Maxay Dawladdu u Xanibtay Isticmaalka & Adeegga Isgaarsiinta Internet-ka?

Warbixin Keydmedia Online

Maalin kadib af-gambigii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee lagu riday RW Xasan Cali Kheyre, Xukuumadda Farmaajo waxay amar ku bixisay in xoog lagu joojiyo isticmaalka adeegga internet-ka ee caasimadda Muqdisho. 

Maxay Dawladdu u Xanibtay Isticmaalka & Adeegga Isgaarsiinta Internet-ka?

NAIROBI, Kenya - Waxaa hubaal ah in Taliska Hay'adda Nabadsugida iyo Amniga Qaranka amar ka soo baxay lagu hakiyay isticmaalka adeegga isgaarsiinta ee Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan, tan internet-ka, oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo hawlaha gargaarka ee hay'adaha caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliya.

Arrintan waxay ku soo aadday xili dalku uu la dhakafaarsanaa sidii xilka looga tuuray Ra'isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, oo cod gacantaag ah looga riday kursiga. Beesha caalamka iyo Soomaali badan ayaa arrintan u arkay mid aan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalena waxaa arrintan ku tilmaamay wax kama jiraan xisbiyada mucaaradka oo sheegay in ay aheyd tillaabo baalmarsan hanaanka iyo shuruucda dalka u dagsan. 

Hadaba waa qofma ruuxa ku dhiiraday in isgaarsiinta Soomaaliya oo intooda badan xor ka ah gacanta dawladda in xanibaad lagu soo rogo? Sida aan ka xaqiijinay qaar ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay, waxay Keydmedia u sheegeen in Agaasimaha Hay'adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu la soo xiriiray, kuna amray in ay xanibaan adeegga internet-ka ilaa amar dambe, macaamiishana ugu fasiraan in ay jirto cilad farsamo. 

Arrintan waxay hakad galisay qadka telefoonadii dibada oo gabi ahaanba joogsaday, maadaama uu ku shaqeeyo waxa loo yaqaan VoIP, gaar ahaan shirkadaha qaar ka mid ah. Xanibaada ay dawladdu ku soo rogtay shirkadahan ayaa saameyn toos ah ku yeelatay goobo ka baxsan magaaladda Muqdisho, sida gobolka Baay iyo Gedo, oo isticmaalka internet-ka iyo telefoonada qadka dibada ay ka maqnaayeen. 

Netblocks oo ah hay'ad dabagal ku sameysa madaxbanaanida isgaarsiinta internet-ka ayaa xaqiijinsay in xanibaadda lagu soo rogay isgaarsiinta Soomaaliya aysan aheyd mid farsamo, weerar dhanka system-ka ah ama cilad dhanka isgaarsiinta caalamiga ah. Waxay ku sheegtay in isgaarsiinta internet-ka, gaar ahaan kan caasimadda, in uu hawada ka baxay shalay subaxnimo abaarihii 10:30. 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ula fajacsan in dawladdu ay soo fargaliso oo amar ku bixiso joojinta isgaarsiinta gaarka loo leeyahay, oo ah dhaqan dawladaha dariska lagu yaqaan, sida dawladda Itoobiya, oo gacan-saar buuxda la leh Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Lama yaqaan in amarada noocan ah ay sii socon doonaan, balse waxay saameyn iskugu jirta mid dhaqaale iyo mid madaxbanaanida isgaarsiinta ah ku yeelan doontaa suuqa xorta ah ee ganacsiga Soomaaliya. 

Faraglinta isgaarsiinta oo aan aheyn mid sharci ku qotanta waxay kaloo horseedi doontaa kali-talisnimo wiiqda kalsoonida shacabka iyo tan dhaqaalaha Soomaaliya. Waxayna arrintan u egtahay in Xukuumadda Farmaajo ay noqotay tii ugu horeysay oo ku dhaqaaqda falal sharci-darro ku ah ganacsiga xorta ah oo mudadii burburka Soomaaliya ka badbaaday faragalinta dawladda.

Dhaqankan ayaa moodaa in laga soo minguuriyay cutub ka mid ah buuggaagta ay isticmaalaan hogaamiyeyaasha kali-taliska ahaa ee dalka Itoobiya si loo xakameeyo shacabka, loona burburiyo sooyaalka madaxbanaanida, siyaasadda iyo kan xornimo.

Falkan foosha xun ayaa ah mid ay ku kacaan qolyaha argagixisada ah, kuwaas oo mar walba caburin joogta ah ku sameeya shacabka Soomaaliyeed. 

KEYDMEDIA ONLINE 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.