Waa Kuma Yaasiin Fareey?

Warbixin Keydmedia Online

Nin aan laheyn tacliin waxbarasho, ama xirfad askarinimo, oo saaxiibadiis ay ku tilmaamaan "Nin aan caqli badneyn oo aan isqeybin karin", hadaba waa kuma ninkaan uu Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo ka dhigtay Agaasimaha Hay'adda ugu awooda badan Soomaaliya? Waa Warbixinta KEYDMEDIA. 

Waa Kuma Yaasiin Fareey?

Muqdisho – September 8, 2021: Keydmedia ayaa baaritaan ku sameysay mid ka mid ah dadka la tuhunsan yahay in uu fuliyay dilkii loo geystay Ikraan Tahliil, oo ah Yaasiin C/laahi Maxamuud oo ku magac dheer (Yaasiin Fareey).

Dadka yaqaan Yaasiin ayaa ku tilmaamay da’diisu in ay u dhexeyso 30-36, deegaan ahaanna uu kasoo jeedo gobolka Shabeelaha Dhexe.

Yaasiin waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qof aan laheyn tacliin waxbarasho, ama xirfad askarinimo, inkastoo uu yahay sarkaal ciidanka Nabadsugidda ka tirsan. Hay’adda nabadsugidda wuxuu kaga soo biiray xiligii uu talada hayay Janaraal Tuuryare, oo ay juffo ahaan isxigaan.

Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda, magciisana ka gaabsaday in la shaaciyo, oo ka waramaya Yaasiin Fareey ayaa yiri “Markii iigu horeysay Yaasiin Fareey waxaan ku arkay guriga Generaal Tuuryare, halkaas oo uu u qaabilsanaa in uu albaabka ka furo dadka martida ah. Waxaa la oran karaa wuxuu ahaa wiil yar oo reerka ugu yimid qaraabo-nimo, balse aan laheyn wax xirfad askarinimo ama tababar ciidan.”

Yaasiin Fareey waxaa lagu sifeeyay in uu yahay qof aan codkar aheyn, af-gaaban, oo dadka madaxda ah jecel mar walba in uu u qidmeeyo. Keydmedia oo waydiisay dadkii yaqiinay damiir ahaan, intee ayaa la oran karaa waa uu hufan yahay, ayaa ku jawaabay “Yaasiin ma ahan nin caqli badan oo isqeybin kara, mana lahan karti uu amar qaldan ku diido ama uga hor yimaado madaxdiisa.”

Farmaajo ayaa digreeto kusoo magacaabay Yaasiin Fareey xalay saqdii dhexe, maadaama uu yahay qofka kaliya ee Fahad Yaasiin u fulin jiray awaamirta baalmarsan sharciga iyo dastuurka dalka. Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Yaasiin Fareey, xogta uu hayana loo asturi lahaa.

Yaasiin ayaa noqday taliyaha ilaalada ciidanka Fahad Yaasiin, halkaas oo uu markii dambe uga dalacay mas’uuliyaddo kale oo la xiriira maamulka Hay’adda Nabadsugidda. Inkasta oo uusan laheyn xirfad iyo karti ciidan, hadana Keydmedia waxay soo ogaatay in Yaasiin Fareey uu ahaa ninka u qaabilsan Fahad xuuraanka arrimaha qabiilka reerka uu ka dhashay, gacansatadooda iyo siyaasiyiinta.

Isku-dhacyadii ugu dambeeyay ee mucaaradka iyo xukuumadda Farmaajo, Yaasiin Fareey wuxuu ku muteystay darajo kale, taas oo aheyd in uu ka daba shaqeeyay Ibrahim C/laahi Baadiyow, oo amardiido ku sameeyay Fahad Yaasiin kadib markii lagu amray in uu ka qeyb qaato weerarkii la damacsanaa in lagu qaarajiyo labada madaxweyne ee Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh.

Yaasiin Fareey oo aan ka laba-labeyn ayaa fuliyay amarkii taliyaha NISA, kadibna Ibraahim Baadiyoow, oo ah nin la dhashay musharaxii xilka madaxweynaha 2016-kii, ayaa halkaas ku waayay xilkiisii iyo masuuliyadii uu ka hayay Hay’adda Nabadsugidda.

Dad xog-ogaal ah ayaa Keydmedia u sheegay in Yaasiin Fareey uu damcay in uu ka baxsado magaaladda Muqdisho, una cararo dhanka South Afrika, balse C/laahi Aadan Kulane, oo loo yaqaan Kulane Jiis, ayaa ku qanciyay in uu dalka joogo, damaanad u siiyay in Farmaajo xoog iyo xeelad iskugu geynayo sidii looga beri-yeeli lahaa kiiska Ikraan Tahliil.

Keydmedia Online ayaa sidoo kale billowgii sanadkaan warbixin dheer ka qortay Fahad Yaasiin oo aan ku tilmaamnay Aabaha Argagixisadda, hadaba:

Waa kuma Fahad Yaasiin?

Waxaa lagu sifeeyey inuu yahay shaqsiga ugu saameynta badan Soomaaliya xilligan, waana gacanta-midig ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Nin is-qariya sidii Axmed Godane, waa taariikhda aabaha Argagixisadda Soomaaliya. 

