaashka ugu jiray Siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga soo doortaa degmada Gol-dogob ee gobolka Mudug.

Wuxuu caan ku noqday sheegashooyinkiisa nacaybka Itoobiya, hayeeshee, guuxa shacabku ku suntan la shaqeynta Tigray, [Jaceylka Amxaarada] wuxuuna ugu horreeyaa shaqsiyaad sanado badan loo adaeegsanayay xasuuqa reer Muqdisho.

Wuxuu noqday ku xigeenka Guddoomiyaha Fulinta Isbahaysigii Dib U Xoreynta Soomaaliya, hayeeshee, wuxuu ka shaqeeyay kala jabinta Isbaheysiga, taas oo sababtay in  laga saaray Ururka, wuxuuna ka mid noqday kooxdii Al-qaacidda, garabka ka heleysay ee ku hartay magaalada Casmara, si loo cuuryaamiyo Dowlad loo dhanyahay oo Muqdisho ka dhalata.

Sannadkii 2013-kii, kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa Zakariye Xaaji, ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay shaqsiyaad la shaqeeya Al-Shabaab, isla-markaana uu ka caawiyo hub ka yimada dhanka Eritrea.

Warbixin qarsoodi ah oo ay soo saareen khubarrada cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa Zakariye, ku eedeeyay unuu ka mid yahay wakiillo siyaasadeed iyo hoggaamiye kooxeedyo xiriir la leh Al-Shabaab, kuwaas oo qatar ku ah xasilloonida Soomaaliya.  (Reuters).

Zakariye, wuxuu qeyb ka ahaa shaqsiyaad si weyn uga soo horjeeday Dowladihii, Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u shaqeynayay nidaamnkii carqaladda badnaa ee Faroole, kaas oo ku daabnaa Addis Ababa.

Kadib doorashadii Farmaajo, Zakariye, wuxuu mar kale ku faraq xirtay kooxda Fahad Yaasin, oo xag-jirnimada diimeed, midda qabyaaladda iyo heyb-naceybka gaarka ah biya dhigteen, una ciil-qaba daadinta dhiigga dadka Muqdisho.

Wuxuu qabyaalad qaawan ku taageeray Farmaajo, wuxuuna indhaha ka daawaday muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo dhiibayo Itoobiya, Ururo gobonimo doon ah oo lagu darayo liiska Argagixisada, baarlamaankii oo la burbininayo iyo dhamaan hay’adaha dowladda oo si sharco darro loo hoos geynayo Farmaajo.

Wuxuu si aan qarsoodi lahayn, u taageeray muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay bishii April, wuxuuna ugu horreeyay xildhibaannadii u ololeeyay una codeeyay muddo kordhintii horseedday dagaalladii caasimadda ka dhacay dhamaadkii bishaas.

Zakariye Xaaji, waxaa loo adeegsaday durbaan gacaara qabyaaladda, wuxuuna Gobollada Sool, Sanaad iyo Mudug, ka soo aruuriyay Maleeshiyo beeleed la hugiyay magaca qaranka, kuwaas ka shaqeeya kaliya fulinta danaha kooxda isku xiran ee Argagixsada Muqdisho.

Ugu danbeyn, wuxuu koorta u lulayaa inuu jahawareeriyo kiiska Drones-ka uu dalka keenay isagoo ka wakiil ah Farmaajo iyo Fahad si loogu  khaarijiyo siyaasiyiinta muqdisho ka soo jeeda ee hormuudka u ahaa in dalku ka badbaado dib ugu laabashada gacan kali-talis.

KEYDEMDIA ONLINE 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.