Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

Kumuu ahaa Cali Mahdi?

Warbixin Keydmedia Online

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa xalay ku geeriyoodey Isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi, ee Caasimadda dalka Kenya, walina ma jirto war la xaqiijin karo oo sheegaya sababta geerida Marxuumka, inkastoo ay Keydmedia Online ogaatay in marxuumka si deg-deg ah loola cararay Nairobi. 

Kumuu ahaa Cali Mahdi?

Cali Mahdi ayaa Madaxweyne kasoo noqday dalka intii u dhaxeysay 1991 illaa 1997 xili dalka uu ka socday dagaalka Sokeeye, waxa uuna ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladahii Kumeel Gaarka ee Soomaaliya.

Cali Mahdi waxa uu ahaa madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya, waxuuna noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee xilligii burburka kaddib hoggaamiya dowlad kumeel gaar ah oo Soomaaliyeed, kaddib markii la riday nidaamkii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre oo af-gambi kula wareegay talada dalka 1969.

Waxuu ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya sanadka markuu ahaa 1939. Wuxuu ahaa madaxweyne intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1997 -dii, wuxuu ku dhintay Isbitaal ku yaalla Nairobi maalintii shalay isagoo jira da'da 82 sano.

Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dambe wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.

Marxuumka ayaa Xildhibaan kasoo noqday Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu tilmaami jiray shaqsigii ugu da'da yaraa, ee xubin ka noqda Baarlamaanka dalka. 

Cali Mahdi waxa uu xukunka la wareegay kaddib markii xukunka laga riday rajiimkii Siyaad Barre, wuxuuna inta uu madaxweynaha ahaa dagaal loo yaqaanno "afar biloodle" la galay General Maxamed Faarax Caydiid.

 

Kadib shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti 2000, Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xilligii burburka kaddib waxuu Cali Mahdi noqday ganacsade degan Muqdisho, waxuuna isaga haray siyaasadda isagoo ahaa nabaddoon beesha uu kasoo jeedo ee Mudullood, waxuu agaasimay shir ay beeshiisu yeelatay sanadkii hore kaasoo la isugu keenay siyaasiyiin ku kala aragti duwan arrimaha dalka oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya.

AUN Cali Mahdi ayaa inta uusan dhiman mudooyinkii dambe ka dhex muuqday saaxadda siyaasadda dalka, isagoo u janjeeray dhanka Mucaaradka Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.