Shacabka Gedo oo Gaajo iyo Biyo la’aan u dhimanaya

Xaalad bini’aadanimo ayaa ka jirta qeybo kamid ah gobolka Gedo, kadib markii ay ku dhufteen abaar & biyo la’aan xooggan oo saameeyay nolosha boqolaal kun oo qof, waxayna carruurta billaabeen inay u dhintaan haraad.

Warbixin Keydmedia Online
Shacabka Gedo oo Gaajo iyo Biyo la’aan u dhimanaya

Meelaha ugu daran ee abaarta ka jirta ayaa ah Tuulooyinka Ceelasha biyaha laga cabo ka fog ee ku yaala duleedka Garbahaarey, Baardheere iyo Ceel-Waaq, halkaasoo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Abaar kulul, oon daran waxaa shacabka u wehliyay cudurka COVID-19, dhibaatooyinkaasoo aysan xamilo karin, waxayna Saraakiisha Gedo ka dalbadeen dowladda iyo hay’adaha inay gurmad deg deg ah.

Anyax ayaa sidoo kale ku habsaday degaanada miyiga ah, kaasoo cunay dalaga beeraha iyo dhirta daaqsinka ah, ee xoolaha ay ku noolaayeen, waxuuna sababay nabaad-guur, cunto yari iyo biyo la’aan.

Dadku waxay billaabeen inay ka tagaan Tuulooyinka qaar, ee ku dhaw Ceel-Waaq kadib markii ugu yaraan labo carruur ah ay biyo la’aan ugu dhintaan maalmihii laso dhaafay, kuwa kalena ay khatar ku jiraan.

Abaarta Gedo ayaa kasii daraysa marba marka ka dambeysa. Waxaan helaynaa war sheegaya in laba wiil oo walaalo ah oo yar yar ay ku dhinteen degaanka Cows Qurun, mid kalena uu ku dhintay Ceel-Waaq.

“Xaalad bani'aadamnimo ayaa ka jirta Gedo halkaas oo abaarta iyo ayaxa ay si ba'an u saameynayaan xoolaleyda iyo beeraleyda gobolka. Iskuulada waa la xiray, beeraha lama tacban, biyo la aanta dadka oo dhan ayay haysaa,” ayuu yiri qof ku nool Ceel-Waaq oo KON la hadlay.

Meelaha qaar waxaa ka socota biyo dhaamin, dad iskooda isku abaabulay oo wata booyado ayaa gaarsiinaya biyo la cabo xoolo dhaqata iyo dadka kale ee ku sugan goobaha ugu daran ay ku dhufatay abaarta.

Roobka Deyrta si fiican uguma di’in sanadkan Soomaaliya, waxaana baaqday dalag badan oo beeraha kasoo go’i lahaa, taasoo keentay cunto yari ay saameysan malaayiin qof oo ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

In ka badan 2 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasaa inay wajahaan xaalado daran, oo cunno yarida ku jirto, kuwasoo si deg deg ah ugu baahan gargaar looga hortagayo heerarka sare ee nafaqo-darrada iyo gaajadda.

Gedo oo ku dhaw xuduuda Kenya ayaa sanado badan oo isdaba joog ah waxaa soo maray abaaro iyo fatahaado galaaftay nolosha dad badan, waxayna dadka noqdaan barakacayaal kadib markii xoolahooda ay ku waayeen aafooyinka ku habsaday gobolka.

Ma jirto dowladda awood leh oo dadkeeda u gurman karta marka ay masiibo dalka ka dhacdo, iyadoo hay’adaha samafalka aysan gargaar bini’aadanimo gaarsiin karin gobollada qaar sababo la xiriira amniga.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.