Wasiirada kasoo muuqan waayay Golaha Wasiirrada cusub & waxay Sababsadeen!

Warbixin Keydmedia Online

Xalay waxaa lagu dhawaaqay liiska Golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasoo inta badan ahaa kuwii hora uga tirsanaa Xukuumaddii dhacday ee Xasan Cali Khayre uu hoggaaminayay.

Wasiirada kasoo muuqan waayay Golaha Wasiirrada cusub & waxay Sababsadeen!

Magacyada golaha wasiirada inta aan la shaacin waxaa la isla dhex marayay hadal hayn ku aaddaneyd xubna fir-fircoon oo ka maqnaan doona liiska Golaha Wasiirada Xukuumadda cusub ee Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha ka maqan liiska ayaa siyaabo kala duwan uga haray, guud ahaan saaxiibada Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa meesha laga saaray, wasiirro, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal intaba way isaga huleeleen, baddalka raggaasina waxaa la keenay in kale oo saaxada siyaasadda ku cusub qaarna ay horay ugu soo jireen, lama hubo in Ra’iisulwasaaraha cusub uu ku leeyahay saaxiibo dhaw, balse waa hubaal in wasiiradda cusub ay u badan yihiin kuwa katirsan kooxda Ololaha doorashadda Farmaajo.

Wasiirkii Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare: Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre oo lagu tiriyo saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid noqday shaqsiyaadka la hadal hayo ee ka haray liiska golaha wasiirada cusub, dhallinyarada wax ku qorta baraha bulshada waxay kula kaftameen “Wasiir Goodax wuu ku dhacay kamid noqoshada wasiirada cusub! maadaama ardaydii ugu badneed ee gobolka Benaadir uu imtixaankii sanadkan ku riday!” Goodax oo lagu xasuusto nin xamaasad badan oo xitaa mucaaradka ka aragtida duwan ee golaha baarlamanka kamida wuxuu ku tilmaami jiray Al-Shabaab!, sidoo kale xildhibaan dhallinyaro ah ayuu warbaahinta horteeda ku sheegay in uu ahaa nin musuq maasuq badan oo xoolihii umadda xaday "30 Jir 30 Milyan haysta halkee lagu arkay?" ayaa kamida erayda uu ku caan baxay wasiir Goodax, warar hoose ayaa sheegaya in Goodax Barre xaalad caafimaad awgeed inuu kaga haray, inkastoo hadalkaasi aan la xaqiijin karin.

Wasiirkii Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda: Wasiir Maxamed Abuukar Islow ayaa horay loo sii shaaciyay in uu ka maqnaan doono liiska wasiirada cusub inta aan la soo bandhigin, taasi waxaa sabab u ahaa in markiisii horeba uu meesha ku yimid saaxiibtinimo kala dhaxaysay Ra’iisulwasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre, sidoo kale markii xilka looga qaaday 7 daqiiqo warbaahinta ayuu la hadlay isagoo careysan, wuxuuna ku celceliyay hadal dhibay madaxweyne Farmaajo kaasoo ahaa “No extension, No extension…” oo uu ula jeeday muddo kororsi raalli kama nihin, "Xukuumaddana waxaa loo riday si loogu darsado muddo dheeri ah!" ayuu sii raaciyay wasiir Islow oo aad uga xumaaday in saaxiibkii marna Ra'iisulwasaarihii uu jeclaa xilka laga xayuubiyo, weyna u sawirneed haddii Xasan meesha ka baxo uu isna dhaqaajin doono.

Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha: Wasiir Sadiiq Warfaa isna waxaa lagu tiriyaa wasiiradii saaxiibtinimadiisu ay kasoo billaabatay Ameerika ee la socday Madaxweyne Farmaajo tan iyo ololihiisii doorashada, waxaana la aaminsanaa in uu kamid ahaa ragga abaalmarinta ku helay Jago Wasiir, Sadiiq warfaa oo inta la xasuusto kamid ahaa xubnihii xildhibaanada iyo wasiirada kasocday dowladda soomaaliya ee ka qeyb galay shirweynihii wadatashiga Puntland ee lagu orriyay, dabadeedna isaga dareeray goobta uu shirku ka socday.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha iyo Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda: Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo loogu yeero Wasiir Qarfaan ayaa ku baxay habka awood qeybsiga siyaasadda dalka ee sida hoose loo maamulo, wasiirka ayaa ku reer ah Ra’iisulwasaaraha xukuumadda, waxa uuna xilkaasi ku wareegay beel kale oo kamida beelaha ku abtirsada Hawiye, Qarafaan oo ah nin af-gaaban islamarkaana aan ku fiicneen fagaaro ka hadalka ayaa lagu xasuustaa hadda kahor uu sheegay ee ahaa in dowladda soomaaliya ay ballanta uga baxday Urur diimeedkii la oran jiray ASWJ ee gobollada dhexe ka dhisnaa, kaasoo heshiis been-been ah ay la gashay dowladda si loola wareego awooddooda, waxaana intaa warbaahinta ka hor qirtay wasiir Sabriye!

Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska: Wasiir Maxamed Xayir Maareeye oo ahaa aftahan inbadan lasoo shaqeeyay xukuumadihii soo maray dalka ayaa isna ka dhacay saaxada golaha wasiirada ay u harsan tahay wax ka yar muddo 4 bilood ah, waxaana uu ahaa nin ku dhaw hoggaanka sare inta badan oo mucaaradnimada wuxuu ka jeclaa waligiis in uu wax helo, lana safto hoggaanka sare, dood xiisa badneed oo lagu qabtay sanadkii hore Hoolka shirarka ee Sahal Terminal ee Muqdisho ayaa waxaa su’aal weydiiyay wiil dhallinyaro ah taasoo ahayd "Goorma ayaad fursad siineysaa dhallinayrada reer waqooyi ee aad hortaagan tahay?" Wasiir maareeye ayaa si kulul uga jawaabay su’aashaas wuxuuna ku yiri “Dhallinyaro soo tartama, anigu wax gooni ah ma haysto, waan tartamay oo waan guuleystay” magacaabista golaha wasiirada ayuu ka haray wasiir hore Maxamed Xayir Maareeye oo ku faanay in uu yahay nin tartama haddana ku guuleysta tartanka!.

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda: Wasiir Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo ahaa nin dhallinyaro ah ayaa isna ka dhacay sallaanka u uku fuuli lahaa mar labaad Saaxada golaha wasiirada ee Rooble soo dhisay, waxaa la tilmaamay in ay jireen warar hoose oo ku aaddanaa dib udhaca magacaabista golaha wasiirada in ay qeyb ka ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamanka JFS Mursal iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ay ku dadaalayeen in Wasaaradda maaliyadda la siiyo iyaga ka beel ahaan, markii hore waxay wateen 2 wasiir oo mid waliba uu doonayay in la siiyo kan isaga uu wado, hayeeshee ugu dambeyn  ayey isku soo raaceen in iyaga la siiyo maadaama ay keeneen hal nin oo ay oggol ku yihiin, balse madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sayray soo jeedintaas, wuxuuna ku dhagay in Wasiir Bayle aan laga taaban wasaaraddiisa, ugu dambeyntiina waxaa loo sheegay in ay u tashadaan oo ay qof u keensadaan wasaaradda uu maamule wasiir amar dambe booskiisa!

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta: Wasiir Cabdi Aadan Hoosow oo horay u badalay wasiir kii ka horeeyay ee iska casilay xilka wasaaraddaasi December 2018 Mudane Cabdifitaax Geeseey, Hoosow ayaa ku yimid rabitaanka Xasan Cali Kheyrihii la riday isagana maanta ayuu ka haray liiska cusub, markiisii horena miisaan culus ma lahayn sida la sheego, wuxuu ahaa shakhsi ahaan qof aan lahayn galaangal xoog leh, wuxuuna meeshiisa ku suganayay in mar kale lasoo magacaabo isagoo halkiisa jooga oo aan juhdi badani uga bixin!

Wasiirro kale ayaa ka haray doonta cusub ee xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Rooble sida wasiir Canshuur & wasiir Sheekh Nuur oo kala maamulayay Wasraaradda Duulista Hawada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Qaar kamida shaqsiyaadka ka dhacay saaxada ayaa la tilmaamay in lagu badashay qof kale oo ay isku heyb yihiin, (sida wasiirka waxbarashada oo lagu baddalay kan arrimaha Gudaha) islamarkaana taageero buuxda u ah waxa loogu yeero Xisbiga aan muuqan ee N&N loo soo gaabiyo oo xulufeysi lamida kuwii la bartay xilligii hoggaamiye kooxeedyadu maamulayeen dalka ee ay dowlad la'aanta ka jirtay!

Marka laga yimaado xulafada Farmaajo waxaa saaxada soo fuulay saddex wasiir oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxayna u muuqataa in lasoo dhex galay xisbiga midnimo qaran oo lagala soo baxay saddex xubin oo firfircoon si miisaanka Himilo Qaran iyo Madasha Xisbiyada Qaran ay u saameyso!

S/M

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.