NISA & Shaqaalaha dowladda oo qabanaya doorashadda Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa maalmo kahor magacaabay 25 xubnood oo noqonaya guddiga doorashada dadban ee heer federaal kaasoo kormeeri doona doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo billaaban doonto December 2020, islamarkaana socon doonto illaa February 2021, laakiin warbixintii Keydmedia Online kadib, Rooble ayaa waji-gabax iyo diidmo kala kulmay magacaabista. 

NISA & Shaqaalaha dowladda oo qabanaya doorashadda Soomaaliya

Sidoo kale, Rooble ayaa sidoo kale magacaabay 21 xubnood oo loo soo xulay inay noqdaan Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, waxeyna 46-da magac u badan yihiin shaqaalaha Villa Somalia iyo NISA.

Xubnaha la magacaabey waxaa kamid ah gacan-yarihii Farmaajo, Cabdinuur Maxamed iyo xubno kaloo ka tirsan hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, oo taliyaheeda Fahad Yaasiin awood ku leh dowladda.

“Markaan arkay magacyada Guddiga Doorashada ee ay dhowaan dowladdu magacawday, dibna u milicsaday howlihii ay qaban jireen & kuwa ay hadda hayaan, waxaan u arkaa inay yihiin guddiga ololaha M/weyne Farmaajo ee aysan ahayn guddi doorashada heer qaran ah, taasna lama aqbali karo,” ayuu yiri Daahir Maxa’uud Geelle, oo Musharax Madaxweyne ah 2021.

Xubnaha gudiyadda wuxuu heshiiska dhigayaa inay noqdaan kuwa dhex-dhexaad ah, aqoon u leh howsha iyo dadka sumcad leh, oo horey loogu tirinaynin koox ama shaqsi gaar ah siyaasadd dalka.

Laakiin ma aysan noqon, waxayna musharaxiinta shaki iyo walaac ka muujiyeen tartanka, iyagoo aaminsan inuu Farmaajo ku shuban doono, maadaama gudiga doorashooyinka isagu jiraan dhalinyaro baraha bulshadda ka taageeri jiray iyo askarta NISA.

Keydmedia Online ayaa si gaar ah u heshay liiska magacayadda xubnaha Galmudug ku matelaya labada gudi doorasho, kuwaasoo go’aanka magacaabistooda uu leeyahay madaxa Nabad Sugida Soomaaliya.

Halkan ka akhri qof kasta magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo.

  1. Wacaysle: Mohamed Ahmed Nur (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)
  2. Duduble: Cabdicasiis Nuur Yuusuf (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)
  3. Sacad: Farhmo Xasan Maxamuud (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)
  4. Saleemaan: Maxamed Qaasim Maxamuud (Hay’ad Fahad leeyahay ayuu maamule ka yahay)
  5. Cayr: Maxamed Daahir Gulleed (Fahad ayaa keenay, AAWarsame ayaa lagula dagaalamayaa
  6. Saruur: Xaawo-kiin Maxamed Cali (Waa Hoggaamiye kamid ah Xoogaga Wadaniyiinta)
  7. Sheekhaal: Maxamed Cabdiraxmaan Cabdullahi (Fahad ayaa keenay).
  8. Mareexaan: Cabdiraxmaan Ismaaciil Shire (Waxaa keensaday Cabdishakuur Cali Mire)

Liisaska kale ee Maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed waxay mareen wadadii Galmudug, iyadoo kuwa heer Federaal ee Muqdisho lagu magacaabeyna ay ka buuxaan dhalinyaro uu Cabdinuur qoray oo katitsanaa xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, NISA iyo shaqaale u shaqeynayay dowladda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waji-gabax iyo diidmo kala kulmay magacaabista, iyadoo mucaaradka iyo Aqalka Sare ay shegeen in hanaanka loo maray ay kahor imaanayso qodobada 9-aad iyo 10-aad ee heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka 2020-21.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi wuxuu diiday gudiga dowladda usoo magacawday inay maamulaan doorashadda Xildhibaanada labad aqalka ee Baarlamaanka ku mateli doono gobollada waqooyi (Somaliland).

Wuxuu xusay in gobollada waqooyi ay doonayaan in loo madax-baneeyo magacaabista gudigooda, si lamid ah Maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka, si ay u dhacdo doorasho daah-furan, oo wada-ogol ah.

Saamileyda siyaasadda waxay doonayaan, uguna baaqeen maamulka Farmaajo inuu ka laabto magacaabista xubnahan, islamarkaana la dhiso kuwa dhex-dhexaad ah, oo dhinacyada mucaaradka laga-galo geliyay.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa awood ku maquunisay Maamul Goboleedyada dalka, iyadoo riday madaxdii hore, kuna bedeshay kuwa calan-wadiyaal ah, oo ku shaqeeya awaamiirta Villa Somalia.

Farmaajo ayaa jebiyay dastuurka dalka isagoo ka shaqeynayay in mudo ah inuu gacanta ku dhigo gudiga doorashooyinka, wayna u suurta-gashay, waxayna tani caddeyn u tahay inuu codadka ku shuban doono, kuna guuleysan doono hadafkiisa inuu kursiga mar 2aad ku fariisto.

Madaxweynaha wuxuu dhaawacay kalsoonida shacabka iyo xisbiyadda siyaasadeed, kadib markii afduubay hanaanka doorasho ee dalka, waxayna dad badan aamisan yihiin in kaligii-talis cusub yimid.

Madaxweynaha ayaa dalka u wada khilaaf siyaasaddeed iyo dagaal sokeeye. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.