Maxaa la filan karaa kadib burburka Shirkii Afisyooni?

Warbixin Keydmedia Online

Shirar hordhac ah ayaa Sabtidii ka bilowday Muqdisho, kuwaasi oo Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ku doonayeen inay iskaga soo dhowaadaan ajandaha shirarka soo socda, ee arrimaha doorashooyinka, Keydmedia Online ayaa isku soo koobeysa wixii dhacay ilaa iyo hada iyo waxa laga filan karo Farmaajo kadib burburka shirka?

Maxaa la filan karaa kadib burburka Shirkii Afisyooni?

Kulamada ajande-dejinta waxaa la isku mari-waayay qodobo ay kamid yihiin sharciyadda awoodaha Farmaajo iyo Baarlamaanka, oo Deni iyo Axmed Madoobe dalbadeen inay xukunka wareejiyeen maadaama mudo-xileedkoodii dhamaadey December 2020 iyo February 8.

Waxaa sidoo kale dalabka Jubbaland iyo Puntland kamid ahaa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Nabad Sugida, islamarkaana dalka doorashadiisa lagu qabto 3 bilood gudahooda.

Farmaajo ayaa diiday qodobadan in ajandaha lagu daro, isagoo u sheegay Axmed Madoobe iyo Deni inaysan ka hadlin karin arrimaha amniga iyo cida maamuleysa dalka, balse ay ka hadlaan heshiiskii doorashadda September 17 iyo soo jeedintii Gudiga Farsamo ee Baydhabo ku kulmay February 15-16.

Labadii Maalin ee wada hadalka waxa laga heshiiyay cida ka qeybgalaysa Shirka xiga midka socday ee wadatashiga, iyadoo halka qodob ee laga heshiiyay uu ahaa in furitaanka ay kasoo qeybgalaan gudoonka labada aqalka ee Baarlamanka, labadaii Madaxweyne hore, Khayre iyo ururada bulshadda rayidka.

Farmaajo ma ogoleyn in laga hadlo wax aan ahayn heshiiskii Sep 17, waxaana markii dooda kululaatay Shalay oo madaxweyne inuusan ahayn shari ahaan laga hadlay uu ka istaagay shirka Afisyooni, isagoo side uu sheegay Deni u sheegay Madaxda kale in wadatashi kadib isku soo noqon doonaan mar 3aad.

Laakiin maxaa dhacay? Deni oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in markii ay huteelladooda ku laabteen ay ka warheleen Wasiir Dubbe oo hadlaya iyo Villa Somalia oo qoraal dheer soo saartay, iyadoo ku eedeynaysa Jubbaland iyo Puntland ay diideen heshiis la gaaro iyo in dooarshada lagu saleeyo heshiiskii Sep 17.

Puntland iyo Jubbaland way beeniyeen eeda, waxayna sheegeen inaysan ka warheyn shir fashilmay, waxayna ku tilmaameen Farmaajo nin aan balan iyo axdi lahayn, oo ka been-sheega wixii lagu ballamay.

Shirkii Afisyooni ee rajada laga lahaa wuxuu kusoo idlaaday natiijo la’aan, waxayna hawada isku mariyeen madaxda hadallo xanaf leh oo sii kala fogeeyay, iyadoo Beesha caalamka ka aamustay xaaladda soo korartay, maadaama wixii ay ka shaqeynayeen iyo dedaalladii ay bixiyeen hal bacaad lagu lisay noqdeen.

Maxaa la filan karaa kadib burburka shirka?

CC Warsame ayaa sheegay in Shacabka iyo Murashaxiinta u cadaatay in Farmaajo uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu soo xiray albaabadii wadahadalka, wuxuuna isku diyaarinayaa inuu ku laabto Baarlamaanka oo horey Mursal gacanta ku hayay mooshin mudo-kordhintiisa, kaasoo la filayo inay ansixin doonaan Xildhibaanadda Villa Somalia taabacsan, oo kaligood ku noqday Gollaha Shacabka kadib markii dhawaan loo diiday kulamada inay soo xaadiraan Xildhibaanada Mucaaradka oo illaa 15 gaaraya.

Dagaal iyo Fowdo waxaa kuwa meesha aan ka marnayn oo la filan karo, hadii Farmaajo isku dayo inuu dalka xoog ku qabsado, islamarkaana uu isku soo dhejiyo kursiga u uku fadhiya oo dadka ka dhaxeeya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.