Wadada Soomaaliya u mari-karto Mustaqbal Nabad ah

Warbixin Keydmedia Online

Colaadda sokeeye ee Soomaaliya oo 30 sano jirsatay, ayaa burburisay nidaamkii waxbarasho iyo dowladnimada dalka, iyadoo mustaqbal la’aan ka dhigtay malaayiin Carruur ah oo da'da iskuulka gaartay.

Wadada Soomaaliya u mari-karto Mustaqbal Nabad ah

Hadda waxaa muuqda ifafaallo wanaagsan iyo dib usoo kabasho, inkastoo aan wadanka gaarin halkii la rabey. Bulshada oo 70% dhalinyaro ah, waxay sameysay isku-tasho ubadka wax lagu barayo kadib markii nidaamka dowladnimada meesha ka baxay.

Sanadka 2019, in kabadan 30,000 oo arday oo ka kala socda 120 dugsi sare ayaa u fariistay imtixaan mideysan oo qaran. Dowladdu waxay soo saartay manhaj cusub, waxayna mideysay imtixaanaadka dalka saddex sano ka hor.

Waa markii ugu horeysay oo tallaabadan la qaaday tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii. Saddexdii sano ee la soo dhaafay, ardayda u fariisaneysa imtixaanka mideysan ayaa  gaartay 30,000, iyadoo horey u ahayd 4,600.

Waxbaridda jiilka berri [Next Generation] waxay kahor tagaysaa colaadda, waxayna horseedaysaa mustaqbal nabad ah, maadaama dhalinyaradii loo adeegsanayay dagaallada ay u leexdeen dhinaca tacsliinta iyo Iskuulka.

Waxaa jira xiriir ka dhexeeya waxbarashada iyo nabad-dhisidda. Tacliintu kaliya kama caawiso qofka dhisida xirfad shaqada, ee waxay sidoo kale abuurtaa rajo iyo nabad-dhisid. Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay maalgelin ku sameyso qeybta waxbarashada, si lamid ah dhaqaalaha ay ku bixiso amniga.

Waxaa jira caqabado, oo dowlad kaliya wax kaqaban karto, waxaa kamida tayada waxbarashadda dalka oo aad u liidata, macalimiin u qalma oo heerka aqoontoodu fiican tahay ma haystaan ubadka, mana jiro dhaqaale xoog leh.

Tayeynta nidaamka waxbarashadda waxay u baahan tahay dehaan nabad ah, mana jirto hadda, laakiin lagama quursan wax in la barto xitaa iyadoo dagaallo socdaan way shaqeynayeen Iskuuladda gaarka.

Dowadihii xukunka isgaga dambeeyay tan iyo 2000, mid waliba waxay balan-qaadaysay inay ahmiyadda kowaad ka dhigayso waxbarashadda, laakiin waxba kama hirgelin, mana muuqato in mustaqbalka dhaw wax laga qabanayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askareysa kumanaan carruur ah oo kamid noqda dagaalyahannada safka hore dagaalka uga jira, iyadoo u diiday caruurta da’da yar inay fursad u helaan waxbarasho si ay u dhisaan mustaqbal ifaya.

UNICEF waxay ku qiyaaseysaa 5,000 caruur ah in lagu askareeyay Soomaaliya tan iyo 2017. Sanadihii la soo dhaafay, boqolaal caruur ah, ayaa ka cararay guryahooda si ay uga baxsadaan askaraynta khasabka ah.

Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa caruurta askar u qorta iyagoo aan waalidiintooda raali ka ahayn, kadibna u adeegsada dagaallada, halkii ay dhanka wanaagsan ku toosin lahaayeen jiilka yar ee soo koraya, kuwaasoo waayay xaqii ay u lahaayeen inay waxbartaan.

In ka badan saddex milyan oo caruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa ka maqan iskuulka. Meelo badan oo dalka ah, waalidiinta ma awoodo inay maalgeliyaan mustaqbalka iyo waxbarashada carruurtooda.

“Waxbarashaddu waa hubka ugu awoodda badan, ee loo isticmaali karo isbedelka”.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.