Cabdisalaan Maxamuud

Sheekadda Suxufi aragga la’ oo dhiira-geliya kuwa kale ee naafada ah

Cabdisalaan Maxamuud Shire, waa suxufi aragga la’, oo ka howlgala Idaacadda maxali ah oo xarunteedu tahay magaaladda Kismaayo, oo lagu magacaabo Radio Kismayo, waana nin xirfadiisa uga faa’ideeya kuwa isaga lamidka ah.

Warbixin Keydmedia Online
Sheekadda Suxufi aragga la’ oo dhiira-geliya kuwa kale ee naafada ah

Waxa uu caan ka dhex-yahay, oo barnaamijkiisa todobaadlaha ee Rajo-side ku xiran kumanaan dadka baahiyaha gaarka qaba [naafadda], oo ku nool magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubada Hoose, Koonfurta Soomaaliya.

Isagoo indhaha la’, kana shaqeeya dalka colaadaha la degay ee Soomaaliya, ayaa haddana hiigsanaya horumarka uu gaarsiiyo noloshiisa iyo kuwa kale ee naafada ah, si ay noloshooda isbedel wanaagsan ugu sameeyaan.

Maalin kasta oo Khamiis ah ayuu kii fariistaa Radio Kismayo, isagoo baahiya barnaamijkiisa 40-ka daqiiqo socda ee Rajo-side, kaasi oo uu diiradda ku saaro mowduucyo kala duwan, sida Caafimaadka, Waxbarasharadda iyo Caqabadaha soo wajahaya qofka naafadda ah iyo sida uu uga gudbi karo.

Cabdisalaan wuxuu cod u yahay kuwa badan oo aan cod lahayn, oo ku nool Jubaland, waxaana uu barnaamijkiisa ugu gudbiyaa fariimo iyo sheekooyin dheera-gelin ah, kuwaasoo bedelay nolosha kuwa badan, oo markii hore mugdi ku jiray.

Noloshiisa hore

Cabdisalaan, waxa uu 30 sano kahor ku dhashay degaanka Jamaame, ee gobolka Jubada Hoose, waxaana uu aragga belay isagoo 3 jir ah kadib markii ay ku dhacday Jadeeco laga daaweyn waayay, maadaama reerkiisu ahaayeen dad sabool ah.

Xilligii dagaalka Sokeeya Soomaaliya ka billowday, qoyskiisa waxay u qaxeen dalka Kenya, iyagoo galay Xerada Dhadhaab, halkaasi oo uu wax kusoo bartay. Cabdisalaan wuxuu ka baxay Dugsi sare oo ku yaalla Kisumu.

Tababar la xiriira dhanka saxaafadda ayuu C/salaam kusoo qaatey magaaladda Nairobi.

Soo laabashadiisa Soomaaliya iyo caqabadaha uu kala helida shaqo

Sanadkii 2018 ayuu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo kamid ahaa qaxooti Soomaaliyeed, oo UNHCR kasoo celiyo Kenya, iyagoo dib u dejin loogu sameeyay magaaladda Kismaayo, oo illaa hadda ku nool yahay, kana shaqo billaabay.

“Sababaha ugu waaweyn ee aan u billaabay barnaamijkan ayaa ah inaan xasuusiyo waalidiinta iyo qoysaska Soomaaliya in caruurtooda naafadda ah, ee guryaha lagu hayo ay xaq u leeyihiin waxbarashadda,” ayuu C/salaam u sheegay warbaahinta.

Maadaama uu aragga naafo ka yahay, C/salaam dhibaato badan ayuu usoo maray inuu shaqo helo, isagoo sheegay in maamule kasta uu u shaqo doonto, uu ku gacan-seyrayay codsigiisa inuu shaqaaleysiiyo, sababtoo ah inuu indhoole yahay.

“Wax jawaab ah kama helin dhamaan codsiyadii shaqo ee aan u geystay xaruumaha warbaahineed kadib markii aan dalka kusoo laabtay. Cidna shaqo ima siinayso, maxaa yeelay waxaan ahay qof aragga naafo ka ah,” ayuu yiri C/salaan.

Laakiin Xasan Nuur Maxamed, oo ah agaasimaha Radio Kismaayo, ayaa qaatey go’aan ah inuu shaqaaleysiiyo Cabdisalaan kadib markii uu ka helay barnaamijkiisa uu isaga hal-abuuray ee Rajo-side.

“Waxaan bedelnay fekerkeenii, waxaana qaadanay go’aan ah inaan shaqo siino Cabdisalaan, maxaa yeelay waa qof hal-abuur iyo maskax fiican leh, oo runtii wax badan kusoo kordhisay Radio Kismayo,” ayuu yiri agaasime Xasan Nuur.

Waxyaabaha sida aadka ah usoo jiitay maamulka Idaacadda waxaa kamid ah in Cabdisalaan inuu awood u leeyahay isticmaalka Tiknooliyadda, waxaana uu macluumaadka ka raadiyaa Internet-ka ee Facebook, YouTube and WhatsApp.

“Waxaan ahay qof naafo ah, waxaana doonayaa inaan cod u noqdo, o matelo kuwa kale ee ila midka ah, barnaamijkan waxaan u qabtaa iyaga, waxaan qadka soo geliyaa kuwa aan codka lahayn, oo ku dheera-geliyaa inay hadlaan, si bulshada ay katirsan yihiin u maqlaan baahidooda,” ayuu yiri C/salaan.

Cabdisalaan oo bedelay nolosha dad badan oo naafo ah

Barnaamijka Rajo-side waxa uu nolosha u iftiimiyay dad badan oo naafo ah, kuwaasoo hadda goobo ganacsi oo yaryar ka sameystay Kismaayo, sida ay sheegtay Amaal Cawil, oo ay C/salaam iskala shaqeeyaan Radio Kismayo.

Amaal waxay kamid tahay dadka sida aadka ula dhacay shaqada C/salaam, iyadoo tilmaantay inuu yahay howl-kar, xirfadiisa horumar ka sameynayo, isagoo adeegsada software u gaar ah, oo ugu jira Laptop-kiisa, marka uu soo saarayo barnaamijka Rajo-side.

“Nolosha dad badan ayuu barnaamijka C/salaam bedelay runtii tan iyo markii uu hawada soo galay February 2018, kuwa dhageysta ee baahiyaha gaarka ah qaba waxay u sheegeen inuu dheera-geliyay, oo hadda bulshada ka dhexmuuqdaan,” ayuu tiri Amaal Cawil.

Shukri Saciid Axmed, oo ah gudoomiyaha ururka dadka naafadda ee Kismaayo ayaa sheegtay in Cabdisalaan uu yahay shaqi lagu daydo [role model], maadaama uu bedelay aragtidii hore ay dadka degaanka qabeen, oo ah in qof naafo ah waxba baran karain, waxna noqon Karin.

Caruur badan baa hadda Iskuuladda aada, waxayba taasi uga mahadceliyeen Cabdisalaan oo waalidiintooda wacyi-gelin u sameeyay, isagoo adeegsanaya barjaamijkiisa Rajo-side ee ka baxa Khamiis walba Radio Kismayo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.