Shan sano oo xisaab u baahan

Sanadihii kali-taliska aan taagta lahayn

Wuxuu ku duullay degaanno nabad ah iyo gobollo ammaan ah, oo 10 sano ka hor laga xoreeyay Al-Shabaab, sida Gedo iyo Galgaduud, wuxuuna halkaas ka geystay xasuuq bini’aadannimo oo daran, wuxuuna madaafiic ku laayay carruur iyo haween aan waxba galabsan oo ku sugnaa magaalada Beled-xaawo billowgii 2021.

Warbixin Keydmedia Online
Sanadihii kali-taliska aan taagta lahayn

MUQDISHO, Soomaaliya – 1826 maalmood oo u dhiganta Shan sano oo buuxda ayaa ka soo wareegtay February 8th 2017, markaas oo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, loo dhiibay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kadib doorasho natiijadeeda lagu wada qancay oo ka dhacday caasimadda.

Waqtigiisa sharciga ah, wuxuu ku ekaa hal sano ka hor maanta oo kale, hayeeshee, ku tumashada sharciga iyo baal-maridda dastuurka ee uu hirgaliyay afartiisii sano, ayaa u suura-galisay inuu sanad dheeraad ah sii sheegto Madaxweyne, sifo sharci-darro ahna ku deganaado Villa Somalia.

Inkasoo shantaas sano ay ku suntan yihiin “Sanadihii kali-taliska aan taagta lahayn” oo aysan jirin hormar dowladnimo oo la taaban karo, dib-u-socod iyo dibin-daabyo mooyee, ayay haddana waajib tahay in wax la iska weydiiyo gobood-fallada foosha-xun ee Farmaajo ku falay magaca dowladda.

Sanadkiisii 1aad wuxuu hirgaliyay caburin bulsho iyo caga-jugleyn shacab, wuxuuna dadka reer Muqdisho, ka hor istaagay xuquuqaadkii dowladnimo oo ay lahaayen, wuxuu dhagax ku jaray jidadka oo dhan, taas oo sababtay in hooyooyinku waddooyinka ku umulaan, meydkana garbaha lagu qaato.

Wuxuu Kooxdii TPLF ee Itoobiya hoggaamineysay u gacan galiyay Qalbi-dhagax, halka uu ONLF, ku daray liiska Argagixisada, isagoo u jeedkiisu yahay inuu garab siyaasadeed ka helo Addis Ababa, kaas oo sidii uu rabay ugu suuragalay, kadib markii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaas qabtay Abiy Axmed.

Isla-sanad-kiisii 1aad, Farmaajo, wuxuu duullan ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, wuxuuna xilli saq dhexe ah u dhacay xarunta Xisbiga Wadajir, halkaasoo uu ku xasuuqay ilaaladii xarunta isla-markaana ku dhaawacay hoggaamiyaha Xisbiga, kuna bililiqeystay dhamaan wixii agab iyo maaliyad yaallay xarunta.

Wuxuu burburiyay hay’addii sharci dajinta iyo la xisaabtanka Xukuumadda ee ugu miisaanka cusleyd Laamaha Dowladda, [Golaha Shacabka], wuxuuna awoodda Laanta Fulinta u adeegsaday xil ka raacdeyntii Guddoomiyihii Aqalka hoose, Prof Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], halka uu kala furfuray Aqalka sare.

Farmaajo, Wuxuu ku duulay Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, si uu meesha uga saaro nidaamka federaalka ee dastuurku dhigayo, wuxuuna Baydhabo iyo Dhuusamareeb, ka geystay xasuuq shacab si uu kuraasta ugu sarreysa Galmudug iyo KGS u saaro qabanno isaga u adeega oo aan aqoon hoggaamineed lahayn.

Wuxuu cunaqabateyn saaray Jubbaland, si uu xilka Madaxweynaha uga raacdeeyo Axmed Madoobe, oo beeshiisu diiddan tahay, waxayna cunaqabateyntaasi sababtay in bulshadu dhibbane u noqoto, waxaa la soo wariyay in dad u geeriyoodeen la’aanta adeegyo caafimaad oo si fududu lagu heli jiray ka hor beegsiga Kismaayo.

Wuxuu ku duullay degaanno nabad ah iyo gobollo ammaan ah, oo 10 sano ka hor laga xoreeyay Al-Shabaab, sida Gedo iyo Galgaduud, wuxuuna halkaas ka geystay xasuuq bini’aadannimo oo daran, wuxuuna madaafiic ku laayay carruur iyo haween aan waxba galabsan oo ku sugnaa magaalada Beled-xaawo billowgii 2021.

Farmaajo, shanta sano ee uu Madaxtooyada joogo, waxuu dib u soo nooleeyay hurintii colaadaha sokeeye, waxaana gobol kasta ka holcaya dagaallo sokeeye oo uu isagi baasiin ku bilbilay, halka uu si gaar ah u hubeeyey beeshiisa deggan Gedo iyo Galgaduud, si ay hubka dowladda ugu geystaan gabood-fallo hor leh.

Wuxuu khaarijiyay saraakiil ciidan oo ay ku jirto AUN Ikraan Tahliil, siyaasiyiin sarsare oo uu ka mid yahay AUN Injineer Yariisow,  wuxuu ku duullay Madaxweynayaashii hore, [Shariif & Xasan] si uu u dunida u dhaafiyo, halka uu maalin cad si aan gambasho lahayn u weeraray madax iyo shacab dhigayay bannaan-bax nabadeed.

Farmaajo, wuxuu kala qeybiyay Ciidanka Qaranka, qeyb ka mid ah, wuxuu ku suntay maleeshiyo qabiil, halka qaar kale uu difaac ka galiyay Daljirja Dahsoon, Isgoyska Sayidka, Ceelgaabta, Shimbiraale iyo goobo kale, si ay ugu sii hayaan kursiga, isla-markaan u hor istaagan dadka isaga ka aragtida duwan ee caasimadda ku sugan.

Wuxuu Itoobiya ka dagaal galiyay dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka looga qaaday in tababar loo geynayo dalka Qatar, ka hor inta aan laga dejin Eritrea, kadibna loo sii gudbin waqooyiga Itoobiya, si ay u wajahaan Jabhadda TPLF, ee dagaalka kula jirta Maamulka Abiy Axmed.

Farmaajo, wuxuu si cad u diiday in ay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah, wuxuuna dhamaadkii sanadkii hore, isku dayay inuu af-gambi kula wareego, xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo shaqada Xukuumadda, si uu guud ahaan meesha uga saaro doorashooyinka hadda socda.

Muddada uu xaafiiska joogay, waxaa jeebkiisa ku maqan ku dhawaad labo billion oo dollar, maadaama afar sano oo ka mid ah shanta sano uusan sameyn wax xisaab xir ah, taas oo sababtay in dalalka deeqaha bixiya meesha ka saaraan kabkii miisaaniyadeed oo ay la garab taagneeyeen Dowladda Federaalka.

Intaas iyo in ka badan waxa ay qeyb ka yihiin, gobood-falladda Farmaajo galay oo ay waajibka tahay in wax laga weydiiyo, loona cuskado in looga hor istaago inuu mar kale u baratamo tartanka xilka ugu sarreeya dalka iyo guud ahaan qabashada xil iyo xoolo umadeed.

KEYDMEIDA ONLINE  




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.