Maxay ka tarjumeysaa Ciidamada kala qeybsan?

Warbixin Keydmedia Online

Siyaasad xasiloon baa dhasha amni iyo Ciidan Qaran. Askariga lagu qoray qaab qabiil danta dalkiisa kama shaqeyn karo. Afartii Sanno ee lasoo dhaafay Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday wuxuu wuxuu bedelay qaab dhismeedka taliska Ciidanka, isagoo kala qeybiyay Ciidankii Qaranka, taasoo keentay inay askarta kala qeybsanto, oo nidaamka qabiil ku shaqeeyaan.

Maxay ka tarjumeysaa Ciidamada kala qeybsan?

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii dagaal Sokeeye qarxay 1991,waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay cududii Ciidanka iyo magacii Libaaxyada Geeska Afrika. Sannadkii 2000 iyo ka dib 2006, dawladihii xilligaa jiray waxay isku dayeen inay dib u yagleelaan ciidanka laakiin way ku guuldaraysteen, taasoo keentay in maleeshiyo shaar qaran loo geliyay lagu aamino amniga dalka.

Burburkii kadib, maalgelin ballaaran ayay beesha Caalamka ku sameysay dib u dhiska Ciidanka, waxaana cutubyo katirsan, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor si sifiican u tababaray, unu qalabeeyay Turkiga, dalkiisa iyo gudaha Muqdisho ku siiyay tababar.

Khayre intii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa, dib u habeyntii ugu fiicnayd baa lagu sameeyay Ciidanka, iyadoo loo sameeyay diiwaangelin rasmi ah [biometric registration], taasoo meesha ka saartay liis askar beena ah oo lacag lagu qaadan jiray iyo in askariga uu mushaarka ka sugo taliyihiisa, waxaana loogu shubaa akoon bangi oo isaga toos ugala baxaya.

Laakiin nasiib daro Isbedelkii socday waxaa dhexda qabtay Farmaajo, oo xilkii ka qaadey Khayre, waxayna Ciidankii noqdeen kuwa lagu duminaayo Soomaaliya, laguna baabi'inaayo rajadi yareed ee shacabka lahaa.

Farmaajo wuxuu bedelay qaab dhismeedka taliska Ciidanka, isagoo xilalkii ugu sareeyay u magacaabey Saraakiisha Beeshiisa Mareexaan kasoo jeedaa, taasoo keentay inay askarta kala qeybsanto, oo nidaamka qabiil ku shaqeeyaan.

In ka badan 1,300 sarkaal oo Mareexaan ah ayuu xilal u dhiibay Farmaajo, kuwaasoo sidoo kale dalacsiiyay darajooyoonkooda, askar badan ayaa laga soo qoray Gedo kuwaasoo tababar loogu qaaday Muqdisho iyo dalka Turkiga.

Nidaam kaligii-taliska wuxuu kala qeybiyay Ciidankii qaranka, wuxuu dalka geliyay hubanti la'aan amni iyo mid siyaasadeed, iyadoo uu beeray aano qabiil oo u dhaxeeya beelo Soomaaliyeed oo awoodda Ciidanka lagu dulmiyay.

Siyaasadda iyo Ciidanka kala qeybsan waa ifafaallo aan u wanaagsanyn dal mudo dheer colaad kusoo jiray, oo dib usoo kabasho ku jiray. Dowladnimada Soomaaliya waa mid jilacsan oo aad u fudud inay burburto.

Bishii April 2021, Muqdisho dagaal yar oo hal habeen ka dhacay ayaa bedelay sawirkii waynaa ee dowladdnimada, iyadoo uu khatar geliyay dalka oo dhan, waxayna ahayd qalad Farmaajo uu sameeyay kadib markii uu isku dayay inuu afegmbi sameeyo.

Tiro ahaan ma yara Ciidanka Soomaaliya wuxuu ku labo-jibaarmaa AMISOM oo 22,000 oo askari ka kooban, laakiin tayadiisa ayaa la dilay, waxaa lagu kala qeybiyay qabiil, waxaana loo adeegsaday dano siyaasadeed.

Waxay ka tarjumeysaa kala-qeybsanaanta Ciidanka rajo la'aan iyo siyaasad xumo - waxayna sii daba dheeraynaysaa dedaalladii Beesha Caalamka ee dib usoo celinta dowladnimadii Soomaaliya.

Tani waa Warbixin hordhac u ah barnaamij ay KEYDMEDIA ONLINE ka sameyn doonto dhawaan Ciidanka Qalabka Sida ay sababta siyaasadda Farmaajo ay Soomaaliya dib ugu celisay xiligii Kacaanka. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.