Qabyaaladeynta Farmaajo Iyo Naas Nuujinta Jufadiisa

Warbixin Keydmedia Online

Baariitaan ay Keydmedia Online sameysay ayee waxey ku ogaatay in Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dib usoo celiyay naas-nuujin iyo nin-tooxsi lagu bartay Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna Farmaajo xilal badan u dhiibay si sharci darro ah dad ay isku heyb yihiin, tani waa qeybtii koowaad ee Warbixinta. 

Qabyaaladeynta Farmaajo Iyo Naas Nuujinta Jufadiisa

Madaxweynaha muddada xil-heyntu ka dhamaatay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa intii uu xaafiiska joogay hirgaliyay naas-nuujin iyo nin-tooxsi middii ugu weyneyd ee Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo taariikhda, Kadib Siyaad Barre, wuxuuna xilalkii ugu badnaa qaab sharci darro ah ugu magacaabay dad ku heyb ah, kuwaas oo hadda ka howlgala dalka iyo dibaddaba.

Baaritaan ay sameysay Keydmedia Online, waxa ay ku ogaatay in Farmaajo uu raacay jidkii Nin-jecleysiga ee uu hore u qaaday “Aabihii Fidnada Soomaaliya” Maxamed Siyaad Barre, kaas oo dhamaan xilalkii muhiimka ahaa, dabayaaqadii Dowladdiisa u magacaabay dad ku heyb ah, ama Xidid, Xasabo iyo Xabiib la ah.

Sida ay KON u xaqiijiyeen Ilo diblumaasiyadeed, Farmaajo wuxuu tan iyo markii uu Aminga iyo Hoggaanka Doorashooyinka wareejiyay, uu ku howlanaa, sidii uu saameyn xooggan ugu yeelan lahaa Safaaradaha Soomaaliya, wuxuuna qorsheeyay inuu badelo in ka badan toban safiir, oo hadaba la sii diyaariyay ragii lagu badali lahaa oo isaga ku heyb ah.

Wuxuu si qarsoodi ah u magacaabay la taliyayaal aan shaqeyn, Saraakiil aan howl-galin, agaasimayaal, Maareeyayaal iyo xilal kale, oo soo bixi doona marka uu xilka banneeyo, kuwaas oo dhamaan ah shaqsiyaad ay qaraabo yihiin.

Shaqsiyaadka uu Farmaajo xilalka ku naas-nuujiyay waxaa ka mid ah, Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya, Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, Safiirka South Africa ee Soomaaliya, Safiirka Norway ee Soomaaliya, iyo Safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya.

Qunsulka Kenya, Qunsulka Tanzania, Qunsulka Farance, Qunsulka Sudan, Xoghayaha Joogtada ee Wasarada Qorsheynta, Xoghayaha Wasaarada Batrolka, Agaasimaha Badrolka, Agaasimaha Wasaarada Caafimadka, Maareeye Xigeenka Wakaaladda Boostada iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, iyo Wasiir Ku xigenka Cafimadka.

Taliye Xigenka Nisa, Madaxa hoowllada Nisa, Taliyaha Ciidanka Lugta, Amanduulaha Cidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka 21, Taliyaha Boliska Galmudug, Taliye Xigeenka Gorgor, Taliyaha Hawlgalinta Haramcad, Taliyaha Boliska Gobolka Gedo, Taliyaha Asluubta Gobolka Gedo, Taliyaha Guutada 10-aad Gobalka Gedo, Taliye Xigeenka Guutada 10-aad, Taliyaha Hawlgalinta Gobolka Gedo, Taliyaha Booliska Degmada Luuq, Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo iyo qaar kale oo badan.

Sida muuqata wuxuu Farmaajo soo rogtay diiwankii Siyaad Barre ee Siddeetamaadkii, kaas oo ku dhisnaa  boob iyo bililiqo, ay reerkiisu ku hayeen dalka, kaas oo xilligaas xilalkii ugu muhiimsanaa u magaacay shaqsiyaad ku xeeran Sida;

Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Taliyaha ciidanka XDS, Cabdullaahi Maxamed Siyaad Barre, Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Caafimaadka iyo Ayaanle Maxamed Siyaad Barre, Wakiilka Xisbiga Hanti wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee Madaxtooyada.

Faadumo Maxamed Siyaad Barre, Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe, qeybta lagacta qalaad, C.M Mire, (Sayga Fadumo MSBarre) Wasiirka Waxbarashada, Canab Maxamed Siyaad Barre, Agaasimaha Maamulka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Jen. M. S. X Moorgan (Sayga Canab MSBarre) Wasiirka Gaashaandhigga, Jen. A.S Cabdalle (Sayga Suubban MSBarre) Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Jen. C.C Xuseen ( Sayga Haweeya MSBarre) Taliyaha Ciidanka Booliska.

Waxaa la rumeysan yahay eexda intaas la eg uu Farmaajo, mar kale hirgaliyay afartii sano ee la soo dhaafay, “Owrba owrka ka horreeya saan-qaadkiisuu leeyahay” ayay Soomaalidu tiraahda, M.S Barre qudhiisu, wuxuu qabyaaladdaas qaawan ka soo min-guuriyay taliskii Ina Cabdulle Xasan oo ku dhisnaa xukunka Qoys.

Farmaajo ayaa doonaya in uu dib usoo celiyo taariikhdii mugdiga aheyd ee Siyaad Barre. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.