Mee Shirka Dhuusa Marreeb?

Shirka aad loo sugayo ee Dhuusa Marreeb in uu aflaxo in uu qabsoomo ayaa ka horreysa, sidaas waxaa qaba Yusuf Garaad.

Warbixin Keydmedia Online
Mee Shirka Dhuusa Marreeb?

Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono saakuun oo ah maalinta loo ballamay.

Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul.

Waxaa markaa lama huraan noqon doonta in dhinac kastaa uu ka ruuqaansado barta uu hadda ku dheggan yahay ee lagu yaqaan, si bar hor leh oo raalli la isaga yahay loogu wada guuro.

Sida aan qoray saacado ka hor inta aan Baarlamaanku ridin Xukuumadda July 25,  waxaan weli qabaa in Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada uu dalku wada qaado loona wada baahan yahay.

Is afgarad oo keliya ayaa meesha ka saari kara haddiiba ay dhab yihiin khataraha iyo hanjabaadda aan loo meel dayin ee tooska ah ee dhinacyada qaar ka soo yeera.

Waxaa kale oo uu heshiiskaasi dhimi karaa kaalinta uu ajnebi ku yeelan karo qaabeynta nooca doorashada iyo goorta ay noqoneyso.

Mas’uuliyiinta ay isu geyntoodu tirada yar tahay ee ku heshiin la’ xilliga ay doorasho dhaceyso, waxaan jecelahaan lahaa in ay arkaan fursadda ay Soomaali oo malaayiin ahi ay iyaga siisay oo ah in ay ka sugto in ay aayaheenna keligood go’aan ka gaaraan.

Waxaan jeclaa in aanay iyagu isu muuqan ee dadka iyo dalku ay u muuqdaan, wakhtiga is gurayaana uu u muuqdo.

Waxaan jeclaa in fursadda iyo xushamda la siiyay ay u muuqato, oo iyaga oo ku faraxsan, ay mas’uuliyaddooda hagaag u gutaan.

Waxaan jeclaa in aan xusuusiyo in ay taariikhdooda si wanaagsan u qortaan.

Yusuf Garaad 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.