Diiradda Amniga & Falalkii Argagixiso

Weerarkii Xabsiga Dhexe

Warbixin Keydmedia Online

Daawo Warbixinta Hordhaca - Iyadoo laga duulayo in dadweynaha Soomaaliyeed laga haqabtiro wararka, xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya ka jira ayaan si gaar ah ugu lafagurnaa barnaamijka diiradda amniga kuna soo bandhignaa barnaamijyo si qotodheer uga hadlaya dhacdooyin la xiriira amniga. 

Weerarkii Xabsiga Dhexe

Hadaba aan u gudubno weerarkii Xabsiga Dhexe ee dhacay 10/08/2020 oo ahaa mid aad loo qorsheeyey ayna ku dhinteen 20 ruux.

Taariikhdu markii ay ahayd 06/08/2020 ayay shireen koox maxaabiis ah oo ahaa kuwii soo agaasimey fuliyeyna weerarka oo ka koobnaa 6 xubnood magacyadooduna ay kala ahaayeen:

  1. Mubaarak Ibraahim Iidle oo Baxsaday   
  2. Asad Cumar Ibraahim (Sambuus) - xiran
  3. Cabdullaahi Sheekh Xuseen “Galmudug” lagu naaneyso” - xiran
  4. Ibraahim Maxamuud Maxamed (Gamaadiid)
  5. Liibaan Ibraahim Barre (Waarikow) 
  6. Salaad Xasan Buulle (Timajilac) oo ku geeriyoodeen weerarka.

Shan kamid ah maxaabiista ayaa ku wada xirnaa qol lambarkiis yahay 6, halka midka soo harayna uu ku xirnaa qol lambarkiisu ahaa 6 ayna taleefonka ku wada xiriirayeen saaxiibbadiis.

Maxbuus magaciisa la yiraa Maxamuud Forex (FOREX) oo ku xirnaa qolka 10aad, oo isagu xabsiga ka dhex wadey ganacsi isagoo kaashanayey qaar ka mid ah ciidanka xabsiga ilaaliya ayaa 07/08/2020 alaab uu ka ganacsado bannaanka ka dalbanayey

Gamaadiid oo ka mid ahaa ragga weeararka abaabulayey ayaa wuxuu Maxamuud Forex ka codsaday in alaabta uu dalbanayey uu ugu soo daro alaab isaga u taalley Ceelasha Biyaha.  Alaabtaas uu Gamaadiid dalbaday waxaa ku dhex qarsanaa bambooyinka gacanta iyo bastoolado ay kooxda weerarka abaabulaysay u qorshaysnayd inay weerarka ku fuliyaan.  Maxamuud Forex wuu aqbalay codsigii Gamaadiid. 

Sida xog aad loogu kalsoonaan koro ay Keydmedia Online u sheegtay xiligi ay ku jirtay baaritaanka Barnaamijkaan, Maxamuud Forex wuxuu la xiriiray Xaaskiisa una sheegay inay alaabtii laga codsaday ay ka soo qaaddo Ceelasha Biyaha ayna u geyso wiil uu abti u yahay si uu ugu soo daro alaabta isaga loo soo dhiibayo wadaha Mooto Bajaajka aalaaba Alaabta loogu soo dhiibo.  Sidii caadada ahayd wadihii mooto bajaajka waxa uu alaabtii keenay maqaayad ku taalla suuqyaraha Xamarjajab, maqaayaddaas oo ay leedahay Haweeney lagu magacaabo Xaawo C/raxmaan Axmed.

Qeybteeni labaad ee Barnaamijka waxaan uga hadli doonaa qaabka Xabsiga loo soo galiyay bambooyinka gacanta iyo bastooladaha.

Kala soco bogga Keydmedia Online todobaadka soo socda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.