Muddo xileedka Farmaajo waa Gabaabsi

Muddada dastuuriga ah ee u hartay madaxweyne Farmaajo waa Hal Bil, maanta wixii ka dambeeyana tirintu waxay isku beddeli doontaa maalmo!

Warbixin Keydmedia Online
Muddo xileedka Farmaajo waa Gabaabsi

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo wuxuu xilka madaxweynaha ku guuleystay 08/02/2017. Muddo Afar sano ah oo bil ka harsan tahay ayuu maamulayay xafiiska ugu sarreeya ee Villa Somalia.

Waxa uu ka dhammaan waayay Nin-Jecleysi, sidii uu kula ballamay Xildhibaanadii codkooda ku doortay marna ma uusan fulin, waxa uu fara-gelintii ugu horreysay ku sameeyay Rug-caddaagii golaha shacabka ee si ay ku dheehantahay loo soo doortay 8 Sano oo xiriir ah (Prof Maxamee Sheekh Cismaan Jawaari) ayuu meesha ka saaray, si uu u lumiyo tayada Golaha Shacabka oo ah hay’adda ugu sarreysa ee dhinaca sharciga, islamarkaana ah halka kaliya ee Awoodda dalka siin karta kana qaadi karta!

Waxa uu kursigii ugu sarreeyay ee Golaha Shacabka BJFS ku fariisiyay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal oo ay heshiis ku noqdeen in Farmaajo sida uu doono uu u maamusho! Kalsooni kala noqoshana aan laga keeni karin Baarlamanka JFS.

Muddada uu xilka hayay Farmaajo waxa kaliya ee laga dhaxlay waxay noqotay in uu dalka u jiheeyo halkii uu isaga doonayo oo kaliya, isagoo aan cid kale ka talo-gelin! Intii uu xilka hayay wuxuu ku fakarayay sidii uu dowlad goboleedyada dalka u fariisin lahaa shakhsiyaad isaga uun ka amar qaata, kalana shaqeeya soo laabashadiisa afar sano oo kale.

Koonfur Galbeed waxaa lagu qasbay madaxweynihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu xilka isaga tago, dib dambana uusan isku soo sharraxin, hoggaamiye laga cabsi qabay in lasoo doorto oo kasoo goostay Al-Shabaab (Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur) waa lasoo xiray, ciidamo itoobiyaana oo ammaanka magaalada Baydhabo la wareega ayaa la keenay, ugu dambeyntiina waxaa kursiga KGS lagu magacaabay Lafta-gareen.

Galmudug waxaa lala dagaallamay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo laga hor keenay Cali Gacal iyo Carabey, Axmed Baasto ayey dowladdu dul dhigtay si xilka loo dhaafiyo Xaaf, ugu dambeyntiina wuu tanaasulay, Qoor Qoor iyo wasiir malxiis u noqday (Falagle) ayaa ku tartamay, waxaana meesha laga saaray oo tartankii isaga haray musharaxiintii la tartameysay murashaxa Villa -da soo dirsatay ee Qoor Qoor, ciidamo Haramcad, Gor Gor iyo Itoobiyaan ayaa lasoo dhoobay Dhuusamareeb, ugu dambeyntiina hal wareeg ayaa lagu xariiqay madaxweynaha afarta sano ee soo socota maamulaya Galmudug.

Hirshabeelle madaxweyne jilicsan ayaa hayay talada, Maxamed Waare marna wuxuu la safta dowlad goboleedyada kale, marna wuxuu is yiraahdaa bal in lagu soo doorto mar kale awgeed saaxiib la noqo Fahad iyo Farmaajo, isagiina waxaa laga door biday Cali Guudlaawe oo ku xigeenkiisii ahaa! Hal wareegna wuxuu ku noqday madaxweynaha Hirshabeelle ee Shanta sano ee soo socota!

Qorshihiisii ahaa Farmaajo inuu la wareego awoodda dowlad goboleedyada halkaas kuma ekaan, wuxuu ergo u diray Axmed Madoobe oo isna isku haysta Milkiilaha Jubbaland, waxaa loo sheegay inuu kursiga banneeyo, lacag 20 million ahna uu qaato, hayeeshee taasi wuu diiday oo wuxuu aaminsana 20 million iyo ka badanba inuu ka heli doono dhuxusha laga dhoofiyo dekadda Kismaayo, ayna usii dheertahay canshuurta laga qaado shacabka sida gawaarida, iyo agabka kale ee laga soo dajiyo dekadda. 

Puntland waxaa tartankii doorashada ku haray Musharaxii Farmaajo u diray Garowe ee Jabiyo, isagoo guul darro kala soo laabtay halkii ay doorashada ka dhacday, gaarigii aan xabaddu karin ee Bullet Proof ka ahaa ee loo dhoofiyayna halkaas ayuu kaga soo cararay, wuuna ku fashilmay Famaajo inuu fara-geliyo Puntland iyo doorashadeedii. 

Isku daygaas kusoo gaba-gaboobay guul darrida ayaa Farmaajo lagu xasuusan doonaa markuu xilka banneeyo, inkastoo uu aaminsan yahay in sidii uu u boobay kuraastii dowlad goboleedyada saddexda ah uu u boobi doono tan Federaalka!

Waxaa u harsan muddo hal bil ah oo laga billaabo maanta, ballan-qaadyadii uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayna isagoo aan midna ka fulin ayey muddadii ka dhammaatay, intii uu madaxweynaha ahaa munaasabadda Salaadda Ciid lama tukan bulshada, garoomadii ciyaaraha ee uu ku aadi jiray Jaakad Proof ah waa laga joojiyay, xafladihii uu ku qabsan jiray agagaarka madaxtooyada wuu xaadiri waayay, Tiyaatarkii Qaranka ee rinjiga la mariyay weli waxaa hor tuban dhagxaantii uu dhigay maalintii uu talada dalka la wareegay.

Xaflad, shir, sheeko, dood & wax walbana wuxuu ku qabsadaa gudaha Villa Somalia, maalinta uu dalka ka dhoofayo ayuu kasoo baxaa buulkaas. Taasi ayaa muujineysa amni daraddda ka jirta Caasimadda dlaka, afartii Sanno uu Farmaajo kursiga fadhiyay. 

Uma eka nin ay muddo xileedkiisa uga harsan tahay hal bil, umana eka nin raba inuu qabto doorasho tii uu kusoo baxay oo kale. Waxaa u sawiran wixii uu falay intii uu la xarbinayay dhismaha dowlad goboleedyada saddexda ah ee loogu yeero mataanka dowladda (ama Barasaab -yada Farmaajo ee gobollada!)

Farmaajo wixii uu lunsaday oo uu dadkiisa u boobay kuma filnaane, wuxuu wali usii haqaltaagayaa in uu xaalufiyo intii yar oo ummadda u hartay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.