Fahad wuxuu dhashay 1977 ama 1978. Taariikhdiisa dadka inta badan kalama yaqaanaan. Baasabooradiisa Soomaaliga iyo Kenya waxaa ku qoran macluumaad kala duwan oo noloshiisa ku saabsan.

Markii hooyadiisa iyo aabihiisa kala tageen 1980-tameeyadii, waxaa la keenay isagoo yar Muqdisho oo uu ka dhigtay dugsiyo Qur’aan oo caruurta qoysaska saboolka ah si lacag la’aan ah wax ku bara. Waxay deganaayeen Xaafadda Howlwadaag.

Markii xukunka laga tuurey kaligii-taliskii Maxamed Siyaad Barre 1991, Fahad iyo qoyskiisa waxay u carareen Kenya, iyagoo qaxooti ku noqday xerada Utanga, oo ku dhaw magaaladda Mombasa.

Intii uu ku noolaa xerada qaxootiga, Fahad waxaa xag-jireeyay C/shakuur Cali Mire iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo ku biiriyay Ururka Al-Itixaad al-Islamiya, oo ku jira liiska argagaxisadda Mareykanka iyo QM.

Saandkii 1997, Ciidamada Itoobiya ayaa dilay C/qaadir Gardheere oo ahaa adeerkiisa qaba hooyadiisa isagoo u dagaalamaya Ururka Al-Itixaad al-Islamiya, oo Xasan Daahir Aweys hogaamiye u ahaa xiligaas, taasi waa markii uu Fahad go'aansaday in uu 'aargoosto'.

Fahad ayaa carro ka qaadey dilka adeerkiisa, waxaana ku beermay nacaybka reer galbeedka iyo Itoobiya, isagoo wixii markaas ka dambeeyay sii noqonayay xag-jir, aad u taageera kooxaha argagaxisadda Soomaaliya, sida Maxkamadihii Islaamiga ee la burburiyay 2007 iyo Al-Shabaab.

Kadib weeraradii qaraxyada ee lagu qaadey Safaaradaha Mareykanka ee Tanzania iyo Kenya 1998, Fahad ayaa dib ugu laabtey Soomaaliya, wuxuuna billaabey inuu maqaallo u qoro Website lagu magacaabi jiray Somalitalk.com, inkastoo maqaaladdaas qaarkood la tirtiray hada, laakiin wali qaarkood waa saaranyihiin websiteka. 

Qoraaladdaas oo uu qori jiray sanadkii 2005 ayuu ciwaanno 'Clickbaiting' siin jira sida "SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!" ama "URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE.".

Sanado kadib, Fahad ayaa laga waayay Soomaaliya. Qaar kamid ah saaxiibadiisa waxay sheegeen inuu u dhuuntay Yemen, oo Diinta Islaamka ku baranayay. Saaxiibo kale ayaa sheegay inuu aaday Pakistan.

Fakerkiisa xag-jir waa uu soo xoogeystay mudadii uu dibadda ku maqnaa. Markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, Faarax C/qaadir, ninka awoodda badan ku lahaa dowladdii Xasan Sheekh ayaa Fahad baray agaasiimiha Al-Jazeera TV, qeybta Carabiga Wadah Khanfar oo Faarax ay isku fasal [Class] ahaayeen.

Fahad ayaa noqday macalinka Caruurta Wadah Khanfar, oo uu dalka Qatar ku biri jiray Qur’aanka. Sanado kadib, Fahad waxaa loo soo diray Muqdisho, si uu wariye madaxa-banaan oo wararka usoo dira Al-Jazeera u noqdo.

Maadaama uu ahaa nin xagga diinta dalala dhowr ah kusoo bartay oo xag-jir ah, waxuu la fal-galay Kooxaha argagaxisadda Soomaaliya, oo hogaamiyeyaashooda sare wareysiyo ka qaadey, isagoo ah wariye katirsan Al-Jazeera Arabic.

Maadaama uu ahaa Suxufi, Fahad ayaa galaan-gal u sheegay siyaasadda Soomaaliya markii dalka laga saarey Maxkamadihii Islaamiga 2007, waxuuna dalaal u noqday dowladda Qatar wixii ka dambeeyay 2012.

Lacago badan Malaayiin dollar ah ayuu dowladda Qatar kasoo qaadey, taasoo uu siiyay musharaxiin tartan ku jiray, laakiin kuma guuleysan doorashadii 2012, maadaama Xasan Sheekh kusoo baxay, oo Faarax C/qaadir saaxiibo iyo xulufo ahaayeen.

2017 ayuu nasiibkiisa ku tijaabiyay Farmaajo, waana ku guuleystay doorashadda, taasoo ka dhigtay hadda ninka ugu awoodda badan Soomaaliya, isagoo NISA taliye ka noqday, xogta qarankana siiya Doha.

NISA ayuu sidaan ognahay kusoo daray Saraakiil badan oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, taasi oo keentay in maanta Hay'adda Sirdoonka iyo Argagixisadda Al-Shabaab ay isku milmeen.

“Shaki kuma jiro in laba Shabaab wada Shaqeeyaan” Kooxda Kalamaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.