Muqdisho & Al-Shabaab

Sidee Al-Shabaab Canshuur uga qaadaa Xaruumo dowladeed & Ganacsiga?

Warbixin Keydmedia Online

Ganacsi kasta oo ku yaalla Muqdisho waxuu sanad walba lacag u diraa Al-Shabaab, iyadoo aan Kooxdan ka talin qeyb kamida caasimadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa maamusha degmooyinka.

Sidee Al-Shabaab Canshuur uga qaadaa Xaruumo dowladeed & Ganacsiga?

Al-Shabaab si toos ah uma qaado canshuurta, waxay ganacsatada ugu diraan adeegga xawilaadda Mobile-ka, oo ay bixiso mid kamida shirkadaha Isgaariinta iyo akoonno bangi, hadii ay lacagta badan tahay.

Ma ahan oo kaliya goobaha ganacsiga, Al-Shabaab canshuurta waxay sidoo kale ka qaadaa goobo dowladeeda, oo ugu horeyso dekadda Muqdisho, sida uu sheegay Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi.

Keydmedia Online ayaa ogaatey in halkii Kunteenar alaabta laga soo dejiyo dekadda ay Al-Shabaab ka qaadato lacag u dhaxeysay $100 illaa $160 [Boqol illaa boqol iyo lixdan doollarka Mareykanka].

Nidaamka canshuurta Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ka awood badan yahay midka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, sababtoo ah cabsida ay Kooxdan ku beertay shacabka.

Huteeladda ayaa ah goobaha lacagta ugu badan bixiya, iyadoo kuwii diiday ay la kulmeen qaraxyo burbur xoog leh gaarsiiyay. Hotel Makka Al-Mukarama ayaa la iska xiray markii dhowr jeer la qarxiyay.

C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa qiray in arintan ay tahay dhibaato ay dowladdu wax ka qaban waysay, isagoo xusay in ganacsatada ay u baqayaan naftooda, kuna qasabaanadeen inay bixiyaan lacagta.

“Waa xaalad cabsi leh, oo waxba laga qaban karin, waana dhibka ugu weyn ee ka jira dalka,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

UN Monitoring Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay hesho Muqdisho 27 milyan oo dollar sanadkii, taasoo sii kordhaysa sanad walba, maadaama Kooxda billowday canshuurta guryaha iyo dhulka la kala iibsado.

Al-Shabaab, oo mudo 10 sano dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM, ayaa sidoo kale canshuur ka qaada xoolo dhaqatada, beeralayda iyo gaadiidka ku safra gobollada ay maamusho ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Lacagta canshuurta ah ayaa u suurta gelisay Al-Shabaab inay sii wado howlgalladeeda, iyadoo dhaqaalaha ay aruuriso ku iibsato hub iyo gaadiid dagaal, kuna sameyso qaraxyada ay fuliso.

Kaamirooyinkan CCTV-ga oo laga mamnuucay Muqdisho

Sanadkii tagey ee 2019, Al-Shabaab ayaa soo saartey amar ay ku mamnuucayso in goobaha ganacsi ee ku yaalla Muqdisho irida ku xirtaan Kaamirooyinka CCTV-ga. Amarka si dhaqso ah ayuu u dhaqan-galay.

"Aniga waxaan dukaan ka furtay waddada Maka Al Mukaram, waxaan isku dayay in aan Kaamiro ku xiro dukankeyga iridiisa, balse ganacsatadii iga horreesay ayaa ii sheegay in Al Shabaab ay mamnuucday, aniguna waan iska daayay", sidaas waxaa Keymedia Online u sheegay ganacsade codsaday in aan magaciisa la baahin.

Bangiyada, Huteellada iyo goobaha kale ee ganacsiga ayaa baqdinta Al-Shabaab darted isaga daayay Kaamirooyinkan CCTV-ga inay banaanka ku rakibaan, marka laga reebo inay gudaha ku isticmaalaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sanadkii tagey 2019 dhamaadkiisa billowday inay Isgoysyada muhiimka ee caasimadda ku xirto Kaamirooyinkan CCTV-ga, howshaas oo Mareykanka ka gacan siinayo.

Kaamiro kasta meesha ay ku xiran tahay waxaa la geeyay askar dharcad ah oo dusha ka ilaaliya, si aan Al-Shabaab ugu xiran qarax, waxaana arintaasi lagala kulmay caqabado DFS ay xalkooda wali ka fekerayso.

Afar kamida Kaamirooyinkan CCTV-ga, ayay Al-Shabaab qaraxyo ku burburisay 30-kii January 2020, kuwaasoo ku xirnaa inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka iyo KM4, oo ah wadada ugu muhiimsan Muqdisho, taasoo si joogto ah u isticmaalaan madaxda dowladda.

Kaamirooyinkan CCTV-ga, oo maamulkeeda ganacta ku hayso hay’adda Nabad Sugida [NISA], ayaa waxaa loogu tala-galay in lagula socdo falal dembiyeedyada iyo in looga hortago qaraxyada baabuurta loo adeegsado ee Al-Shabaab soo geliso Muqdisho.

Dad badan ayaa iswaydiiyay in iyadoo dowladda dhigtay gudaha Muqdisho baro koontarool oo gaadiidka lagu baaro habeen iyo maalin, haddana Al-Shabaab wali awooddo inay weeraro ka fuliso magaaladda.

Kooxda ayaa la rumeysan yahay inay hay’adaha dowladda ugu jiraan dad la shaqeeya oo u dusiya xogaha gaaraka ah, taasoo u fududeynaysa inay dilal iyo qaraxyo ka geysato meel kasta oo kamida caasimadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.