Doorashadda Soomaaliya oo si toos ah gacanta uga baxday

Doorashada Gollaha Shacabka oo waqtiga ay dhacayso aan la shaacin, ayaa la filayaa inay ka adkaato mida Aqalka Sare oo awood buuxda ku lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyada, Keydmedia Online ayaa sharaxeysa habraaca cusub. 

Warbixin Keydmedia Online
Doorashadda Soomaaliya oo si toos ah gacanta uga baxday

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa shalay soo saarey Habraac cusub oo loo marayo doorashadda Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 11aad.

Shir labo Maalmood ka socday Afisyooni ayaa Madaxda ku gaarey go'aanno u muuqda afduub doorasho, kadib markii ay wax ka bedeleen hanaankii hore loogu heshiiyay ee doorashooyinka dadban, kaasoo lamid ahaa midkii 2016-2017.

Villa Somalia ayaa doorashadda sanadkan saameyn iyo galaan-gal muuqda ku leh, waxaana socda qorsho uu Fahad Yaasiin ku doonayo inuu Farmaajo soo celiyo, isagoo u marayo inuu soo saaro Xildhibaano u codeeya Oct 10 sanadkan 2021.

Muxuu kaga duwan yahay Habraaca cusub midkii hore?

Habraaca cusub ayaa awood badan siinaya Madaxda Maamul Goboleedyada oo si toos ah u maamuli doono doorashadda Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo ka kooban 275 kursi, waxaana tallaabadan durbadiiba ka hor-yimid mucaaradka.

Gollaha Wadatashiga Qaran, ayaa awoodii ka qaadey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee [FIET], waxaana lagu wareejiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Maamul Goboleed ee [SEIT].

Gudiga doorashadda Heer Federaal [FIET] ayaa si dadban loo kala diray, kadib markii awoodiisa lagu soo koobay kor-joogteyn, hubin iyo isla-maamulida dhaqaale, waxaama doorkoodii kala qeybsadey Rooble iyo Madaxda Maamullada. 

Dhanka soo xulista Ergada doorashadda waxaa lagu sameeyay isbedel, iyadoo Odayaashii Dhaqanka 135-ta awoodii laga qaadey, waxaana awood loo siiyay Madaxda Maamul Goboleedydada inay soo xulaan Ergada.

Ergada doorashada oo ka kooban 101 kursi kasta, waxaa soo xulaya Nabadoona ka diiwaan-gashan Maamul Goboleedyada, waxaana hubinaya cida kamid noqonaysa Gudiga doorashada Heer Maamul Goboleed. Saddex meelood, labo Meel [66 ergo] hadii ay kooramka joogto, waxay doonaran karaan Xildhibaan.

Ergada uu rabo Madaxweynaha Maamul Goboleedka ayuu Gudiga qorayaa, si Musharaxa uu doonayo ugu soo baxo tartanka kursiga.

Ergada doorashadda Somaliland iyo Beelaha Banaaadiriga waxaa maamulaya Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxaana awooda ugu badan ku leh doorashadda Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Mahdi Guuleed, oo u janjeera dhanka Farmaajo.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka wuxuu awood u leeyahay inuu go'aan ka gaaro Kursiga Haweenka, taasoo micnaheedu yahay inuu kursiga hadii uu u tartamo nin ay is hayaan oo mucaarad ku ah ku bedeli karo qof dumar ah.

Musharixiinta iyo Ergada waxay marayaan baaris hay'adaha amniga, waxayna warqada dembi la'aan kasoo qaadanayaan CID-da, waxaana laga dhigayaa qofkii la doono dembiilo, si looga reebo tartanka doorashadda.

Sidee Mucaaradka uga falceliyay Habraaca cusub?

Mucaaradka inkastoo mowqifka wadajir ah soo saarin, haddana qaar kamid ah ayaa aaminsan in heshiiska lagu gaarey Afisyooni uu keenayo wax ka daran wixii Aqalka Sare ka dhacay, kadib markii si lama filaan ah uu Rooble Awooda oo dhan u gacan-geliyay Dowlad Goboleedyada.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay in habraaca cusub uusan u baahnayn sanduuq doorasho in lagu kala adkaado.

"Nin saaxibkeey ah oo beesha caalamka ka tirsan ayaa igu yiri sanduuqyadii aan ku yaboohnay waa khasaareen, sababtoo ah tartan doorasho ma dhicin codna sanduuq laguma ridin. Ma filaayo habraaca la saxiixay in uu santuuq doorasho nooga baahan yahay," ayuu yiri CC Warsame.

Maxaa laga filayaa doorashadda Aqalka Hoose?

Qubarada Siyaasadda ayaa aaminsan in doorashadda Kuraasta Gollaha Shacabka uu dhiig ku daadan doono, maadaama habraaca cusub ee dhalay la soo saarey cid gaar ah loogu daneeyay, islamarkaana meesha ka saarey tartanka xor iyo xalaal ah in la galo.

Qeybo mid ah dalka, sida gobolka Hiiraan waxaa ka billowday kacdoon hubeysan oo Farmaajo looga soo horjeedo, waxaana Beledweyne oo ah degaan doorasho la wareegay Ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe, oo boobay xaqa qaar kamid Beelihii wada-dhistay maamulka HirShabeelle.

Maamullada kale ayaa sidoo kale laga baqayaa inay ka dhacaan kacdoon lamid ah midka ka dhacay Hiiraan, waxaana ka faa'ideysanaya Musharixiinta mucaaradka ee arkay in lagu reebayo Habraaca cusub ee doorashadda.

Doorashadii 2016, meelaha qaar waxaa ka dhacay dagaallo, iyadoo boob iyo laaluush bixin ay dhaceen, waxayna Xildhibaanno badan kusoo baxeen jeebkooda iyo qoriga caaradiisa.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa Shir deg-deg ah isagu yimid Muqdisho, iyagoo go'aanno kasoo saaray Habraaca doorashadda ee shalay soo baxay, waxayna sheegeen inuu yahay mid sharci darro ah, oo aan la aqbali karin.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.