Farmaajo VS Cosoble

Waan ku aaminay waana i khiyaantay!

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa ka sheekeeyay, ballaan ay isaga iyo Farmaajo, wada sameysteen, taasoo ku dhamaatay khiyaano iyo in xilka si sharci darro ah looga tuuro Cosoble.

Warbixin Keydmedia Online
Waan ku aaminay waana i khiyaantay!

Waxey aheyd bishii Ramadan ee 2017 markaanu xafiiskaaga ku yeelannay shir socday qiyaastii 2 saacadood, wada hadal dheer kaddibna waxaan wada hadalkeenii ku soo gunaanadnay "in la is aamino", intaa kuma aadan ekaan ee waxaad jalleecday "kitaab quraan" oo miiska kuu dul saarnaa. Waad istaagtay waxaadna tiri "kitaabka Alle ayaan isku aamineynaa". Waxaad weliba soo jeedisay inaan annagoo isi salaameyna aan kitaabkana gacanta kale saarno.

Waxaan labadeenaba ku dhaaranay inaan is kaalmeysanno, siyaasadda mid ka ahaanno, Inaan kugu garab istaago arrimaha guud ee dalka adigana aad iga saaciddo horumarinta degaanka. Dhaarta kaddib waxaad English ku tiri "I watch your back, you watch my back" anigana waxaan kuugu jawaabay "waa ballan".

Afka markii la furay waxaan u safray B/weyne, waxaan ku sugnaa labaatameeyo maalmood, markaan ku soo laabtay Muqdisho waxaan kuu sheegay iney Jowhar ka jirto shaqaaqo laga abaabulay Muqdisho, rag kugu dhowna ay hormuud ka yihiin.

Maalintaan qorsheeyay inaan Jowhar tagno aniga iyo tiro isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayey Jowhar ka soo yeertay inuu baarlamaankii Hirshabeelle kalsoonidii igala laabtay taasoo ay ummadda oo idil marqaati ka tahay ineysan jirin.

Waxaan gaaray Jowhar waxaana ka sii daray fowdadii ay muhandasiinteeda ku sugnaayeen Villa Somaliya. 48 saac kadib ayaad toos ii soo wacday waxaadna iga dalabtay inaan kuu imaado, warkaagana wuxuu ahaa "ii kaalay arrintaan waan dhameyneynaa".

Mar labaad ayaan aaminay warkaaga waana kuu imid hase ahaatee waxaan kaala kulmay fajacii adduunka.

Waxaad qirtay waxa Jowhar ka dhacay ineysan sharciga waafaqsaneyn, waxaadna ii raacisay "Waxaan ogaaday koox ila shaqeysa iney arrinkaan abaabuleen, kedisna ay kugu noqotay".

Waxaan kuu soo jeediyay maadaama aad tahay madaxweynaha dalka waajibna kaa saaran yahay ilaalinta daatuurka, inaad caddeyso waxa Jowhar laga sameeyay ineysan waafaqsaneyn dastuurka.

Waad diiday inaad tallaabtaa qaado, waana halka aan ku xaqiiqsaday inaad dulmiga wax ka ogeyd raalina ka aheyd.

Kooxdii i dulmisay adaa ka haray, mid mid ayeyna daaqadda uga bexeen.

Adiga waad i khayaantay, kitaab ayaad gacanta ii gelisay, waxaad ka baxday ballantii aad ila gashay. Kuma aanan cafin, kumana cafin doono.

Waa bil Ramadaan, waan soomanahay, waan weyso qabaa, kitaabka Allah ee aad ku dhaaratay ayaa horteyda yaalla, addoon Ilahey baan ahay, xaq ayaadna iga gashay. Waxaan Ilahey ka baryaa inuu ummaddaan ku hor dhaafiyo.

Ilahow Farmaajo waa i dulmiyay sida uu dad badan oo kaleba u dulmiyay. Kitaabkaaga ayuu igu khayaamay sida uu dad badan ugu khayaamay.

Ilaahow Farmaajo ummadda hor dhaafi.

Ilahow Islaamnimadeyda haddey wax ka jiraan iga aqbal baryadeyda oo Farmaajo ha ku soo celin talada iyo xukunka dalka.

Ilahow adaa mujiibu dacawaad ah ee iga aqbal dacwadeyda. Yaa Rabb.

MW Cali Cabdullahi Cosoble – KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.