Siyaasadda Shaqo-abuurka Dhalinyaradda ee N&N oo fashilantay

Warbixin Keydmedia Online

Madaxweyne walba marka uu muddo xileedkiisa dhammaado, waxaa lagu qiimeeyaa xukunkiisa muxuu u qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuuna ka galayaa taariikhda meel wanaagsan ama baal madow, Farmaajo baal madow ayuu ka galay taariikhda wuxuuna dhalinyarro badan ku qasbay tahriib. 

Siyaasadda Shaqo-abuurka Dhalinyaradda ee N&N oo fashilantay

Sooyaalka Madaxda Soomaaliya soo martay, Farmaajo iyo Siyaad Barre baa baal mugdi ka galay Taariikhda, iyagoo ku sifoobey dhaqan mid ah, kali-talis, xukun jacayl, been sheeg iyo balan ka bax.

Farmaajo ayaa 12 balan-qaad ku Khudbadiisii Caleemo-saarka 22-kii February 2017, kuwaasi oo kamid ahaa Shaqo-abuurka Dhalinyaradda, oo ka dhigan 75% shacabka Soomaaliya oo lagu qiyaaso 15 milyan.

"Siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma'aha, siyaasadu ballan ka bax ma'aha, diinta islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb weye,” ayuu yiri Farmaajo.

Isaga maku dhaqmay, ma noqday mid siyaasadiisu wax dhistay, xal raadiyay, oo qiyaanno iyo balan bax ka hufan hogaankiisa? Waxaa cadaatey inuu Madaxweyne Farmaajo inta uu sheegay midna ku dhaqmin.

Farmaajo ayaa balanqaaday in uu shaqaaleyn doono dhalinyaradda "Waa igu balan in dhalinyaradda Soomaaliyeed oo shaqo la’aanta haysata, in aan ka shaqeeyo in ay shaqo helaan. Xitaa Anaka ayaa bixineyna wax ‘welfare’ la yiraahdo, macaawinno anakaa bixinayna" ayuu yiri Farmaajo Afar sanno kahor. 

Cadowga labaad ee Soomaaliya marka colaadda laga yimaado waa faqriga, taasi waxay keentay inay dhallinyarada tahriibaan, kuwa badan oo kamid ah waxay ku dhammaadeen badaha, kuwa badanna xabsi ayey ku jiraan, kuwa badanna waxaa marrin habaabiyay kooxaha xagjirka Al-Shabaab iyo Daacish.

Heerka shaqo la'aanta ee dalka ka jirto waxay ka badan tahay 80%. Waxaa lagu rajo waynaa Farmaajo oo doorashadiisa Feb. 8, 2017 loo dabaal-degay inuu keeni doono qorshe wax looga qabanayo shaqo la'aanta iyo faqriga, laakiin nasiib darro, waaba kasii dartay. 

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo wuxuu ballan qaaday in saddexda sano ee ugu horeysa dowladdiisa ay abuuri doonto fursado shaqo oo ay ka faa'idi doonaan dhallinyarada.

Laakiin, rajo la’aanta dhalinyaradda wax baratay ee Jaamacadaha kasoo baxay meeshii ugu xumayd bey gaartay mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo, maadaama dowladiisa aysan qofna shaqaaleysiin, oo shaqaalaha u shaqeeya yihiin kuwii hore ee shaqaaleysiiyeen maamulladii ka horeeyay.

Keydmedia Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatey in December 2020 labo Jaamacadood oo ku yaalla Muqdisho ka qalin jebiyeen 3,000 oo arday, oo aan haysan dowlada shaqo abuur u sameysa, ku dhawaad 95% oo ardaydaas qalinjabisay Lix billood kadib wali shaqo ma haystaan.

Dal walba wuxuu dhaqaalihiisa lagu jiheeyaa laguna taaba geliyo xoogga iyo maskaxda dhallinyarada, laakiin nasiib darro, dhalinyarro badan oo Soomaali ayaa sanadihii lasoo dhaafay, ku baaba'ay badda Yurub ayagoo tahriibaya. 

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan inuu Farmaajo ku fashilmay ka dhabeynta dhammaan ballamaha uu qaaday, siyaasadda, amniga, dowlad-dhisidda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda.

Dhalinyarada waxay dowladda Farmaajo u arkaan mid madaxda talada haysa u shaqeysa, mid ku tumata xaquuqdooda, mid aan u roonayn dalka iyo dadka, oo Canshuurta laga qaado shacab iyo deeqaha caalamka dano gaar ah loo adeegsado.

In ay dowladda shaqo u abuurta dhalinyaradda iskaba daaye, waxay askarteeda jidadka Muqdisho maalin kasta si macno la’aan ugu dilaan kuwa Waalidkooda shaqada u abuurey ee ku shaqeysta Bajaajta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.