Musuq-maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda!

Musuq-maasuqa ka jira xafiisyada dowladda Soomaaliya wuxuu gaaray xad laga quustay in wax laga qabto, muwaadaniinta aan awooda laheyn ayaa maalinwalba lagu dhacaa xafiisyadda dowladda hoose, tani waa Warbixinta Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

Warbixin Keydmedia Online
Musuq-maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda!

Halkan waxaan kula wadaageenaa akhrisyasha ku xiran warbaahinta KEYDMEDIA ONLINE xog ku saabsan musuq-maasuqa baahay ee ka dhex jira xafiisyada dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo isbadalka madaxda ugu sarreysa dalka aysan waxba ka baddalin in uu sii naaxo mooyee, marnaba nuxuus kuma yimaado Musuq-maasuqa:

Xarunta dambi baarista CID

Xarunta dambi baarista ee magaceeda loo soo gaabiyo CID -da waxaa loogu talagalay in lagu baaro dambiyada (Nooc kasta ee dambi), hayeeshee qeyb ka mida shaqada dambi baarista ayey xoog saareen weliba si ka duwan sidii la rabay in loo baaro, tusaale waxay xoogga saareen lacagaha laga qaado dadka loo jaro waraaqaha caddeynaya dambi la’aanta ee ay doonayaan dadka raba Baasaboorada iyo Ruqsada darawalnimada.

Jarista waraaqdaas waxaa qofka laga rabaa lacag $10.00 iyo sawir teesaro, marka laguu fududeenayo ee adoo taagan laguu jarayo waxaad bixineysaa lacag $20.00 Askariga kugu baaray illinka hore ee xarunta CID -da ayaa wuxuu ku weydiinayaa in si dhaqsa leh laguugu jaro oo isla maanta aad qaadato miyaad dooneysaa mise sida caadiga ah, haddii aad u sheegto in si dhaqso leh laguugu jaro waxa uu kugu xirayaa qof shaqaalaha kamida oo taleefankiisa ayuu kaala hadashiinayaa si laguugu shaqeeyo.

Xarunta jarista waraaqaha Sugnaanta iyo Dhalashada

Xarunta gobolka Benaadir ee jarista waraaqaha Sugnaanta iyo Dhalashada  waxaa Iyana loogu talagalay si ku dhaw tii hore ee Dambi baarista, waxaana loo jaraa waraaqdaas muwaadiniinta dooneysa in ay sameystaan Baasaboor, kuwa raba Ruqsada darawalnimada iyo kuwa Koontada ka furanaya Bangiyada gaarka loo leeyahay, halkaasi waxaa muwaadin kasta laga qaadaa $15.00 sida maamulka gobolka benaadir uu ka war qabo, lacagtana waxaa lagu diraa Koonto uu leeyahay gobolka, hayeeshee waxaa sidoo kale lagu weydiinayaa in aad isla maanta u baahan tahay iyo inkale, gabadha nadaafadda ka shaqeysa, tan gabdhaha baarta, askariga iridda fadhiya mid kasta oo iyaga kamida wuu ku weydiinayaa in laguu fududeeyo, si aad uga baaqsato toddobaad kaddib in aad u soo laabato xarunta si laguu siiyo waraaqdii kaliya waxaa kaa xigta in aad $15.00 oo dheeri ka ah tii hore aad bixiso, adigoo taagan ayaana laguuu daabacaa.

Xarunta bixinta kaararka ruqsada darawalnimada

Xarunta bixinta kaararka ruqsada darawalnimada waxaa la wareegay Kambani oo ay dowladdu qandaraas ku siisay in ay dadka shacabka ah halkaas kasoo billaabaan hannaanka loogu jarayo ruqsada, lacag $150.00 dollar ayaa laga qaadaa darawal kasta oo ruqsada raba, sidoo kale waxaa la siiyaa hal gelin oo cashar la xiriira sida gawaarida loo wado iyo sharciyada, kaddibna imtixaan ayaa la marsiiyaa, qofkii ku dhacana dib ayuu maalin kale usoo diyaar garoobaa imtixaan kale, markii aad gudubtana toddobaad kaddib ayaa lagu siinaa karaka ruqsada darawalnimada. Hayeeshee qofkii bixiya wadarta guud $200.00 waxaa loo fududeeyaa imtixaanka, sidoo kalena waxaa loo beeqaamiyaa waqtigii kaga bixi lahaa darsiga la xiriira casharka ee barashada shuruucda waddooyinka, waxaana kaarka loogu soo saaraa muddo 2 maalin ah.

Xarunta bixinta Baasaboorada

Xarunta bixinta Baasaboorada (Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha) waxay kamid tahay meelaha ugu dhibka iyo ciriiriga badan, waana halka ugu qiimaha sarreysa lacagaha musuq-maasuqa ee xarumaha aan kor ku soo sheegnay. Xafiiska Immigration -ka waxaa laga rabaa qofka lacag gaareysa $100.00 oo lagu shubayo Koontada HSJ amd iyadoo waraaqad ah, $8 oo dheeri ahna waxaa lagu diraa lacag EVC.

Sida caadiga waxaa isna la sugaa muddo toddobaad ah, waxaana lagu siinaa waraaq ay ku qoran tahay taariikhda soo laabashadaada, waxaase jirta in $50.00 oo dheeri ka ah lacagta hore haddii aad bixisid in laguugu soo saaraayo Baasaboorkaaga muddo maalin ah!

Dhammaan lacagaha dheeriga ah ee aan kor kusoo sheegnay waa kuwo xaqiiq ah oo qof kasta uu ogyahay, madaxda sare ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa dowladda soomaaliya xogtan kama qarsana, meel walbana qof iyo qoys ayaa lagu naas-nuujiyaa, oo looga dambeeyaa shaqadooda sida ay u wataan.

Lacagaha dheeriga ahna qof u yaqaan in ay tahay Musuq-maasuq ma jiro, waxay ka mid tahay waxa loo yaqaan Dhaadhaca halka laga soo saaro!

Dhaadhacu ma'ahan Gunno iyo Mushaar toona, waa lacag dheeri ah oo laga qaado dadka loogu adeego xafiiskaas, inta badan dhaadhaca waxa uu ka jira Xafiisyada Dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay aad ayey ugala diriraan dadka qaata lacagta dhaadhaca sida qolyaha korontada bixiya shaqaalahooda uma ogola in ay macamiisha ka qaataan lacag, iyaga oo ilaalinaya macamiishooda ayey u diidaan shaqaalahooda in ay lacag weydiistaan macmiilka loo shaqeeyay ee koronta loo xiray.

Howsha Warbaahinta ayaa ah in ay soo bandhigto xaqiiqooyinka jira ee bulshada dhexdeeda ah, waxayna u hadashaa dadka kuwa codkoodu gaaban yahay ee haddana dulman si uu xaqiisa u helo, musuq-maasuqa naaxay ee ka jira xafiisyada dowladda dhammaantood waxa aan ku haynaa il gaara.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.